Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xukuumadda Somaliland oo ilaa saaka shir kaga jiray dagaalada ka soo cusboonaaday deegaanka Buuhoodle oo ay dib u bilaabeen Maleeshiyaadka reer Buuhoodle, ayaa la sheegay inay ka soo baxeen go’aamo lagu diirsan karo+sawir.

Hargeysa (maantasomaliland –  Xukuumadda Somaliland oo ilaa saaka shir kaga jiray dagaalada ka soo cusboonaaday deegaanka Buuhoodle oo ay dib u bilaabeen Maleeshiyaadka reer Buuhoodle, ayaa la sheegay inay ka soo baxeen go’aamo lagu diirsan karo.

Shirkan oo uu guddoominayey Madaxwayne ku xigeenka Somaliland, ahna ku simaha Madaxwaynaha Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo isaga iyo koox wasiiro ahi dagaalka hagayeen ayaa la sheegay inay go’aamiyeen in ciidamada qaranuku ay rasmi ahaan ula wareegaan gacan ku haynta Magaaladda Buuhoodle oo ah xaruunta ay iska soo abaabulaan maleeshiyaadku.

Sidoo kale, go’aanka ka soo baxay kulanka xukuumadda Somaliland ka yeelatay dagaalka maanta oo ahayn mid cusub balse ay hore u jireen dagaalo hore oo bilowgoodo ay masuul ka yihiin Maleeshiyaadka oo taageero ka helayo waxgaradka Dhulbahante ayaa la sheegay in la isula qaatay inaan dib loogu tudhin Maleeshiyaadka oo marka ay talaabo qaadaanba lagu dhufto dhirbaaxo culus isla-markaana maamulka deegaanada gobolka Sool ay la wareegayaan ciidamada qaranka.

Warku waxa uu intaa ku darayaa in saraakiisha ciidamada qaranka awood buuxda loo siiyay inay weerari karaan maleeshiyaadka la ogaado inay qorsheynayaan dagaalo ka dhan ah ciidamada qaranka oo iyaggu aan diyaar u ahayn inay dhibaato gaadhsiiyaan maatida reer Buuhoodle ee ay dabada galiyaan maleeshiyaadku marka ka yaacaan hubka ciidamada qaranku kaga jawaabaan rasaastooda.

Dhinaca kale, wararka laga helayo Buuhoodle ayaa sheegaya in ciidamada qaranku kaabiga ku hayaan Magaaladda Buuhoodle isla-markaana doonayaan inay gudaha u galaan si ay ula wareegaan.

rasna maxamed faarax

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com