Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Saraakiisha Kooxda Khaatumo State Oo Booqday Deegaanka Sooljoogta Ee Dagaalku Ka Dhacay Toddobaadkii Hore Iyo Ciidamada Somaliland Oo Heegan Sare La Geliyay.

(mantasomaliland.com)  Qaar ka mida madaxda sare ee  maamulka kooxda Khaatumo State, ayaa maanta  booqasho ku tagay deegaanka Sooljoogta oo ah xudunta dagaalkii  toddobaadkii hore dhexmaray ciidamada Qaranka Somaliland iyo kuwa maliishiyada beelaha dega Buhoodle, waxaana sida la sheegay  ay  soo mareen meelo ka mida goobihii dagaalku ka dhacay.

Masuuliyiintan ayaa wada  qorshe dagaal oogida oo ku dhiirigelinayaan dadka reer miyiga ee ku nool  deegaankaas, waxaana ay kulamo la yeesheen odayaasha dhaqanka oo wadahadlayeen muddo dhawr saacadood, isla markaana waxa ay labada dhinac isla meel dhigeen in si wadajir loo wajaho duulaamo ay sheegeen in ay kaga imanayaan dhanka ciidanka Qaranka Somaliland  oo jiidaas ku leh fadhiisimooyin kala duwan,iyada oo laga cabsi qabo dagaal qarxa mar kale.

 Waxaana ay  socdaal ku mari doonaan dhul ballaadhan  oo ay ka taliyaan ciidamo  ka amar qaata  beelo , iyaga oo sida la sheegayo  madaxda dhaqanka waydiisanaya ciidamo iyo dhaqaale oo ku hirgeliyaan awoodooda maamul oo xilligan magac u yaal , waxaana ay adeegsanayaan  odayaal xubno  ka ah  maamulka Khaatumo State, kuwaas oo bilaabay  wacyigelin  hor leh.

Dhinaca kale ciidamada Somaliland ee  ku sugan jiida Sooljoogta, ayaa la sheegay in la geliyay heegan sare , iyaga  si gaar ah isha ugu haya dhaqdhaqaaqyada falaagada oo kor u kacay  labadii maalmood ee dambeeyay , taasoo xiisada taagan uga sii dari karaysa.

 Ciidamada , ayaa  wararka qaar sheegayaan in ay ka ruqaansadeen fadhiisimooyinkooda, si ay isaga caabiyaan weerar kaga yimaada maliishiyada ka soo horjeeda oo soo qaadi karta weeraro ku dhufo- oo ka dhaqaaq ah,kuwaas oo sababi kara khasaare   ballaadhan oo ah dagaalada ay qaadaan jabhada oo aan awooda badan lahaynin, laakiin waxa aan la ogayn waxa dhici doono saacadaha soo socda.

 Xukuumada Somaliland, ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay dib u dhigtay xuska maalinta ciidanka Qaranka  oo ku beegan  labada bishan Febuary  oo ku beegan maalinta beri ah ee Khamiista, iyada oo aan  la cadayn sababta rasmiga ah ee keentay dib u dhigista,laakiin waxa loo badinayaa in ay la xidhiidho  dagaalada ka jira Bariga wadanka, gaar ahaan kuwa ka socda jiida Buhoodle

muuse

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com