Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde (Aamino Waris) ayaa maanta ka qayb gashay xaflad ay haweenka Caasimadu soo agaasimeen oo lagu xusayay looguna diyaar garoobayo Xuska dhalashada Ras’uulkeenii Suubanaa ee Muxamed (NNKH) taas oo lagu qabtay huteelka Maansoor ee Caasimada Hargaysa.

 


Hargeysa (maantaSomliland.com)- Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde (Aamino Waris) ayaa maanta ka qayb gashay xaflad ay haweenka Caasimadu soo agaasimeen oo lagu xusayay looguna diyaar garoobayo Xuska dhalashada Ras’uulkeenii Suubanaa ee Muxamed (NNKH) taas oo lagu qabtay huteelka Maansoor ee Caasimada Hargaysa.

“Waa maalin qiime weyn inoo leh mawliidka Nabiga (NNKHA), waxa uu Nabigu inaga mudan yahay inaynu weynayno dhalashadiisa oo u dabaal degno. Waxaan si weyn ugu mahad celinayaa haweenka sharafta leh ee soo qaban qaabiyay xafladan,”ayay tidhi Marwo Aamina Waris.

Marwada koowaad waxay ku baaqday inay bulshada Somaliland si weyn u ogaan xuska dhalashada nabiga oo caawa ku beegan bisha Rabiicul awal 12 tahay.

waxay intaasi ku dartay in Shacbi iyo Dawladba si wada jir ah looga wada qayb qaato dabaal dega iyo Fantasiyaha aynu ku weynaynayno Xuska 12 bisha Rabiicul Awal.

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah haweenkii xafladaasi soo qaban qaabiyay ayaa wax ka tilmaamay Siiradii Ras’uulkeenii Muxamed Nabadgalyo iyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Ha’yada shaqaalaha dawlada Md. Muxumed Aw Cabdi, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in maalinta Sabtida ee bari shaqaalaha dawladu fasax ka yihiin shaqooyinka munaasibada mawliidka Nabiga darteed.

dega munaasibadan ayaa maalinta beri oo sabti ah Shaqaalaha Dawladu waxay fasax ka yihiin hawlahooda shaqo mawliidka nabiga darteed.

xuseen xarbi

hargaysa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com