Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Maxaabiistii lagu qabtay Dagaalkii Buuhoodle oo la is weydaarsaday

Burco (maantSomaliland.com)- Xukuumadda Somaliland iyo maleeshiyada Buuhoodle ayaa maanta is dhaafsaday afar maxbuus oo lagu qabtay dagaalkii khasmiitii la soo dhaafay ka dhacay jiida gobolka Buuhoodle waxaana maxaabiistan u kala wareejisay Ha’yada Bisha Cas.

Maxaabiistan ayaa lagula kala wareegay Tuulada Samo-kaab ee gobolka Sool, C/Kariim Yuusuf Garaad, iyo Nin kale oo lagu magacaabo Qarad ayaa laga sii daayay xabsiga magaalada Burco ee gobolka Tog-dheer.
Waxa kale oo labada maxbuus ee laga hayay Somaliland magacyadoodu kala ahaayeen Muuse Yoonis Xasan Mahdi Cilmi Xuseen.

Arrintan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay wali is hor fadhiyaan ciidamada qaranka iyo maleeshiyada nabad diidka ah ee Buuhoodle, isla markaana ay magaalada Buuhoodle soo gaadheen gurmad balaadhan oo iskugu jira ONLF-ta Ogaadeeniya iyo rag hubaysan oo ka yimid deegaanka Cabud-waaq ee dalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com