Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Madaxweynaha Somaliland Iyo Weftigiisii

Raysal Wasaaraha dalka Itoobiya Males Zanawi, ayaa maanta xafiiskiisa kulan balaadhan kula yeeshay weftigii Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ee socdaalka shaqo ku jooga dalkaasi.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Raysal wasaare Males Zanawi waxay ka wada hadleen qodobo dhawr ah oo kor loogu qaadayo iskaashiga labada dal, sida lagu sheegay war-saxaafadeed caawa ka soo baxay Madaxtooyadda Somaliland oo u dhignaa sidan:-
“Madaxweynaha Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftiga uu hogaaminaayo ee ku sugan Dalka Ethiopia ayaa maanta (07/02/2012,) waxa ay kulan la yeesheen Ra’iisal wasaaraha Dalka Ethiopia Mudane, Meles Zenawi, kulankan oo ka dhacay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Ethiopia ee Magaalada Addis- ababa.

Kulankan oo lagaga wada hadlay arrimo dhawra oo la xidhiidha sidii laysaga kaashan lahaa, sii xoojinta xidhiidhka Nabad-gelyada, Ganacsiga, waxbarashada labada dal ee Somaliland iyo Ethiopia.
Waxa kale oo ay kawada hadleen sidii dib u qiimayn loogu samayn lahaa xidhiidhka labada dal ee xaga nabad-gelyada iyo ilaalinta xasiloonida iyadoo fiiro gaar ah la siinayo arrimaha la xidhiidha Amni-darrada ka taagan meelo ka mid ah mandaqada.

Waxa kale oo ay labada Dawladood isla meel dhigeen inay si isku mid ah uga soo horjeestaan iskana kaashadaan wixii wiiqaya ee waxyeelo u keeni kara xasiloonida iyo amniga labada dal iyo labada shacbi ee derisnimada iyo walaal-tinimada dheeri ka dhaxayso.
Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaruhu waxay ku nuux-nuuxsadeen in ay ku fara adaygi-doonaan kuna faraxsan-yihiin heerka iskaashiga iyo wada shaqaynta labada dal ka dhaxaysa, iyadoo laga duulayo heshiisyadii ay hore u wada saxeexeen.
Weftiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku wehelina Safarka: Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraale (Duur), Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Xog-hayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL, Cali Axmed Cali, Danjiraha Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Addis Ababa, Mudane Aadan nuux Dhuule, Ku-xigeenka Danjiraha Jamhuuriyadda Somalilanad ee Addis Ababa, Mudane, Ayaanle Salaad Diiriye.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com