Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Salaadiin ka waramay kulan ay la yeesheen Madaxweyne Siilaanyo+sawr

Hargeysa(maantasomaliland.com )-Qaar ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland, ayaa maanta qasriga madaxtooyadda kulan kula yeeshay Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sheegay inay Madaxwaynaha isku waafaqeen in laga qayb-galo shirka London.

Salaadiintan oo warbaahinta la hadlay kulankaasi ka dib ayaa sheegay inay Madaxwaynaha ku amaanayaan inuu ka tallo-galiyo ka qayb-galka shirka dawlada Ingiriisku kooxaha Soomalida ugu qabanayso London, waxayna tilmaameen inay haboon tahay in shirkaasi ka qayb-gasho.

Suldaan Axmed Daahir oo ugu shirkaasi ka hadlay ayaa si weyn ugu mahad naqay Madaxweynaha Somaliland iyo Golihiisa wasiirada oo uu uga mahad celiyay sida ay uga aqbaleen talooyin badan oo ay u jeediyeen.
“Waxaanu ka soo baxnay shir aanu la yeelanay madaxweynaha Somaliland iyo Wasiiro oo aanu ka wada hadalnay go’aanka ay gaaadheen ee in laga qayb galo shirka London lagu qabanayo oo lagu soo casuumay dawlado badan oo ay ka mid tahay Somaliland, kaasoo aanu hore anagu hadii aanu nahay Golaha Salaadiinta si gaar ah u falan qaynay, ka dibna waxaanu isla garanay inay maanta haboontahay in laga qayb galo”ayuu yidhi Suldaanku.

Suldaan Axmed Daahir oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Nasiib wanaag madaxweynaha iyo dawladu waxay go’aamiyeen , oo ay naga talo geliyeen in lala qaato go’aanka ay soo jeediyeen oo shirkaasi si mug leh looga qayb galo, anaguna anagoo ka wakiil ah umadda Jamhuuriyada Somaliland waxaanu ku taageernay in laga qayb galo shirkaasoo maanta waxa inoo diidayaa jirin, waayo oo dawlad isku dheeli tiran ayaynu.”

“Markaa Madaxweynaha iyo dawlada waanu ku taageersanahay in laga qayb galo shirka, waanan ugu ducaynaynaa, shacbiga reer Somaliland meel kasta oo ay joogaana waxaan lu soo jeedinaynaa inay go’aankaa nala qaata,”ayuu yidhi Suldaanku.

Dhinac kale, waxa isna kulanka xog-waranka ah ee ay la yeesheen Madaxweynaha ka hadlay Suldaan Aadan faarax Cumar oo sheegay inay soo dhaweeyanayaan ka salaadin ahaan shirka ka qaybgalkiisa.
“Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiiraddu go’aanka ay gaadheen ee shirka London ee ay ka soo qaybgaleen dawlado badan oo ay ka mid yihiin Somaliland oo lagu casuumay shirka London.Haddaanu nahay Golaha Salaadiinta hore ayaanu arrintan u falaqaynay oo shirka London uga haddalnay marka waxaanu majoorati ahaan, isla garanay inay maanta haboontahay in shirka laga qaybgalo.”Ayuu yidhi Suldaan Aadan Faarax.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray “Nasiib wanaag dawladu waxay go’aamiyeen oo ay naga talo-galiyeen in lala qaato go’aanka shirka.Arrintaasina waanu la qaadaynay xukuumada in si mug leh looga qayb galo shirka London.”

xuseen xarbi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com