Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan wadanka UK, ayaa go’aamiyay in banaan bax weyn ay ka dhigaan xafiiska raysal wasaaraha Ingiriiska David Camaron hortiisa maalinta 22-ka bishan si loogu baaqo inay aqoonsadaan madax banaanida qaranimada Somaliland.

London (mantaSomaliland.com)- Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan wadanka UK, ayaa go’aamiyay in banaan bax weyn ay ka dhigaan xafiiska raysal wasaaraha Ingiriiska David Camaron hortiisa maalinta 22-ka bishan si loogu baaqo inay aqoonsadaan madax banaanida qaranimada Somaliland.

Banaan baxani ayaa qabsoomaya maalin ka hor xiliga uu magaalada London ka furmayo shir weynaha Ingiriisku u qabanayo xal u helida mashaakilaadka Soomaaliya iyo xaalada guud ee mandaqada geeska Afrika.

Sidaasi waxa lagu shaaciyay war saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Jaaliyada Somaliland oo Ingiriisku wuxuu yidhi “Dadka reer Somaliland sida aynu la wada socono waxay meel kasta oo ay joogaan dareen siman ka muujiyeen shirka arrimaha Soomaaliya ee London, taasi oo horseeday in masuuliyiinta ururada Jaalliyada UK iyo Guddidii 18-ka May (Somaliland Working Group), iyo xubno firfircoon Jaalliyada ka tirsani shir ballaadhan ku yeeshaan xarunta urur-jaaliyadeedka West London Somaliland Community ee ku taala xaafada Hayes.

Kullankaasi oo uu kala soo qayb galay jaalliyada Wasiir-u-dowlaha Arrimaha Dibedda Dr. Maxamed-Rashiid Sh. Xasan, waxa dood dheer ka dib lagu go’aamiyay in dalkan boqortooyada Ingiriiska laga qaban qaabiyo isu-soo-bax ballaadhan oo lagu taageerayo qaddiyada madax-banaanida Somaliland maalinta Arbacada ee taariikhdu tahay 22 Febr,2012, 11am-5pm, kaasi oo ujeedadiisu tahay sidan hoos ku xusan;

• Isu-soo-bax balaadhan waa mid beesha caalamka lagu weydiisanayo in ay aqoonsadaan jiritaanka Somaliland, isla markaana ixtiraamaan rabitaanka shacbiga Somaliland sida uu dhigayo qoddobka caalamiga ah ee aayo-ka-tashiga ay ummaduhu xaqa u leeyihiin (self determination).

• Muujinta Madax-banaanida Somaliland iyo Qaranka Somaliland waxyaabihii u qabsoomay muddadaa 21-ka sanno ah ee Jamhuuriyadda Somaliland jirtay.

Haddaba guddida qaban qaabadu waxay dhamaanba shacbiweynaha reer Somaliland ee ku dhaqan UK iyo qaarada Yurub-ba ugu baaqaysaa in aanay u kala hadhin isu-soo-baxan lagu muujinayo qaranimada iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu danbeyntii waxaanu idin leenahay “Kaalay oo nagala soo qaybgala isu-soo-baxan ballaadhan ee lagu Muujinayo Midnimada iyo Madax-banaanida Somailand oo u hiili dalkaaga Hooyo.

Maalinta (Arbaca) : 23.02.2012

Goobta : Richmond Terrace; opposite 10 Downing Street (ka soo horjeedka xafiiska Raysal wasaraha ) London (SW1)

Wakhtiga: 11:00 am –17:00pm Gaadiidka: Charing Cross tube Station iyo Westminster Tube Station.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com