Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Hargeysa(maantaSomaliland.com)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo uu weheliyay Madaxweyne Ku xigeenka Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta qado-sharaf ugu sameeyay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa Mudaneyaasha labada aqal ee baarlamaanka Wakiiladda Iyo Guurtida, kaasi oo uu uga xog-waramay shirka London.+ sawiro

Hargeysa(maantaSomaliland.com)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo uu weheliyay Madaxweyne Ku xigeenka Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta qado-sharaf ugu sameeyay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa Mudaneyaasha labada aqal ee baarlamaanka Wakiiladda Iyo Guurtida, kaasi oo uu uga xog-waramay shirka London.

Kulankaasi qado-sharafta ahaa oo albaabadu u xidhnaayeen waxa kale oo ka qeyb galay Wasiirro ka tirsan xukuumadda.

Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo kulankaasi ka dib Saxaafadda u waramayay ayaa ka hadlay kulankii Madaxweynuhu la yeeshay labada gole ee Baarlamaanka Somaliland (Wakiiladda iyo Guurtida) waxaanu yidhi “Madaxweynaha Somaliland wuxuu u sameeyay qado-sharaf Mudaneyaasha labada Gole ee Wakiiladda iyo Guurtida wuu uga xog waramay, wuxuu uga xog-waramayna bari ayaanu kulan furan oo wada jir ah ay labada gole ka yeelanayaan.”
<

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo isna ka hadlay kulankii Madaxweynuhu la yeeshay labada aqal waxa uu yidhi “Waxa laga wada hadlay kulankan casuumadda ay xukuumadda Somaliland ka heshay dalka Britain, casuumadaasi waa mid gaar ah oo la mid ah sida ay dalalka kale ee Jaarkaba ugu soo casuumeen Ingiriisku shirka ay London ku qabanayaan 23-ka bishan.”

“Sifaha aanu kaga qeyb galaynaa waxa weeye inaanay Somaliland ka mid ahayn khariirada nabadda ee loo qabanayo looguna jihaynayo Soomaaliya, awoodana lagu qaybsanayo. Somaliland qeyb kamay ahayn barigii hore imkana qeyb kama aha, inta uu shirku socdana qeyb kama noqonayso,”ayuu yidhi Wasiirka khaarjigu.

Wasiirku wuxuu ku dooday in Somaliland xil ka saaran yahay inay fikir iyo tallo ku yeelato dhacdooyinka ka jira mandaqada geeska Afrika, waxaanu yidhi “Somaliland waxay ka mid tahay Geeska Afrika waxaanu u aragnaa inuu xil na saaran yahay qaran ahaan iyo xukuumad ahaanba inaanu fikir iyo tallo ku yeelano arrimaha ka jira mandaqada ee ay Soomaaliya ka mid tahay. Soomaaliya waa dal aynu jaar nahay dhibaatooyin badan ayaa ka jiray duniduna way iska kaashanaysaa sidii wax looga qaban lahaa.”

“Waxa ugu weyn ee aanu u tagaynaa waxa ka mid ah iyadoo madashaasi dunidu iskugu wada imanayso ay tahay fursad aan dalkan hore u soo marin inaanu qadiyada Somaliland aanu kala hadalo beesha caalamka ee halkaasi iskugu imanaysa haddii ay tahay Maraykanka, Ingiriiska, Carabta, Afrika iyo haddii ay tahay Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya oo aanu u caddaynayno inay Somaliland tahay qaran madax banaan oo labaatan sanadood dimuqraadiyad iyo dawladnimo ka jirtay,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibaddu.

Wasiirku wuxuu sheegay Goleyaasha Baarlamaanka iyo xisbiyada qarankuba ay si buuxda u taageereen in xukuumadda Somaliland ka qeyb gasho shirka London.

xuseen xarbi

hargaysa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com