Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa go’aan ka gaadhay ka qaybgalka shirka dawladda Ingiriisku qabanqaabinayso ee lagaga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo la qorsheeyey inuu dabayaaqada bishan ka qabsoomo magaalada London.wasiirka arimaha dibada somaliland)(sawir)

Hargeysa (maantasomaliland) – Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa go’aan ka gaadhay ka qaybgalka shirka dawladda Ingiriisku qabanqaabinayso ee lagaga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo la qorsheeyey inuu dabayaaqada bishan ka qabsoomo magaalada London.

dawladda Somaliland go’aansatay inay ka qaybgasho shirka arrimaha Soomaaliya lagaga hadlayo oo 23ka February 2012 ka dhici doona magaalada London, iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar uu caddeeyey inuu meesha ka baxay werwerkii Somaliland ka qabtay ka qaybgalkaa shirkaas, kadib markii ay wadahallo arrintaas la xidhiidha la yeesheen dawladda Ingiriiska, wada xaajoodyadaasna ka soo baxeen in ka qaybgalka shirka London aannu wax dhaawac ah ama saamayn ah ku yeelanayn madaxbannaanida iyo qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo ka soo laabtay shalay booqasho uu muddo toddobaad ah ku joogay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxa uu sheegay in dawladda Ingiriisku u caddaysay in Somaliland shirka London uga qaybgeli doonto qaab ka duwan sida maamullada kalee ka jira dalka Soomaaliya, isla markaana aanay Somaliland waxba ka khusayn ajandaha lagaga hadlayo khariiddada nabadda Soomaaliya (Road Map), marka laga reebo in Somaliland talo laga weydiiyo sida xasillooni looga hirgelin karo waddanka colaaduhu aafeeyeen ee Soomaaliya.

“Waxa jiray wadahadallo xidhiidh ah oo u socday dawladaha Somaliland iyo Ingiriiska oo la xidhiidhay qaabka Somaliland uga qaybgelayso shirka arrimaha Soomaaliya lagaga hadlayo ee ka dhacaya magaalada London, markaa waxa dawladda Ingiriisku noo caddaysay in aanay Somaliland qayb ka ahayn khariidadda nabadda (Road Map) ee lagaga hadlayo shirka London, arrintaas oo ku kooban qaybaha kalee dalka Soomaaliya iyo sidii nabad waarta looga hirgelin lahaa Soomaaliya dhibaatooyinka colaaduhu ragaadiyeen. Waxay Ingiriisku noo sheegay in shirka London aannu wax saamayn ah ku yeelanayn Jamhuuriyadda Somaliland, balse loo baahan yahay tallada Somaliland ka gaysanayso qaabka xasillooni looga hirgelin karo Soomaaliya, sidaa darteed uu ka qaybgalka shirka London faa’iido u leeyahay Somaliland, maadaama lagu casuumay madax badan oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee bulshada caalamka.”

“Wadahadallada aannu la yeelanay dawladda Ingiriiska waxa nooga soo baxay in werwer badan oo shirka London naga hayey ama aannu ka qabnay hadda naga baxay oo ka qaygalkeennu aannu wax saamayn ah ku yeelanayn madaxbannaanida iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland, dawladda Ingiriiskuna arrintaasi way noo caddaysay,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland.

Waxa kaloo Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar uu sheegay in daraasad badan oo Somaliland shirkaas ku samaysay ay ka soo baxday in ka qaybgalka shirka London uu Somaliland u yahay fursad qaali ah.

“Markii aannu darisnay shirka arrimaha Soomaaliya ee London, isla markaana aragnay qaabka dawladda Ingiriisku shirkaas uga qaybgalayso Somaliland waxa noo soo baxday in Somaliland fursad weyn ugu jirto ka qaybgalka shirka London, taas oo wax u taraysa qaddiyadda madaxbannaanida iyo aqoonsi-raadinteenna, iyadoo madaxda reer Somaliland ee ka qaybgala shirka London heli doonaan fursad ay madaxda adduunka iyo hay’adaha caalamka ee iyaguna shirkaas ka qaybgalaya kaga dhaadhiciyaan qaddiyadda goonni-isu taagga Somaliland iyo taariikhda Somaliland leedahayba.”

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland oo la weydiiyey waxa uu yahay doorka Somaliland kaga qaybgalayso shirka London ee laga hadlayo arrimaha Soomaaliya, waxa uu ku jawaabay; “Doorka Somaliland kaga qaybgalayso shirka London wuxuu yahay sidii ay Somaliland beesha caalamka iyo ka qaybgalayaasha shirkaas ugu soo bandhigi lahayd qaddiyadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland iyo sidii aannu talo uga gaysan lahayn qaabka xasilloonida iyo kala dambaynta loogu soo dabbaalayo dalka aynu dariska nahay ee Soomaaliya, dawladda Ingiriiskuna waxay doonaysaa in laga faa’iidaysto khibradda Somaliland u leedahay dhisidda dawladnimadda iyo adkaynta nabadgelyada, markaa sida dalal kalee jaarka la ah Soomaaliya sida Itoobiya, Kenya iyo Uganda u doonayaan in xal loo helo dawlad la’aanta ka jira Soomaaliya ayey Somaliland qudheeduna doonaysaa in nabad laga dhaliyo Soomaaliya, shirkaasna waxay Somaliland kaga qaybgalaysaa sidii ay beesha caalamka uga codsan lahayd in taageero loo fidiyo Somaliland, gaar ahaan dhinacyada la-dagaalanka budhcad-badeedda iyo argagixisada oo ah waxyaabaha la doonayo in xoogga lagu saaro shirka London.”

Dhinaca kale, sida ku cad qoraallo Jamhuuriya helay oo ka soo baxay kulan loogu gogol xaadhayo shirka London oo 10kii bishii January ee la soo dhaafay dawladda Ingiriisku ku qabatay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxa la doonayaa in Somaliland shirka London kaga qaybgasho qaab ka duwan hannaanka ay kaga qaybgalayaan dawladda Sheekh Shariif, maamul-goboleedada Puntland, Galmudug iyo kooxda Ahlu Sunah Wal-jamaaca, waxana qorshaha dawladda Britain wadato ee Somaliland shirkaas kaga qaybgalayso ka cadhooday oo shaki xooggan ka muujiyey maamulka Sheekh Shariif oo ku dooday in arrintaasi dhaacawayso midnimada dalka Soomaaliya, isla markaana muhiim tahay in Ingiriisku awooddiisa u adeegsado sidii Somaliland uga qaybgeli lahayd wadahallada nabadeed ee dalka Soomaaliya, miiskana ula fadhiisan lahayd maamullada ka jira Soomaaliya.

Dawladda Ingiriisku waxa ay kulanka ka dhacay Nairobi ka sheegtay in aanay ku hawlanayn qorshe lagu dhaawacayo midnimada dalka Soomaaliya, sidoo kalena aanay si rasmi ah u aqoonanayn madaxbannaanida Somaliland, balse waxay dawladda Britain caddaysay in Somaliland gacan weyn ka geysan karto mustaqbalka Soomaaliya iyo sidii xasillooni looga dhallin lahaa, taasina tahay sababta Somaliland loogu martiqaaday shirka 23ka bishan February ka dhici doona magaalada London.

Cabsida maamulka Sheekh Shariif ka qabto qaabka Somaliland uga qaybgalayso shirka London, ayaa muujinaya in dawladda Ingiriisku qorshaysay hannaan ka duwan maamullada kalee Soomaaliya ka jira oo Somaliland uga qaybgalayso shirkaas, kaas oo ah in Somaliland talo ku darsato xasilloonida iyo dhismaha dawlad loo dhan yahay oo ka dhalata dalka Soomaaliya oo nabadgelyo-darro xun ka taagnayd 21kii sanno ee la soo dhaafay.

rasna maxamed faarax

hargaysa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com