Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu Hoggaaminayay ayaa galabta ku soo laabtay dalka ka dib markii ay socdaal qaatay muddo sadex maalmood ah ku soo mareen dalalka Itoobiya iyo Jabuuti ,waxaana si weyn loogu soo dhaweeyay madaarka caalamiga ah ee Magaalada Hargeysa.

Hargeysa (maantaSomaliland.com)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu Hoggaaminayay ayaa galabta ku soo laabtay dalka ka dib markii ay socdaal qaatay muddo sadex maalmood ah ku soo mareen dalalka Itoobiya iyo Jabuuti ,waxaana si weyn loogu soo dhaweeyay madaarka caalamiga ah ee Magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha Somaliland oo qolka nasashada ee madaarka ugu waramayay saxaafadda ayaa tafaasiil ka bixiyay kulankii uu la yeeshay Raysal wasaaraha Itoobiya, waxaanu yidhi “Waxaanu magaalada Addis-ababa kula kulanay Raysal wasaaraha Itoobiya iyo madax kale oo ka tirsan dawladda Itoobiya, waxyaabaha aanu ka wada hadlaynay waxa ka mid ahaa dano la xidhiidha Nabad-gelyada iyo wax wada qabsiga labada dal, si wanaagsan ayaanu iskugu af garanay waxyaabihii aanu ka wada hadalay. Dalka Itoobiya waa dal aynu jaar nahay oo saaxiib nahay.”

“Waxa Itoobiya naloogu soo dhaweeyay si aad iyo aad u wanaagsan wixii aanu ka wada hadalay madaxdii aanu la kulanayna waanu isku af-garanay,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa kale oo uu ka hadlay kulan uu la yeeshay madaxweynaha Jabuuti oo uu maanta kulan kula yeeshay markii ay soo mareen dalkaasi.

“Jabuutina waxaanu kula kulanay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle , Jabuutina waa dal aynu daris nahay oo saaxiib nahay isagana waxaanu ka wada hadalay danaha labada dal. Mana jirto wax dhibaato ah oo ina dhex yaalay inaga iyo Jabuuti,”ayuu yidhi Md. Axmed Siilaanyo.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay inuu ka xun yahay dagaalka Buuhoodle, waxaanu yidhi “Waanu ka xunahay waxa soo gaadhay dadka Somaliland dhinac kastaba ha noqotee. Mar walbana haddii aanu nahay dawlada Somaliland waxaanu ugu baaqaynaa wada hadal iyo nabad-gelyo. Cidii aan Somaliland ka tirsanayn waxaanu u soo jeedinaynaa inay dalkayaga faro-gelinta ka daayaan.”

Dhinaca kale, waxa madaxweynaha Somaliland ku soo dhaweeyay madaarka Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Shirgudoonka Golaha Wakiilada, Wasiirro, Xildhibaano iyo masuuliyiin ka tirsan Ha’yadaha dawlada. Waxaanu madaxweynuhu salaam sharaf kaga qaatay madaarka cutub ka tirsan ciidamada qalabka sida.

xuseen xarbi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com