Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

– Taliyaha Ciidanka Qaranka somaliland oo maanta dhambaal Hambalyo ah u diray xubnaha Ciidammadda qaranka JSL munaasibadda sanad guuradooda 19-aad oo ku beegan maalinta bari ee 2-da bishan Febarwari.

Hargeysa (maantaSomaliland.)- Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Gen. Maxamed Xasan Cabdilaahi (Jidhif) ayaa maanta dhambaal Hambalyo ah u diray xubnaha Ciidammadda qaranka JSL munaasibadda sanad guuradooda 19-aad oo ku began maalinta bari ee 2-da bishan Febarwari.

Taliyaha ciidanka qaranka waxa uu dhambaalkiisa Hambalyada ah u rajeeyay ciidanka qaranka iyo xaasaskooda inay sanadkan sanadkiisa ku gaadhaan bash bash iyo barwaaqo.

Maxamed Xasan Jidhif waxa qoraalka hambalyada ee uu soo saaray uu ku sheegay inay baaqatay xafladii loogu dabaal degi lahaa sanad-guurada 19-aad ee ciidanka qaranka, hase yeeshee wax tafaasiil ah kama uu bixin asbaabaha loo baajiyay.

Sanadguurada 19-aad ee ciidanka qaranka ayaa ku soo beegantay xili ay ciidanka qaranka ee gobolada barigu ay ku jiraan heegan adag ka dib dagaalkii khamiistii la soo dhaafay ka dhacay jiida gobolka Buuhoodle.

xuseen xarbi

hargaysa /maantasomalialand.com

tel/25224052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com