Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ciidanka qaranka oo khasaare laxaadle u geystay maleeshiyo soo weerartay iyo xukuumadda oo ka hadashay dagaalkaas

Ciidanka qaranka oo khasaare laxaadle u geystay maleeshiyo soo weerartay iyo xukuumadda oo ka hadashay dagaalka

Hargeysa Wasiirka Gaashaan-dhiga Somaliland Md. Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa ka hadlay dagaal saaka waabarigii ka dhacay deegaanka Sool-joogto ee duleedka Buuhoodle kaasi oo ay maleeshiyo nabad diid ah ku soo qaadeen fadhiisimadii ciidanka qaranka.
Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda gaashaan-dhiga waxa uu sheegay inay ciidanka qaranku ay dhirbaaxo kulul ku dhufteen maleeshiyadii weerarka soo qaaday.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhiga Somaliland Md. Axmed Xaaji Cali Cadami, oo ka hadlay shirkaasi jaraa’id wuxuu yidhi “Dhacdo aanaan ku faraxsanayn ayaa xalay gelinkii dambe ka dhacday meesha la yidhaahdo Sool-joogto deegaankii ciidanka qaranku ku sugnaa, waan-waan ayaa socotay baaqii ugu dambeeyay markii uu Madaxweynuhu Addis-ababa qabanayay waa kii boodhka ka tumay ee is yidhi qaar ayaanay malaa rasaaladdu wali gaadhine’e waa kii baaqa nabadda ku dhawaaqay ee gogosha nabadda fidiyay. Sidaasi ayaa daliil u ah inay dawladda Somaliland ka go’an tahay nabaddu.”

Wasiirku wuxuu intaasi ku daray in ciidanka qaranku ay ka jawaabeen weerarkii lagu soo qaaday waxaanu yidhi “Iyadoo sidaasi la isku ogyahay waxa xalay abaaro 4:00 habeeninimo maleeshiyo gaadmo ku tallo galay ayaa ciidanka dhinaca dambe kaga yimid, wixii dagaal lahaan jiray iyo isla rafadkii iyo wixii dagaal lahaan jiray ayaa dhacay.dabadeedna waxa soo gaadhay ciidamadii ku dhawaa ee difaaca dambe ku jiray. Dabadeedna wuu is bedelay gaadmadii iyo wajigii dagaalku. Waxa markaasi bilaabmay dagaalkii dhabta ahaa ciidankuna waxay soo ceshadeen goobtii ay fadhiyeen waxaanay la soo noqdeen hub laga qabsaday waxaanay fogeeyeen maleeshiyadii soo duushay. Waxaanay hadda ciidanku qaranku fadhiyaan halkoodii.”

Wasiirka Gaashaan-dhiga oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Mar labaad ayay maleeshiyadii isa soo abaabushay abaarro 10:45 daqiiqo ayay ahayd dib ayaa mar labaad loo celiyay, dagaalkii wali wuu socdaa.anagu kuma faraxsanin dhimashada iyo dhaawucuba labada dhinacba waa xagayaga. Inta bandanna daacyada iyo baro-bagaandada kuma darno warkayaga.”

Md. Cadami waxa uu tilmaamay in ciidanka qaranku uu xaq u leeyahay inay is difaacaan, waxaanu xusay inay heegan ku jiraan oo isu soo gurmadeen.
Wasiirka oo la weydiiyay baaxadda khasaaraha dagaalka waxa uu sheegay inay jirto dhimasho iyo dhaawacba, waxaanu qiray in ciidanka qaranka ay ku dhaawacmeen 12 askari.

Wasiirka oo la weydiiyay inay jirto maamul xumo ciidanka qaranka soo waajahday oo dhabqisay dagaalka waxa uu yidhi “Waan sheegay saacada la isku soo guday, waan sheegay in dagaalku gaadmo ahaa ma jirto waxaas aad sheegaysaa. Waan ku arkaa aniguba suuqa ciidamo aanan garanayn ciday u shaqaynayaan oo aad is leedahay waxay doonayaan inay Somaliland jabto.waxay ciidankeenu xaq inoogu leeyihiin inaynu maskaxiyan u dhiiri gelino.”

waxa isna halkaasi goob joog ka ahaa Wasiirka Kalluumaysiga iyo khayraadka badda Md. Cabdilaahi Jaamac Cisman (Geel Jire)

Sidoo kale, warar xog ogaal ah oo aanu ka helay deegaanka Buuhoodle ayaa sheegaya in dhimashada maleeshiyaddii weerarka soo qaaday ay tahay 27 qof inta la xaqiijiyay dhaawacoodu gaadhayo illaa 27 qof. Warku waxa uu intaasi ku darayaa in ciidamadda qaranku gacanta ku soo dhigeen maxaabiis badan oo aan ilaa imika la shaacin.

Dhinaca ciidanka qaranka waxa la sheegay inay ka dhaawacmeen 12 askari isla markaana ay ka dhinteen 2 askari, halka laba baabuurna laga qabsaday.

Waxa kale oo wararkii u dambeeyay ee naga soo gaadhay magaalada Buuhoodle ay sheegayaan in ciidanka qaranku ay xiligan ku sugan yihiin duleedka magaalada Buuhoodle.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com