Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Kalfadhigii 64-aad ee Golaha deegaanka ee caasimada Hargeysa ayaa maanta ka furmay xarunta Dawlada Hoose, waxaanay dood ka yeesheen qashinka buux dhaafiyey caasimadda, waxaanay arrintaasi ku eedeeyeen shirkadaha DHIS iyo SABOWANAAG ee ay qandaraaska ku siiyeen.

 (maantaSomaliland)- Kalfadhigii 64-aad ee Golaha deegaanka ee caasimada Hargeysa ayaa maanta ka furmay xarunta Dawlada Hoose, waxaanay dood ka yeesheen qashinka buux dhaafiyey caasimadda, waxaanay arrintaasi ku eedeeyeen shirkadaha DHIS iyo SABOWANAAG ee ay qandaraaska ku siiyeen. Shirkan waxa gudoominayay Maayarka caasimada ahna Guddoomiyaha Golaha deegaanka Hargeysa Degaanka Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir. Xildhibaan Cabdillaahi Cali Askar oo isagu dooddiisa halkaa ka dhiibtay, ayaa tilmaamay in shirkadaha loo xilsaaray ururinta xashiishku ku fashilmeen hawlihii loo igmaday, waxaannu soo jeediyey in laga qaado tallaabada ugu dhakhsaha badan, isla markaana laga gaadho go’aan wax ku ool ah. “Hargeysa qashinka iyo nadaafaddu waxay marayaan halkii ugu liidatay, dadkii ugu tirada badnaaba ku nool, kala badh inta Somaliland ku nool ayaa lagu qiyaasi karaa inta caasimadda ku nool, dedaal iyo wax badan oo aynu samaynay waxba way ka suurageli waayeen, marka waxay u baahan tahay inaynu qashinkaa hawshiisa hoos ugu dhaadhacno, shirkadahaas qiimayno, dariiqii shirkadaha looga wareegi lahaana waa inaynu keeno, haddaynu nahay Golaha Degaanka. Sagaalka subaxnimo ayaad arkaysaa qashinkii oo magaalada buuxa, waxaanad arkaysaa intii ugu muhiimsanay magaalada oo ahayd in la nadiifiyo oo qashinku buuxiyey, qashinku waa laba nooc oo waa midaynu ka masuul nahay oo camuudiya, marka waxaan qabaa in shirkadahaasi ku fashilmeen inay qashinka magaalada ka saraan,” ayuu yidhi Cabdillaahi Cali Askar. Xildhibaan Ismaaciil Cabdi Cige (Caymis) oo ah Guddoomiyaha Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Degaanka oo isaguna doodiida halkaas ka dhiibtay, ayaa yidhi; “Qashinki wuxuu marya meel aan indhaha laga qarsan karin, waayo qofku waxa uu laamiyadii waaweynaa ku arkaya markii uu soo shaqo tegaayey qashinka oo si fool xun u wadhan, waxaanad moodaa inuu culaysku magaalada ku yara kala badan yahay, laba shirkadood baynu siinay oo kala ah Sabawanaag iyo Dhis, si kastaba ha u dhacdee culaysku waxa uu aad ugu batay badhtamaha magaalada qayb ahaan 26 June iyo Kood-buur, markay sidaas tahay magacii guud ee qashinku wuu ina wada saraan yahay, waxaanay hawshaasi gaadhay, waxaanay gaadhay in guddi ilaa heer wasiirro ah xukuumaddu u saarto, Golihii Degaanka iyo cidii hawsha lahayd waxay noola eekaatay in nala yidhi culayskaasi wuu ka weyn yahay, waxaan odhan lahaa gole ahaan aan go’aamino in shirkadihii ku fashilmeen hawshii, waxaanaynu siinay shirkadahaas gawaadhi awooddooda kor loogu qaadayo, waxaanaynu ugu talagalnay inay maanta horumar sameeyaan, manay ahayn in halkii meel loogu dhiibay meel ka hoosaysa taagnadaan, gadiidkii loo dhiibay ee dawladda hoosena gebi ahaan way fadhiisteen, waliba gaar ahaan shirkadda Dhis, meel loo sii jooga ma jirtee waa in la qiimeeyo oo meel kale loo jeesto oo arrinkan go’aan laga soo saaro.” Maayir-ku-xigeenka Caasimadda Mr. Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde, kana mid ah Guddida Bilicda Caasimadda, ayaa isagu tilmaamay inay kulan la yeesheen shirkadaha qaabilsan ururinta xashiishka, isla markaana lagu xidhay shuruudo, waqtina loo qabtay, waxaannu yidhi;“Cid walba way og tahay halka uu maraayo xashiishkii, markii xukuumadda cusubi dhalatayna waa tii la sameeyey ololaha ballaadhan ilaa heer madaxweyne, taa waxa keenay xashiishkii meesha yaalay oo loo adkaysan waayey, annagu maamul ahaan iyo dawlad hoose ahaanba waxa bannaan buuxiyaanu is lahayn, waxaanad moodaa in shirkaduhu aanay wax horumar ah samaynayn oo wali halkoodii hore taagan yihiin. Sidaa awgeed, guddiyadii madaxweynuhu qabteen, gaar ahaan guddi dambe wax badan bay qabteen, waxaanay dhawaan u yeedheen saddexda shirkadood ee xashiishka qaabilsan, guddiduna goonnibay u sii shirtay, waxaanay soo saartay go’aano qiimayn ah oo degma walba maxa ku filan, iyada oo la eegaayo baaxada degmadu leedahay tirada dadka ku nool, waana la qiimeeyey degmo walba inta gaadhi iyo shaqaale ee ka hawlgalaysa, waxaanannu hor dhignay qiimayntaas aannu soo samaynay ee gaadiid iyo shaqaale hadday masuuliyadeeda awooddi karayaan shirkaduhu la wareegaan, shuruudahaasna lagu xidhay, waxaana loo qabtay saddex bilood, taas oo ka bilaabmaysay bishii hore.” Waxa kale oo goluhu ka doodeen gaabis ku yimi lacagaha ardiyada guryaha magaalada Hargeysa laga qaado oo shaqaaluhu maamuli kari waayeen, isla markaana musuqmaasuqu ku batay, waxaanay guddida dhaqaaluhu halkaas ka sheegeen inay sameeyen arday aqoonyahanno ah oo ay ku tijaabiyeen degmooyinka caasimadda oo ay soo gudbiyeen inay qaladaado badan ku jiraan habka loo ururiyo cashuurta ardiyada guryaha, waxaana si weyn loo fallanqeeyey inay dawladda hoose u baahan tahay aqoonyahanno dhinaca macluumaatka tiknoolajiyada u isticmaala cashuur ururinta iyo diwaangelinta guryaha oo si dhammaystiran lacagta loo soo ururiyey, waxaanay xildhibaannada Golaha Deegaanku isla garteen in la shaqaalaysiiyo da’yarta aqooyhannada ah ee jamaacadaha ka soo baxday.

xuseen xarbi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com