Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweyne Siilaanyo walaalkii oo xadhig iyo garaacis kula kacay weriyayaal ka hawlgala Hargeysa

Hargysa(,maantasomaliand.com)-Nin ay walaalo yihiin Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo magaciisa la yidhaahdo Cali Maxamed Maxamuud (Cali Digirin) ayaa xabsiga u taxaabay laba weriye (sawir-qaade) oo u shaqeeya telefishinka ROYAL TV xaruntiisa Hargeysa.

Labadan weriye oo magacyadooda la kala yidhaahdo Cawaale Muxumed Faarax iyo Cabdifataax Aadan Cirro oo shaqo maalmeedkooda ku guda jira ayaa waxaa weerar kedisa ku soo qaaday Cali Digirin oo wata koox ay isku hayb iyo saaxiibo yihiin oo uu had iyo jeer u istcmaalo cidii uu doonaayo inuu bahdilo ama karaamadooda dhulka jiido. kooxdan uu watay Cali Digirin-Siilaanyo walaalkii ayaa si xun u garaacay labadaN weriye islamarkaana ka qaaday agabkii shaqada sida kamaradaihii iyo moobiladii aakhirkiina jejebiyey maadaba aanay wax cabsiya  ku jirin.

Ilo xogogaala oo aad ula socday dhacdadan ayaa noo sheegay in markii la garaacay labadan weriye uu Cali Digirin (madaxweyne Siilaanyo walaalkii) amray in la geeyo xabsiga halkaas oo weli midkood ku xidhan yahay isagoo qaba dhaawacyo fudud oo ka soo gaadhay garaacis iyo jidh-dil loo geystay.

Dhinaca kale weriyayaal ka tirsan Royal Tv oo booqday xabsiga ay ku xidhan yihiin weriyayaashu oo aanu la xidhiidhnay ayaa noo xaqiijiyey in mid ka mid ah labada weriye ilaa hadda goobtaas ku xidhan yahay ,una xidhan yahay Cali Digirin oo ay madaxweyne Axmed Siilaanyo walaalo yihiin.

Mana cada sababata ku kaliftay in Mr Cali uu falka noocani ah uu kula kaco wariyayaashaasi, mar aanu isku daynay in aanu wax ka waydiino qolada jeelka haysta sababta loo soo xidhay suxufiyiintaasi way noo suurto gali wayday markii la isku kaayo tuur turay

rasna maxamed faarax

hargaysa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com