Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Oo ka Hadlay Shirka London iyo Dagaalkii Buuhoodle

Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Oo ka Hadlay Shirka London iyo Dagaalkii Buuhoodle Hargeysa (maantaSomaliland)-Wasiirka Madaxtooyada ee Somaliland Mudane Xirsi Cali X Xasan ayaa ku eedeeyay maamul goboleedka Puntland iyo koox uu fidmo wadayaal ku tilmaamay masuuliyada dagaalkii khamiistii la soo dhaafay Duleedka Buuhoodle ku dhex maray Ciidammadda qaranka iyo maleeshiyo beeleed. Wasiirku wuxuu sidaasi ka sheegay Barnaamij la magac baxay “Maqal dadkaaga” oo Wasaaradda warfaafintu soo kordhisay oo ka baxa TV-ga SLNTV iyo Idaacada dawladda ee Radio Hargeysa, oo uu maanta hor-tagay.Barnaamijkan oo xog-waran iyo su’aalo iskugu jira waxa ka qeyb galay dad lagu soo marti qaaday oo ka kala socday ardayda Jaamacadaha Hargeysa iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Wasiirka Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo u waramayey dadweynahii barnaamijkaasi ka soo qayb galay ayaa ugu horayn ka hadlay shirka London lagu qabanayo isagoo sheegay in wada tashi lagaga jiro shirkaas, lana rog-rogi doono ujeedooyinkiisa, go’aana laga qaadan doono marka uu dhamaado wada tashiga qaybaha bulshada lala samaynayo. Wasiirka Madaxtooyada oo ka hadlay dagaalka Buuhoodle waxa uu sheegay in dagaalkaasi yahay mid ay bilaabeen dad uu ku tilmaamay fidmo wadayaal ah, khasaaraha labada dhinacna uu yahay mid soo gaadhay dad reer Somaliland ah oo wada walaalo ah. Wasiirku waxa kale oo uu ku eedeeyay maamul goboleedka Puntland inay daba ka riixayso dagaalkii Buuhoodle ka dhacay, waxaanu xusay inay Somaliland digtooni kaga jirto xiisada ay oloosayaan cadowga Somaliland. Md. Xirsi Cali X. Xasan waxa uu intaasi ku daray in gogoshii nabadda ee Madaxweynahu fidiyey ay weli taallo, waxaanu waxgaradka gobolada Sool iyo Buuhoodle u soo jeediyay inay nabadgelyada ilaaliyaan. Wasiirku oo la weydiiyay su’aal ku wajahnayd Tahriibta Dhalinyarada oo weli socota waxa ay xukuumaddu ka fulisay ballanqaadkii ahaa in dhalinyarada loo samaynayo shaqo abuuris, ayaa ku dooday in ugu yaraan Sadex Kun oo qof la shaqaaleeyey intii ay Xafiiska joogeen lana hagaajiyey niyadda dhalinyarada. Wasiirka madaxtooyada oo wax laga weydiiyey hawlaha wasaaradiisa ayaa sheegay inay wasaaraddiisu u xil saaran tahay shaqada Madaxweynaha iyo isku xidhka wasaaradaha iyo Hay’adaha dastuuriga ah ee waddanka. Waxa kale oo uu carabaabay wasaaradda madaxtooyadu ka shaqayso hawlaha dhinaca samafalka oo xafiis gaar ahi u xil saaran yahay. Sidoo kale, Wasiirka wasaaradda warfaafinta iyo wacyi-gelinta Somaliland Md. Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade) oo goob joog ka ahaa barnaamijkan ayaa sheegay in barnaamijkan ay u sameeyeen sidii ay bulshadu su’aalo furan tabashooyinkooda dhinaca wax-qabadka u weydiiyaan masuuliyiinta xukuumadooda

xuseen xarbi/hargaysa/ maantasomaliland.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com