Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Tahriibta Oo Somaliland Kor U Kacday, Koox Suxufiyiin Wasaaradda Warfaafinta Ka Tirsanaa Oo Cadaadis Iyo Mushahar La’aan Uga Tahriibay Dalka Iyo Fadeexada Xukuumaddu Ka Dhaxlayso

Hargeysa  (maantasomaliland) Caasimada Somaliland ee Hargeysa iyo guud ahaan dalka ayaa waxa ku soo badanaya dhalinyarada ka haajiraya isla-markaana u tahriibaya wadamada Yurub, kuwaas oo dhalinyaro badan oo hore isugu dayey inay gaadhaan ay ugu halaagmeen saxaraha iyo badaha loo sii maro.

Tahriibka dhalinyaradan oo Wiilal iyo Hablo da’yar ah isugu jira ayaa soo badanayey afartii bilood ee u dambeeyay sida ay baahisay Wakaalada wararka qaramada midoobay ee IRIN, taasi oo bishii November ee sanadkii hore baahisay in saddexdii bilood ee November ka horeeyay ay Somaliland ka tahriibeen dhalinyaro tiradoodu ka badnayd 3500, kuwaas oo isku sii maray dalalka Itoobiya, Suudaan iyo Libiya oo ay marka dambe doonyo kharaab ah uga raacaan dhinaca dalka Talyaaniga, sida uu sheegay Cabdilaahi Xasan Digaale oo ah masuul ka tirsan urur wadani ah oo magaciisu yahay UBAX, lana shaqeeya hay’adda IOM “Intii lagu jiray bilaha August, September iyo October (Sanadkii hore 2011), 3500 dhalinyaro rag iyo dumar ah ayaa u baxay dalka Itoobiya oo ay uga sii gudbayaan Suudaan iyo Libya, si ay halkaasi uga sii gudbaan Yurub iyagga oo sii maraya badda Mediterranean-ka.” Ayuu yidhi Cabdilaahi Xasan Digaale oo wakaalada u waramay.

Ka sakow, war-bixinta wakaaladda Wararka ee IRIN, Tahriibkani waxa uu saamayn ku yeeshay dhalinyarada ka hawl-gasha waasaaradaha Warfaafinta Somaliland, waxaana labadii todobaad ee u dambeeyay dalka Suudaan Tahriib ku galay Koox Wariyalaal ah oo ka tirsanaa Wasaarada Warfaafinta, kuwaasi oo la xaqiijiyey inay sii mareen dalka Itoobiya isla-markaana uga gudbeen dhinaca dalka Suudaan.

Wariyayaashan  oo ka hawl geli jiray Telefiishanka qaranka Somaliland (SLNTV) iyo idaacadda Radio Hargeysa, ayaa  saddex ka mid ahi dabayaaqadii Bishii dhammaatay ee January 2012-ka  ka amba baxeen Magaalada Hargeysa, kuwaas oo laba ka mid ahi ay  u gudbeen  dhinaca Sudaan oo ay doonayaan inay uga gudbaan dhinaca Libiya, iyagga oo sii mari doona dhulka saxaraha ah ee u dhaxeeya Suudaan iyo Libiya, halkaasi oo ay hore ugu leedeen boqolaal dhalinyaro Soomali ah oo ka cararay shaqo la’aanta baahsan ee dalka taala, iskuna dayayey inay baadi-goobaan meelo kale oo dhaanta.

Dhalinyarada saxafiyiinta ah ee ka Tahriibay wasaarada warfaafinta Somaliland ayaan ahayn kuwii ugu horeeyay, balse waxa hore u jiray wariyayaal kale oo badhtamihii sanadkii hore u baxay dhinaca dalka Libiya, kuwaas oo aan ilaa hadda la ogeyn inay ka gudbeen iyo inay ka mid yihiin Soomalida ku jirta xabsiyada dalka Libiya.

Ilo wareedyo u dhuun Daloola Wasaarada Warfaafinta Somaliland ayaa Xaqiijiyay  in Suxufiyiintan  Tahriibay  ay  ka mid yihiin  Wariyayaal Warbaahinta Dawlada ka shaqeeya oo  niyad jab ka qaaday cadaadis dheeraad ah iyo tacadiyo la sheegay inay ku hayaan Madaxda Wasaaradaasi, kuwaas oo  qaarkood muddo dheer ay ku shaqaynayeen  lacag la’aan, hase yeeshee  Imtixaan qiimayn ah oo laga qaaday ay ku guulaysteen inay  noqdaan shaqaale rasmi ah  oo Mushahar ku shaqeeya,  laakiin ilaa wakhtigan aan wax lacag ah la siinin, iyadda oo muddo dheer laga joogo markii ay Hay’ada shaqaaluhu Imtixaanka ka qaaday.

Saddexdan Suxufi ee u dambeeyay  ayaa la  xaqiijiyay inay  dalka ka tahriibeen ka dib markii  ay  sidoo kale ay walaac ka  qaadeen Imtixaano  aan ujeedadoodu cadayn oo ilaa wakhtigan  laga qaado shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta, kuwaasi oo ka dhashay tababaro isdaba jooga ah oo Wasaaradu u furtay shaqaaleheeda, balse hore loo sheegay in la doonayo in lagu dhimo shaqaalaha wasaarada warfaafinta.

Si kastaba ha ahaatee, Tahriibkan dhalinyaradan warbaahinta dawlada ka shaqeeya ayaa magac xumo iyo fadeexad laxaadle ku ah xukuumadda talada dalka haysa oo wakhtigii ay ku jirtay ololaha doorashada Madaxtooyadda fagaarayaasha kaga tiraabi jiray kalmado caan noqday oo ay ka mid ahaayeen “UDUB way tagaysaaye ha Tahriibin walaal”, iyadda oo canaan iyo fool xumo uga dhigaysay xukuumaddii wakhtigaa talada haysay oo waxyaabihii ugu weynaa ee loo riday ay ka mid ahaayeen shaqo la’aan iyo musuqmaasuq lagu dhaliili jiray, taasi oo siyaaday markii xukuumaddani talada la wareegtay sida ku cad war-bixinta ay baahisay wakaalada IRIN “ “Dadka ka qayb-qaatay cod qaadistan oo la waydiinayey inay hayaan nooc shaqo ah 75% ayaa sheegay inay shaqo la’aan yihiin”

 

maxamed jaamac yuusuf

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com