Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

War-bixin Telefiishan Caalami Ah Ka Diyaariyay Saldhiga Militari Ee Berbera Iyo Dareenka Laga Dheehanayo.

Talefishanka Caanka ah ee Al-Mayaadiin oo aad u taageera siyaasadaha dalka Iiraan ayaa sii daayey warbixin dareen leh oo ku aaddan saldhigga milateri ee ay dawladda Imaaraadka Carabtu ka samaysanayso magaalada Berbera ee jamhuuriyadda Somaliland.

Talefishankan oo ay xaruntiisu tahay magaalada Beyruut ee dalka Lubnaan ayaa warbixintiisan ku sheegay in dawladda Iimaaraadku ay dekedda iyo saldhigga Berbera u adeegsan doonto laba arrimood oo ah, ganacsiga iyo dagaalka dalka Yemen.

Warbixintaas oo uu Geeska Afrika afsoomaali u rogay waxa uu Talefishanku hordhac uga dhigay, “Baarlamanka Somaliland oo ogolaaday Saldhig milateri oo imaaraadku ku yeelanayo magaalada Berbera ee xeebta Gacanka Cadmeed” isaga oo sheegay in khubarada arrintan u dhuun daloolaa ay caddeeyeen in saldhiggani uu muran weyn ka dhex dhaliyey dawladaha gobalka Geeska Afrika. Sababta dareenka taban ee saldhiggan laga qaatay sii xoojisayna ay tahay Imaaraadka oo la og yahay in uu dalka Ereteriyana ku leeyahay saldhig milateri oo uu u adeegsado dagaalka uu kaga jiro Yemen iyo saldhigo tiro badan oo uu ka kiraystay xeebaha ku teedan badda cas.

 

Warbixintaas oo Afcarabi ahayd waxa ay ku bilaabatay sida;

“Saldhig milateri oo cusub ayaa uu imaaraadku ka samaystay Gobalka Geeska Afrika ee yaalla kadinka badda cas.

Markanna Imaaraadku waxa uu doortay jamhuuriyadda Somaliland in ay noqoto saldhiggiisan milateri, kadib markii baarlamanka dawladdan faqiirka ahi uu ogolaaday in saldhiggan laga yagleelo magaalada Berbera ee xeebta gacanta Cadmeed.

Heshiiska Imaaraadka la’ la galay oo ku kacay lacag dhan 450 Milyan oo doolar waxa uu soconayaa muddo 30 sano ah, oo dekedda la’ horumarinayo si loogu adeegsado taageerada hawlgallada milateri ee uu isbahaysiga Sucuudigu hoggaaminayaa ka wadan dalka Yemen iyo sidoo kale arrimo ganacsi.

Waa saldhig ay xeeldheerayaashu xaqiijiyeen in uu dhamaystir u noqonayo saldhigyo milateri oo uu Imaaraadku ka samaystay xeebaha ku teedan Badda Cas. Laga soo bilaabo gegi diyaaradaha milaterigu isticmaalo oo dalka Jabuuti ah, illaa dekedda Casab ee dalka Ereteriya oo uu ka kiraystay saldhig milateri, oo leh marin biyoodyo istaraatiiji ah oo ku fadhiya masaafad dhan 150 kiiloomitir oo dhereren xeebta badda cas.

Saldhiggan cusub ee magaalada Berbera ayaa muran weyn ka dhex abuuray dalalka Geeska Afrika, kadib markii Imaaraadku uu caddeeyey in uu u adeegsanayo dagaalkiisa ka dhanka ah ciidamada Yemen iyo ciidanka madaniga ah ee garab siiya (Waxa ay Iiraan aaminsan tahay in Xuutiyiinta iyo ciidamada Cali Cabdalla Saalix ay yihiin kuwo sharci ah). Iyada oo sidoo kalana qalabka milateri ee saldhiggani uu qayb muhiim ah ka qaadan doono ilaalinta cunaqabataynta dalka Yemen saarnayd tan iyo sannadkii 2015ka.

Imaaraadku waxa uu aaminsan yahay in dekedda Berbera ay tahay halbawle nololeed oo aasaasi ah, maadaama oo uu yahay saldhig loo adeegsan karo gurmadka iyo hawlgallada degdegga ee cirka iyo badda ee lagu adkaynayo cunaqabatayta saaran dekedaha dalka Yemen ee badda cas ku yaalla. Iyo sidoo kale in loo adeegsado saldhig gurmad dhinaca farsamada ah oo aad u heer sarreeya laga siiyo dagaalka yemen.

Waxa la odhan karaa tallaabada Imaaraadka ee Somaliland waxa ay u muuqan lahayd arrin iska caadi ah, haddii aanay waqtigan iyo goobtan noqon lahayn. Laakiin in ay isku soo beegmeen tallaabada kale ee uu Sucuudigu isaguna saldhigyo milateri kaga samaysanayo dalal Geeska Afrika ah, gaar ahaan dalka Ereteriya, iyo isbeddelka ku yimid isu dheelli-tirnaanta milateri ee dagaalka Yemen, kadib markii weerar la’ la beegsaday maraakiibta dagaalka ee Sucuudiga iyo Imaaraadka u joogay Gacanka Cadmeed, waxa kor u kacaya dareenka laga qabo in ay isku xidhan yihiin dhismaha saldhiggan iyo dagaalka ka dhanka ah Yemen, iyo sidoo kale qorshayaasha Imaaraadka ee ah, in dagaalkan gobalka lagu fidiyo”

Warbixintan kadib waxa uu talefishanku waraystay khabiir dhinaca milateriga ah oo isaga qudhiisuna u muuqday in uu taageersan yahay siyaasadaha  dalka Iiraan, kaas oo arrimaha uu ku dooday ay ka mid tahay Saldhigga Milateri ee Bererba Imaaraadku ka samaysanayo ay sidoo kale adeegsan doonaan ciidamada NATO iyo ciidamada Maraykanka ee hawlgallada kala duwa sameeya. Isaga oo sheegay in Imaaraadku uu sidiisaba heshiis kula jiro NATO iyo Maraykanka oo labaduba saldhigyo ku leh Imaaraadka, sidaa awgeed uu heshiiskaasi u ogolaanayo dhinacyadani in si la mid ah saldhigyada kale ee Imaaraadka gudihiisa in ay u isticmaalaan saldhiggan Berbera iyo kuwa kale ee Imaaraadku ku leeyahay dalalka kalaba.

Warbixintan uu diyaariyey talefishanka Al-Mayaadiin oo aynu ka dheehan karno in uu ku hadlayo aragtida dawladda Iiraan ka qabto saldhigga Milateri ee Imaaraadku ka samaysanayo magaalada Berbera ayaa abuuraysa su’aalo badan oo la xidhiidha sababta ay Somaliland dan u moodi karto in ay qayb ka noqoto dagaal caalami ah.

xigasho hayaannews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com