Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Hargeysa (maantaSomaliland.)-Alle ha u naxariistee waxa maanta shil baabuur ku geeriyooday Taliyihii laanta nabadgalyada wadooyinka ee gobolka gebilay Marxuum Cismaan C/laahi Abokor. Waxa kale oo dhaawacyo kala duwani ka soo gaadheen afar qof oo kale

Hargeysa (maantaSomaliland.)-Alle ha u naxariistee waxa maanta shil baabuur ku geeriyooday Taliyihii laanta nabadgalyada wadooyinka ee gobolka gebilay Marxuum Cismaan C/laahi Abokor. Waxa kale oo dhaawacyo kala duwani ka soo gaadheen afar qof oo kale.

Gaadhigan oo noociisu ahaa Suki Suki oo ku soo jeeday dhinaca magaalada Hargaysa ayaa ku qalibmay deegaanka Galoolay waxaana shilkaas ku naf waayay Taliyihii laanta nabadgalyada wadooyinka ee gobolka gebilay Marxuun Cismaan C/laahi Abokor.
Siday faafisay wakaalada wararka ee SOLNA Waxa afartii qof ee shilkaasi ku dhaawacmayna lagu kala dawaynayo cisbitaaladda Gabilay iyo Hargeysa.

Ma jiro war ka soo baxay ciidanka ilaalada wadooyinka oo lagu sheegay asbaabaha shilkani ka dhashay.

Shilalka gaadiidka ayaa dad iyo duunyo tiro badani ay ku naf waayaan sannad walba, waxaana ciidanka Boolisku ku macneeyaan laba qodob oo kala ah waddo xumo iyo xirfada wadeyaasha oo liita.

xuseen xarbi

hargaysa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com