Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ambassador Safiina Oo Beeniyay In Ganacsade Maxamed Aw Siciid Ka Danbeeyay Xadhigii Loogu Gaystay Kenya

Hoghayaha wadamadda carabta u qaabilsan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Ambassador Axmed Safiina, markii u horaysay ka hadlay warar mudooyinkii danbe si weyn la isku dhex maryay oo sheegayay in xadhigii loo gaystay uu ka danbeeyay ganacsade Maxamed Aw Siciid Geedi.

hqdefault

Waxaanu sheegay in aanu ganacsade Maxamed Aw Siciid, wax lug ah ku lahayn xadhigii 1-dii bishan ay isaga u gaysteen ciidamadda Kenya, xili uu safar ku joogay magaaladda Nairobi. Isagoo cadeeyay in aanu haba yaraatee wax lug ah ku lahayn arrimahaasi Maxamed Aw Siciid.

Ambassador Axmed Safiina, ayaa ku eedeeyay warbaahinta Somaliland in ay dhalan-rogeen hadal uu jeediyay 28-kii bishii December ee ina dhaaftay, isagoo ku dooday in aanu marnaba ku soo qaadin magaca Maxamed Aw Siciid ama cid kale.

Hase yeeshee arrintaasi ay saxaafadu si kale u dhigeen, iyadoo kadib-na xubno uu beenaaleyaal ku tilmaamay ay sii murgiyeen, isla markaana ay iska weerareen ganacsade Maxamed Aw Siciid Geedi.

Hoghayaha wadamadda carabta u qaabilsan xisbiga WADDANI, oo maanta warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha Hargaysa oo uu ka soo degay, kadib markii uu ka soo laabtay safar uu muddo ugu maqnaa dalka Kenya, ayaa ganacsade Maxamed Aw Siciid raali-gelin ka siiyay eedahaasi beenta ah ee lagula kacay.

Geesta kale xoghayaha arrimaha carabta u qaabilsan WADDANI, waxa uu ka waramay sidii uu u dhacay xadhigii horaantii bishan loogu gaystay magaaladda Nairobi iyo cidda arrintaasi ka danbaysay.

HALKAN KA DAAWO HADALKAASI OO DHAMAYSTIRAN:

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com