Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Hargeysa(maantaSomaliland)- Urur-siyaasadeedka Xaq-soor oo ka mid ah Ururrada isu diiwaangeliyey inay u tartamaan doorashada golayaasha deegaanka ee sannadkan ka qabsoomi doona dalka Somaliland, ayaa maanta Xafiisyadiisii ugu horreeyey ee heer gobol ka furtay magaalooyinka Hargeysa, Dacar-budhuq, Berbera, Sheekh Burco, Caynaba, Ceel-afweyn iyo Ceerigaabo.

 

Hargeysa(maantaSomaliland)- Urur-siyaasadeedka Xaq-soor oo ka mid ah Ururrada isu diiwaangeliyey inay u tartamaan doorashada golayaasha deegaanka ee sannadkan ka qabsoomi doona dalka Somaliland, ayaa maanta Xafiisyadiisii ugu horreeyey ee heer gobol ka furtay magaalooyinka Hargeysa, Dacar-budhuq, Berbera, Sheekh Burco, Caynaba, Ceel-afweyn iyo Ceerigaabo.

Xaflad xadhigga lagaga jarayay Xafiiska Ururka Xaqsoor ku yeelanayo Caasimadda Hargeysa, ayaa maanta lagu qabtay xafiiskaas oo ku yaalla Xaafadda Haaf-London Degmada Axmed-dhagax ee magaalada Hargeysa, taasoo ay ka soo qaybgaleen Masuuliyiinta Urur-siyaasadeedka Xaq-soor Masuuliyiin ka kala socday Ururrada siyaasadda isu diiwaangeliyey ee UDHIS iyo Jamhuuriga, Madaxweyne ku-xigeenkii ugu horreeyey ee Somaliland Xasan Ciise Jaamac, Madaxweyne Ku-xigeenkii labaad ee Somaliland Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Taageerayaasha Urur-siyaasadeedka Xaq-soor iyo marti-sharaf kale.

Furitaankii xafladaasi waxa hadal ka jeediyey Guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee Urur-siyaasadeedka Xaq-soor Axmed-nuur Aw Cabdi Shaacir, waxaanu u mahad-celiyey madaxda, taageerayaasha iyo marti-sharafka ka soo qaybgalay xafladda furitaanka xafiiska ururka. “Urur-siyaasadeedka Xaqsoor waxa mabaaddiidiisa iyo hadafkiisu yihiin waxa u taagan magaca Ururka ee Xaq-soor, waxa uu xoogga saari doonaa sidii loo heli lahaa cadaalad dalka wada gaadha, haddii caddaalad la helana waxa kale oo la helayaa nabadgelyo iyo Xukuumad wanaagsan oo horumarka waddanka ka shaqaysa.” ayuu yidhi Guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee Xaqsoor Axmed-nuur Aw Cabdi.

Waxaanu intaa ku sii ladhay oo uu yidhi; “Ururkan Xaqsoor waxa uu u furan yahay qof kasta oo reer Somaliland ah, waxaanu ururkani si gaara u eegi doonaa Haweenka, Dhalinyarada iyo dadka laga tirada badan yahay oo uu door muhiim ah siinayo hadduu talada ku guulaysto iyo hadduu Xisbi ahaadaba.” Waxaanu ku baaqay Guddoomiyaha Xaqsoor in la joojiyo colaadda ka taagan Buuhoodle, isla markaana wadahadal lagu dhammeeyo waxa la isku diiddan yahay. Guddoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay inay gobollada Bariga Somaliland oo aan Laascaanood ku jirin ka furteen Xafiisyo isla maanta, maalmaha soo socdana ay ka furan doonaan gobollada Awdal, Gabiley iyo degmooyinka dalka.

Guddoomiyaha Ku-meel-gaadhka ah ee Urur-siyaadeedka UDHIS Ibraahin Cabdillaahi Xuseen (Dhaga-wayne), oo xafladdaa ka hadlay ayaa soo dhaweeyey Ururka Xaqsoor. “Marka hore waxaannu aad u soo dhawaynaynaa ururka Xaqsoor, waxaanan leeeyahay Illaahay ururkan ha ka dhigo kii guulaysta ee waddankana anfaca, waxaan leenahay waa in magaca uu sito ka dhabeeyo oo uu xaqa ogaado.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha UDHIS.

Ibraahin Dhagawayne waxa kale oo uu sheegay in loo baahan yahay in nabad lagu soo celiyo colaadda ka taagan gobollada Bari ee Somaliland. “Immika dalkeenna waxa ka taagan xaalad aad u muuqata, taas oo ah colaadda ka taagan gobollada Bari, waxaanu leenahay oo aannu ku talinaynaa in nabadgelyo la doono oo colaadda layska dhaafo, colaadna waxba ku kordhi maayaan maanta-ba dhimasho badan ayaa taalla, Somaliland wadahadal ayey ku dhammaysan jirtay khilaafka, immikana ay ku dhammaysanaysaa.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Ibraahin-dhagaweyne.

Ibraahim Dhego-weyne wuxuu ku baaqay in dagaalka la soo afjaro oo nabad gelyo lagu soo dabaalo deegaanka Buuhoodle ee uu dhawaan ka dhacay dagaalku.
Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Jamhuuriga Cismaan Xasan oo Xafladdaa ka hadlay ayaa sheegay inuu so dhawaynayo Urur-siyaasadeedka Xaqsoor oo uu ugu mahad-celiyey sida uu u soo marti-qaaday madaxda Ururrada kale.
. “Waxaannu jecelnahay dhammaan Ururrada siyaasaddu inay isu tagaan oo ay wada-tashadaan, waxaana Ururradan loo abuuray danta Qaranka Somaliland, Somaliland inay midawdaana waa lagama maarmaan, Ururradu inay midoobaanna waa lagama maarmaan. Aniga oo ku hadlaya magaca Ururka Jamhuuriga Somaliland, waxaan ballan-qaadayaa inaannu Ururrada soo dhawayno, la-tashanno oo danta Qaranka ku midawno,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Ururka Jamhuurigu.

Cismaan Xasan waxa kale oo uu. sheegay inay nabadgelyadu tahay lama huraan cid waliba u baahan tahay, waxaanu yidhil; “Maanta labada dhinac ee dhibtu gaadhay waa Somaliland, waa dadkeennii labaduba, waxaan soo jeedinayaa inay labaduba dareemaan nabaddu inay dan u tahay, nabadduna waa inay dhinac walba gaadho, maaha inay nabaddu dhinac qudha ka rarnaato kollay go’aankaasi ma noqonayo go’aan xalaal ah, laakiin qof waliba waa inuu dareemaa inay nabaddu dan u tahay.”

Xasan Ciise Jaamac oo isugan xafladdaa ka hadlay ayaa u mahad-celiyey guud ahaanba dadweynaha ka soo qaybgalay xafladda, taageerayaasha iyo madaxda ururrada siyaasadda.
Xasan Ciise waxa uu ku baaqay inay isu tagaan oo ay sidii ay u midoobi lahaayeen ka shaqeeyaan Ururrada siyaasadda Somaliland ee la ansixiyey Ururnimadooda wejiga koowaad oo tiradoodu dhan tahay 15 Urur iyo saddex Xisbi oo hore u jiray, kuwaasoo isu diyaarinaya inay ka qaybgalaan tartanka doorashada golayaasha deegaanka Somaliland sannadkan gudihiisa oo loo qorsheeyey in la qabto doorashadaas.

maxamed faarax jaamac

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com