Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Hargeysa (maantaSomaliland.)- Wasiirka Wasaarada warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade) ayaa ugu baaqay xukuumadda inay wada hadal la yeelato dadka gobolada Sool iyo Buuhoodle oo uu tilmaamay in la khalday.

Hargeysa (maantaSomaliland.)- Wasiirka Wasaarada warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade) ayaa ugu baaqay xukuumadda inay wada hadal la yeelato dadka gobolada Sool iyo Buuhoodle oo uu tilmaamay in la khalday.

Waxa kale oo uu Wasiirka warfaafintu soo jeediyay in shirka London ka hor wax badan la saxo oo la kala qaado labada ciidan ee isku horfadhiya Jiida Buuhoodle.Md. Axmed Cabdi Xaabsade waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi khaas ah oo uu shalay xafiiskiisa ku siiyay warbaahinta

Wasiirka warfaafinta oo aanu ugu horayn weydiinay inuu tafaasiil ka bixiyo waxyaabihii u qabsoomay wasaarada sanadkii hore 2011-kii, waxa uu yidhi “Sanadkii tagay wasaaradda warfaafinta wax badan baa u qabsoomay, waxaanu qaadnay inaanu idaacad weyn oo 100kwt ah doono, markii hore waxaanu dalbanay mid 50kwt ah waxaanu ogaanay inaanay gaadhayn halkii aanu rabnay. Markaa waanu bedelay lacagtiina waanu kordhinay bishan Febarwari ee soo socota 30-keeda ayay soo degaysaa Idaacadii cusbayd. Guryihii loo dhisayayna waanu bilownay oo gacanta ayaa lagu hayaa, waxaanu gaadhnay inaanu idaacad cusub iibsano qaran ahaan.”
Wasiirku waxa kale oo uu sheegay inay kal-hore balaadhiyeen baahintii TV-ga qaranka oo si toos ah looga daawado caalamka oo dhan, waxaanu tilmaamay in laga daawado xiligan SLNTV waqooyiga Ameerika, Yurub iyo xataa bariga fog.
“Himilo weyn ayay baahinta TV-ga qaranka ee Yurub iyo Ameerika ay dadweynaha Somaliland ee ku dhaqan qurbaha ay siisay oo ah inay la socdaan maalin walba waxa dalkoodii ka socda. Hadda waxa naloo sheegay in la iskaba daayay Telefishanadii kale oo ka qaranka uun la daawado, arrintaasi waxay noo ahayd guul aad u balaadhan,”ayuu yidhi Wasiirka warfaafintu waxaanu intaasi ku daray “Waxa kale oo aanu samaynay inaanu waxbarasho u furnay shaqaalihii inkasta oo imtixaan laga qaaday haddana kaasi waxa uu ahaa mid yar oo tijaabo ah, laakiin hadda ayaan diyaar u nahay inaanu koorasyo u furno oo si wanaagsan wax loo baro shaqaalaha si ay midho wanaagsani uga baxaan TV-ga iyo Idaacadaba.”

Md. Axmed Cabdi Xaabsade waxa uu tilmaamay inay sanadkan u qorshaysan tahay waxyaabo badan oo ay ka mid tahay inay Wargeyska dawan u iibiyaan madbacad. “Sanadkan cusub ee 2012-ka waxaanu leenahay qorsheyaal badan waxaana ka mid ah inaanu Wargeyska DAWAN kor u qaadno oo aanu madbacad u iibino haddii ay noo suurtowdo oo miisaaniyad la helo. Waxa kale oo aanu doonaynaa inaanu kor u qaadno wakaalada wararka ee SOLNA si ay u samayso (monitoring) si ay idaacada iyo Telefishankaba wararka u siiso haddii ay suur-gasho.”

Wasiirka oo aanu weydiinay halka uu ku dambeeyay mashaariicdii USAID ee la xidhiidhay horumarinta wasaaradaha ee ay sanadkii hore Jabuuti u tageen isaga iyo agaasimaha guud ee warfaafintu, waxaanu yidhi “Lacag badan baa mashruucaasi inoogu jirta oo 350 kun oo Dollar ah, hadda ayaanu bilaabmayaa oo aanu heshiiskii saxeexnay qorshihiina waa la dhamaystiray qalabkii mashruuca inoogu jiray sidii loo keeni lahaa ayaa gacanta lagu hayaa.”
Wasiirka oo ka jawaabayay su’aal ahayd halka ay ku dambeeyeen idaacado kale oo la sheegay inay la wadeen dawlada Ingiriiska, waxa uu yidhi “Way jirtay in idaacadeenii hore ee xumaatay in iyana loo helo Taawar dheer ayay ahayd markaasi arrintaasi Ingiriiska ayaa naga caawinaya oo khubaro noo keenaya oo waxa ka dhimanna na siinaya. Markaa iyana way dhow-dahay.”

Md. Axmed Cabdi Xaabsade oo ka jawaabayay su’aal ahayd mowqifka xukuumada ee la xidhiidha fikirka shirka London oo rayul caamku ku kala duwan yahay, waxaanu yidhi “Runtii mowqifkayagu wuxuu yahay inaanu shacbiga dhegaysano oo waxay doonayaan aanu helo, Goleyaasha dastuuriga ah iyo asxaabtaba fikir la weydiiyo ka dibna madaxweynaha loo soo ururiyo aaraada dadweynaha.”
“Dalka dantiisa ayaa ka horaysa wax walba markaa haddii aynu u aragno inay danteenu ku jirto waa la tagayaa, haddiise loo arko inaanay dani inoogu jirin la tagi maayo,”ayuu yidhi Wasiirka warfaafintu.
Md. Xaabsade oo aanu weydiinay xaalada deegaanada Buuhoodle ee khamiistii la soo dhaafay dagaalku ka dhacay, waxa uu yidhi “Arrimahaasi aad iyo aad ayay u qasan yihiin waa la ogyahay oo dagaalo ayaa dhacay, dadkaasi mooraal ahaan way is raaceen, anagu waxaanu qabnaa in wax laga qaban karo oo dawladu haddii ay aad iskugu taxaluujiso la soo celin karayo dadka. Dadkuna meel fog ma jiro waa la khalday oo nin baa khalday. Arrintaasi meel fog may maraynin illaa dagaalkii dambe dhacay hadeerna waxaanu leenahay dib ha la iskugu noqdo halala hadlo dadka oo hala soo ceshado awoodii iyo wixii aynu dalka ku lahayn.”

Wasiirka oo la weydiiyay waxa uu ka leeyahay hanjaabado ka soo yeedhay Puntland oo sheegtay inay talaabo qaadayso. “Anigu ma arko Talaabo hadeer la qaadayo oo aan ahayn in dadka lala heshiiyo oo waxa ugu habooni waa in dadka lala hadlo, Puntland waa dawlad haddii ay nala colaatanto waanu la colaatamaynaa, haddii ay nala dagaalantana waanu la dagaalamaynaa.Anagu (Somaliland) markasta xumaan diyaar uma nihin.”

rasna maxamed faarax

hargaysa/maantasomaliland.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com