Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Deegaanada Buuhoodle iyo Sool-joogta oo ka mid ah deegaano ay labadii maalmood ee u dambeeyay ay madaafiic dhowra isku waydaarsadeen ciidamada qaranka Somaliland iyo maleeshiyaadka reer Buuhoodle ayaa lagu soo waramayaa in maanta xaaldoodu dagan tahay.+sawiro

 

Deegaanada Buuhoodle Iyo Sool-joogta Oo Labadii Maalmood Ee U Dambeeyay Ay Madaafiic Isku Waydaarsanayeen Ciidamada Qaranka Somaliland Iyo Maleeshiyaadku Oo Maanta Deggan

Buuhoodle (maantasomaliland.com)  – Deegaanada Buuhoodle iyo Sool-joogta oo ka mid ah deegaano ay labadii maalmood ee u dambeeyay ay madaafiic dhowra isku waydaarsadeen ciidamada qaranka Somaliland iyo maleeshiyaadka reer Buuhoodle ayaa lagu soo waramayaa in maanta xaaldoodu dagan tahay.

Madaafiicdan ay hore isku waydaarsadeen ciidamada qaranka iyo Maleeshiyaadka oo la sheegay inay ahaayeen kuwo aad u calculus isla-markaana labada dhinac mid walba si hagar la’aan ah isugu ridayeen aanay geysan wax khasaare ah.

Madaafiicdan oo ahaa kuwo laga maqlayey inta badan tuulooyinka degmada Buuhoodle ku teedsan ayaa la sheegay inay bilaabeen Maleeshiyaadka reer Buuhoodle oo muujinayey dhoolatus dhinaca ciidanka ah oo ay doonayeen inay ku muujiyaan awoodooda ciidan.

Balse dhoolo-tuskaasi waxa la sheegay in ciidamada qaranku ay kaga jawaabeen inay isticmaalaan hubka loo yaqaano Altalariga, kaasi oo kaga gariiriyey deegaanadii ay Maleeshiyaadku ka soo ridayeen hubka yaryar.

Maleeshiyaadka reer Buuhoodle ayaa u muuqda kuwo ka dhago la’ baaqyada nabadeed iyo dibada iyo dalka gudihiisaba uga imanaya, waxayna wadaan dedaalo ay doonayaan inay dib ugu huriyaan colaad hor leh oo dhiig badan ku daato.

Wararkii ugu dambeeyay ee halkaasi laga helayo ayaa sheegaya in maanta xaaladu degan tahay, isla-markaana ciidamada qaranka iyo maleeshiyaadku mid walba halkiisa ku egyahay, inkasta oo la saadaalin karo in madaafiicdani horseedi karaan dagaal fool ka fool ah

Hargeisa

maantasomaliland.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com