Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

wasiirka arimaha dibada denmarkiyo kulanka madaxwayne siilaanyo iyo maanta

Hargeysa (maantasomaliland.com) – Caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa waxa shalay booqasho ku yimid Wasiirka arimaha dibada dalka Denmark Mr Villy So  vndal, kaasi oo ka soo kicitimay Magaaladda Nairobi

Wasiirka arimaha dibada dalka Denmark Villy Sovndal oo ay safarkiisan ku weheliyaan masuuliyiin Danisha ah oo uu ka mid yahay safiirka Denmark u fadhiya Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya.

Masuulkan sare ee reer Yurub oo aan la sheegin mudada booqashadiisa Somaliland qaadan doonto ayaa la xaqiijiyey inuu kulan la yeelan doono masuuliyiinta xukuumadda Somaliland

Weftigan uu hogaaminayo Wasiirka arimaha dibada dalka Denmark Mr Villy Sovndal ayaa kulamada ay la yeelanayaan Madaxwayhaha iyo masuuliyiinta kale ee dawlada ka sakow, waxay kormeer ku soo mari doonaan xafiisyada ay Hargeysa ku leeyihiin hay’addaha DDG iyo DRC oo ah laba hay’adood oo uu dalka Denmark leeyahay, waxaana la filayaa in hay’adda DDG oo ka shaqaysa miino saarku ay qarxiso dhowr ka mid ah miinooyinka ay deegaanada kala duwan ee Somaliland ka soo ururiyeen, si ay u muujiyaan hawsha ay Somaliland ka hayaan.

Dhanka kale, Wasiirka khaarajiga dalka Denmark Villy Sovndal oo ah masuulka bedalay wasiirkii hore ee dalkaasi oo hore Somaliland u yimid, ayaa la sheegay inuu Madaxwaynaha kala hadli doono arimo uu ugu weyn yahay shirka 23-bisha February ka dhici doono Magaaladda London, kaasi oo dawlada Ingiriisku Somaliland ku marti-qaaday, balse xukuumaddu ka caga-jiidayso.

Warku waxa uu intaa ku darayaa in dawlada Denmark oo wakhtigan haysa hogaaminta ururka Midowga Yurub ay kaalin ku leedahay shirka Soomalida loogu qabanayo London, isla-markaana doonayso inay Madaxwaynaha iyo xukuumaddiisaba ku qanciso sidii ay shirkaasi uga qayb-gali lahayd

xuseen xarbi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com