Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Oo Kulan Telefoon ugu xog-waramay qurbo-jooga Somaliland ee Maraykanka iyo sawiro aykanka

Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Oo Kulan Telefoon ugu xog-waramay qurbo-jooga Somaliland ee Maraykanka

 

Hargeysa (maantSomaliland.com)- Wasiirrada Arrimaha Dibadda Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur), ayaa kulan dhinaca telefoonka ah oo ka qabsoomay xarunta dalka Maraykanka ee (Washington), ayaa xog-waran ka siiyey qurba-joogta Somaliland ka qaybgalka Somaliland ee shirka dabayaaqada bishan ka qarsoomi doona magaalada London ee lagaga hadali doono arrimaha soomaalida iyo xalaada guud mandaqadda.

Kulankan oo soo qabqaabiyey wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Maraykanka Rashiid Nuur Gaaruf oo qarsoomay xalay, ayaa waxa ka qaybqaatay toddoba kun oo qurba-jooga Somaliland ee ku dhaqan dalka Maraykanka kuna sugan madasha kulanka ee Washington.

Iyada oo dhinac kalena ay khadka telefoonka kulankan kaga qaybqaadanayeen qurba-jooga Somaliland ee ku dhaqan waddamada ay ka mid yihiin Ingiriiska, Canada, Australia.

Wasiiradu waxay faahfaahin ka siiyeen shirka lagu casuumay Somaliland ee lagu qaban doono London iyo xaalada guud ee dalka iyo gaar ahaan dhinacyada nabadgeliyada.

Wasiirka arrimaha dibada Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in aanu shirkani wax saamayn ah oo taban u lahayn qaranimada Somaliland.

Wasiirku wuxuu ku dooday in Somaliland ay qadiyadeeda u gole geyn doonto shirka London oo ay ku casuuman yihiin afartameeyo dawladood oo isugu jira qaadhaan bixiyeyaasha, wadamada gobolka iyo dunida carabta.

Wasiirka arrimaha gudaha Md. Maxamed Nuur Caraalle (Duur) ayaa isna kulankaasi ka hadlay ayaa tafaasiil ka bixiyay xaalada guud ee dalka.

siday faafisay Idaacada Dawlada ee SOLNA waxay labadaasi Wasiir ka jawaabeen su’aalo ay qurbo-joogu ka weydiiyeen shirka Lodon iyo danaha siyaasadeed ee ugu jira Somaliland.

xusen xarbi

maanta somaliland .com hargeisa

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com