Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxwaynaha Somaliland Oo Qasriga Madaxtooyadda Ku Qaabilay Safiirka Ingiriiska Ee Addis-Ababa Iyo Safiirka Oo Kulan Wada Jir Ah La Yeeshay Saddexda Xisbi Qaran

Hargeysa (maantasomaliland)  Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta qasriga Madaxtooyadda ku qaabilay safriirka dawlada Ingiriiska u fadhiya Magaaladda Addis-Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Safiirka dalka Ingiriiska u fadhiya Addis-Ababa Mr krist oo maanta booqasho ku yimid Magaaladda Hargeysa ayaa waxa uu Madaxtooyadda kula kulmay Madaxwayne Axmed Maxamed Siilaanyo, waxaana la sheegay in ujeedada ugu weyn ee uu Hargeysa u yimid inay tahay inuu soo gaadhsiiyo fariintii u dambaysay ee dawlada Ingiriisku u soo farto xukuumadda Somaliland, taasi oo ah inay ka soo qayb-gasho shirka kooxaha Somaliya London loogu qabanayo bisha dambe.

Safiirka dalka Ingiriiska u fadhiya Magaaladda Addis-Ababa ayaa waxa kale oo uu huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa kula kulmay hogaamiyayaasha asxaabta qaranka ee UDUB, KULMIYE iyo UCID, waxaana la sheegay in masuulkan reer Ingiriis kala hadlay sidii ay doorkooda uga qaadan lahaayeen ka qayb-galka shirka London oo uu u sheegay inuu Madaxwaynaha kula dardaarmay inay ka soo qayb-galaan.

Dhanka kale, warar dheeraad ah oo laga helayo kulankan Madaxwaynaha iyo safiirka ayaa sheegaya inay isku afgaran waayeen habka shirkaasi Somaliland uga qayb-galayso, iyadda oo la sheegay in wakhtiga shirkaasi soconayaa aad u kooban taha

xuseen xarbi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com