Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

(war deg deg ah)Ciidamada Somaliland Oo Caawa U Ruqaansaday Dhanka Magaalada Buhoodle Iyo Maleeshiyadii Weerarka Soo Qaaday Saaka Oo Isaga Baxay Halkaas.

Buhoodle  (maantasomaliland)Wararka imanayaa deegaanka Sooljoogta oo ka tirsan degmada Buhoodle, ayaa sheegaya in ciidamada Milatariga Somaliland   , ay u ruqaansadeen dhanka Magaalada Buhoodle oo ah xudunta kooxaha ciidamada weerarada gaadmada ah ku soo qaada ay ku sugan yihiin.maleeshiyooyin is baahaysday.

Ciidamadu waxa ay qorshaynayaan sidii ay si buuxda gacanta ugu dhigi lahaayeen Magaalada, isla markaana ay cagta u marin lahaayeen saldhigyada falaagada,  si meesha looga saaro weerarada gaadmada ah oo noqday kuwo joogta ah, waxaana la sheegay in ay galabta Magaalada ka caraabeen maleeshiyadii saaka ciidanka  soo hujuuntay.

 

Waxaana ay kooxdaas fooda saareen  dhanka Koonfur  Bari Buhoodle iyaga oo ku sii jeeda  dhulka Bariga gobolka Sool, gaar ahaan Tukaraq oo saldhig u ah  kooxo mucaarad ku ah Somaliland , kuwaasoo taageero ka helo maamul goboleedka Puntland,laakiin aan lahayn  awood ciidan  lahayn oo xoog leh.

Ruqaansiga ciiidamada ayaa ku soo beegmaya xilli Madaxweyne Siilaanyo sheegay in uu doonayo  in mushkilada Buhoodle, xal nabadeed lagu soo afjaro, isla markaana uu ka xun yahay dhimashada soo gaadhay dadka rayidka ah.

Iyada oo dhanka kale Garaadada beelaha dega Sool iyo Buhoodle ku baaqeen dagaal ka dhan ah Somaliland, iyaga oo aan tixgelin wada noolaanshaha ummada ku wada nool jidaas, isla markaana aan qaadan doorka hogaanka dhaqanka ee nabad raadinta

h.m.l

buuhoodle

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com