Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiiradda Arrimaha Dibeda iyo Gudaha Somaliland oo manta ka soo kicitimay caasimadda Addis Ababa kuna soo jeeda Somaliland

Addis Ababa(maantasomaliland.com) wasiiradda Arrimaha Dibeda Somaliland Maxamed C/Laahi Cumar iyo Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Carraale Duur oo ku sugnaa dalka Itoobiya ayaa manta ka soo duulay isla markaana u soo jeeda Somaliland,

Lama garanayo xogta dhabta ah ee ay Wasiiradaasi kala soo kulmeen booqashadii ay Itoobiya ku joogeen oo ay kula kulmeen Wasiirka Afrika u qaabilsan Ingiriiska iyo Madax ka tirsan Dawladda Itoobiya kuwaasoo ay kala hadleen Shirka Somaliya loo qabanayo iyo dagaalada ka taagan barriga Somaliland iyo Ganacsiga labada dal u dhaxeeya.

Inkastoo ay soo guud mar ah warbaahinta ugu sheegeen inay kulamadaasi kala kulmeen rajo fiican hadana may cadaynin faa’iidada rasmiga ah ee ay kulamadaasi ka heleen haddii ay noqoto shirka Ingiriiska oo lagu martiqaaday oo laga sugayo Somaliland inay ka qayb gasho, dagaalka ka socda Buuhoodle oo kooxda wadaa dhinaca Itoobiya ka soo talowday imikana ay ku sugan yihiin iyo Xidhiihdka dhinaca Ganacsiga oo in muddo ahba labada dal caqabadi ka taagnayd.

Si kasta ha ahaatee waxa laga war –sugi doonaa xogta dhabta ah ee ay la soo guryo noqdeen marka ay Hargeysa tagaan waxa ka soo bixi doona ee ay Xukuumada Somaliland ka fuliso ama iska bedela qoddobada ay wasiiraddu u yimaadeen Itoobiya oo fulintoodu bishan kala cadaan doonto.

xuseen xarbi

maantasomaaliland.com/hargaysa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com