Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siillanyo) aya manta si rasmi ah ugu kici timiy Dalka Itoobiya, safarka Madaxweynuhu uu ku tagayo magaaladda addisa ababa ayaa ujeedadiisa lagu sheegay in madaxweynaha iyo masuuliyiinta itoobiya ay ka wadda hadli doonaan xidhiidhka labadda dawladood.

 Madaxweyne Siilaanyo Iyo Wafti Uu Hugaaminayo Oo Ka Dhoofay Dalka, Kuna Sii Jeedda Dalka Itoobiya

 

Waftiga Madaxweynaha ayaa wax safarkiisa ku wehelinaya Wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibadda, Gudaha, Madaxtooyadda iyo marwadda madaxweynaha.

Hargeysa (maantasomaliland)- Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siillanyo) aya manta si rasmi ah ugu kici timiy Dalka Itoobiya, safarka Madaxweynuhu uu ku tagayo magaaladda addisa ababa ayaa ujeedadiisa lagu sheegay in madaxweynaha iyo masuuliyiinta itoobiya ay ka wadda hadli doonaan xidhiidhka labadda dawladood.

Madaxweynaha ayaa waxa Madaarka Egel International Airport ee magaaladda Hargeysa u sii galibyay Madaxeyne ku xigeenka Somaliland C/Raxmaan C/Laahi Ismaaciil Saylici,Raxan Wasiiro ah, Xildhibaanadda Labadda Aqal baarlamaan, siyaasiyiin, aqoonyahano iyo marti sharaf kale oo aad u fara badan, sidoo kale Madaxweynaha ayaa intaanuu dalka ka dhoofin waxa uu salaan sharafeed ka qaatay cutubyo ciidankka ka tirsan kuwaas oo ku sugnaa madaarka.

Waftiga Madaxweynaha ayaa wax safarkiisa ku wehelinaya Wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibadda Somaliland Dr Maxamed C/Laahi Cumar, Wasiirka Arimaha Guddaha Dr Maxamed Nuur Caraalle Duur, Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan Iyo Marwadda Kowaad Ee Madaxweynaha Marwo Aamina Waris .

Waftigan ayaa waxa la sheegay in ay si toos ah u tagi doonaan magaaladda addis ababa, waxana ay shirar kala gooni gooni ah la soo qaadan doonaan masuuliyiinta ugu sarsareysa dawladda Itoobiya, waxana safarkani uu ahaan doonaa mid hal maalin ah.

rasna maxamed faarax

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com