Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiiru Dawlihii Hore Ee Hawlaha Guud Iyo Guryeynta Oo Xukuumadda ku eedeeyay In ay Cadawga S/land Fursad siisay, Shirka London-Na Ku Tilmaamay Mid Qaranka Wax U Dhimaya.

 

Hargeisa (maantasomaliland.com)-Wasiiru Dawlihii hore ee Wasaaradda hawlaha guud iyo Guryeynta Somaliland Shucayb Maxamed Muuse ayaa Xukuumadda Somaliland ee haatan talada haysa ku eedeeyey in ay tahay mid aan sidii loogu talo galay Qaranimada Somaliland u ilaalinayeyn, isla markaana markii la arkay jileeca maanta Xukuumadda ka muuqda Cadaw badan oo Qaranimada Somaliland ka soo horjeeda ku soo dhiiradeen sidii ay u waxyeelayn lahaayeen.
Shucayb Maxamed Muuse Wasiiru Dawlihii hore ee Wasaaradda hawlaha guud iyo Guryeynta oo xalay khadka Taleefanka ugu warameyey Wargeyska Caalami mar uu la soo xidhiidhay ayaa sidoo kale warbixin balaadhan ka bixiyey shirka la filayo in uu dhawaan ka dhaco Magaalada London kaasi oo loo qaban doono kooxaha Somalida.
Shucayb Maxamed Muuse oo ugu horeyn ka hadlayey Xaalada uu dalku maanta marayo ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaan jecelahay in aan ka hadlo laba arrimood, kuwaasi oo kala ah arintan maanta taagan ee Buuhoodle, arinta labaadna waa Shirka ka dhici doona Magaalada London. Haddii aan ku horeeyo xaalada uu maanta Dalku ku jiro, waxaanan odhan karaa xaalada uu maanta dalku ku jiro waa xaalada adag oo aad u qalafsan, taas oo ay ugu horeyso arinka Buuhoodle oo aan u arkayo in u yahay mid Qaranka lagu soo duulay, waxaana muhiim ah in ay Xukuumaddu doorkeeda ka qaadato oo waxa jira gaabis badan oo dhinaca Xukuumadda ah dhinac kasta ha ka timaado, markaad eegto dad badan oo Qaranimada Somaliland si weyn uga soo horjeeday oo ay ka mid yihiin Cali Khaliif, General Morgan oo habeen dhaweyd ka hadlayey munaasibad lagu taageerayey Khaatumo iyo rag badan oo kale arinkaasi ay wadaan waxaan u arkaa Qaranimadii oo lagu soo duulay, markaa waxaa loo baahan yahay in ay dhinac uga soo wada jeedsano”.
Wasiiru Dawlihii hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud iyo guryeynta Shucayb Maxamed Muuse oo aanu weydiinay su’aal ahayd cida ku soo duushay Qaranimada Somaliland sida uu sheegay waxaanu ku jawaabay “Somaliland weligeed cadaw badan ayey lahayd, markaa Cadawga ay lahayd baryihii hore waxa jirtay in ay dibadahaasi meeri jireen oo aanay heli jirin fursad ay Somaliland kaga guulaystaan, balse Xukuumadda maanta jirta oo aad mooda in laga dareemay jileec badan ayaa keentay in cadaw badan oo Somaliland ka soo horjeeda Qaranimadeedu ku soo dhiirado sidii uu u wax yeeli lahaa”.
Shucayb oo aanu weydiinay waxa keenay in Xukuumadda maanta jirta oo ah tii ay shalay dad badani ku doorteen codka aqlabiyada ah, isla markaana dad badan ku han weynaayeen in ay Xukuumaddoodii dhaami doonto waxa keenay in maanta ay dhaliilahan uu u soo jeedinayo yeelato, waxa uu ku jawaabay “Xukuumaddan Maanta jirta markii ay shalay ay Doorashada soo galaysay way jireen in dadweynaha reer Somaliland ku doorteen cod aqlabiyad ah, taasi oo ay ku tuhmayeen in ay wax weyn dalka u qaban doonto, balse markii la doortay ayaanay u shaqayn sidii ay dadku ka filayeen oo dadkii haldoorka ahaa ee shalay ay Shacabka Somaliland aqlabiyada ku doorteen maanta waxa ka jooga uun Madaxweynaha Dalka, balse dadkii kale oo dhan badankoodii maaha dad maanta gacanta ku haya hogaamintii Dalka”.
Wasiiru Dawlihii hore ee Wasaaradda Hawlaha guud iyo guryeynta Wakhtigii Xisbigii UDUB Shucayb Maxamed Muuse ayaa sidoo kale ka hadlay Shirka la filayo in uu dhawaan ka dhaco Magaalada London ee Cariga Ingiriiska, shirkaasi oo uu sheegay in uu yahay mid Qaranimada Somaliland wax u dhimaya haddii ay ka qayb gasho, isaga oo sheegay in Somaliland shirkani la doonay in ay la fadhiisato Maamul Goboleedyada Somaliya.
Shucayb Maxamed Muuse ayaa Xukuumadda Somaliland kula taliyey in aanay ka qayb galin shirkaasi, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Shirka dhawaan la filayo in uu ka dhaco Magaalada London waa mid haddii ay Somaliland ka qayb gasho qaranimadeeda wax u dhimaya, waayo Shirkan oo loogu talo in uu socdo lix saacadood waxa ka qayb galaya Maamulada Somaliya ka jira, markaa Somaliland-na waxa ay kaga qayb galaysaa hab Maamul goboleed ahaan, iyada oo Somaliland ku dhawaaqday in ay Qaran ka madax banaan tahay Somaliya labaatan Sano ka hor”.
Wasiiru Dawlihii hore ee Wasaaradda Hawlaha guud iyo guryeynta Shucayb Maxamed Muuse oo ka jawaabayey Su’aal ahayd in Somaliland tan iyo intii ay Qaranimadeeda qaadatay aan ka qayb gelin shir ay ku cadaynayso mabda’a eeda bal inay haboon tahay in ay shirkaasi ka qayb qaadato si ay uga cadayso in ay tahay Qaran ka madax banaan Somaliya ayaa waxa uu ku jawaabay “Horta waxa jirta cida aynu la fadhiisanaynaa wa ayo waa Maamul Goboleedyadii Khaatumo State, Hiiraan State, Galmudug State, Puntland iyo Maamul sidaasi ah, markaa Somaliland waxa loo arkayaa uun Maamul la mid ah, marka aynu shir kala qayb galayno Somaliya ee aynu cadayno in aynu nahay Qaran Somaliland ah waa marka la helo Dawladd dhex oo Somaliya u wada talisa, laakiin maanta ma jirtaa Dawladda Somaliya ee la sheegayaa waa Dawladda aan Xamar ka wada talin, markaa taasi sidee ayeynu ugala tashan karnaa Qaranimadeena, mise maamuladaasi shalay la sameeyey ayeynu garab fadhiisanaa”.
Shacayb oo ka jawaabayey su’aal ahayd in Xukuumaddan maanta jirta aanay wax talo ah ka siin waayo aragnimadii ay UDUB ahaan ka dhaxleen mudadii ay xilka hayeen ayaa waxa uu ku jawaabay “Horta ma jirto wax tallo ah oo aanu la bakhaylnay ka Masuuliyiin ahaan, balse waxaad moodaa in Xukuumaddan maanta jirtaa ay leedahay wax talo iyo tusaale ahba waanu ka maaranay oo anaga ayaa isku filan, taasina waxa u daliil ah waxaan maqlayey Xildhibaan Kulmiye ka soo jeeda oo shir jaraa’id qabtay oo yidhi Xukuumaddihii hore ee Somaliland soo maray Maqaaxiyahaa looga talin jiray, balse Xukuumaddan meel kaliya ayaa looga taliyaa, markaa ma jirto wax talo ah oo aanu anagu la bakhaylnay ama aanu u gudbin weynay”.
Ugu dambayn Wasiiru Dawlihii hore ee Wasaaradda Hawlaha guud iyo guryeynta Shucayb Maxamed Muuse oo aanu weydiinay xaalada uu dalku maanta marayo marka la eego waxa uu ku talin lahaa waxa uu yidhi “Maanta xaalada dalku marayo markaan eego oo ah meel xasaasi ah waxaan ku talin lahaa in la iskaga yimaado talo Qaran oo lagu midaysan yahay”

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com