Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

BARCELONA OO CAAWA Lagaga badiyay 2 and 1 + SAWIRO

Laba gool oo ay kala dhaliyeen Alex Bergantinos Iyo Joselu ayaa guul aan caadi aheyn Deportivo La Coruna ka siisay Barcelona oo marti u aheyd. Natiijadaan waxey ka dhigan tahay iney lumin karaan hogaanka horyaalka hadii ay Real Madrid gaarto guul kulankaay caawa la ciayareyso Real Betis.

Lionel Messi (left) walks off dejected as Deportivo's players embrace after taking the lead in the La Liga clash

Barcelona ayaa si awood leh ku bilaabatay kulanka inkastoo Luis Enrique uu keydka dhigay ciyaartoy muhiim ah sida Ivan Rakitic iyo Andreas Iniesta tiiyoo ay jirto in Neymar Junior uu seegay kulanka.Messi (right) and Co were a shadow of the side that pulled off one of their greatest European nights on Wednesday

Andrea Gomes ayaa u dhawaaday inuu hogaanka u dhiibo Barcelona daqiiqadii 29-aad ee ciyaarta markii uu si aan caadi aheyn dhulka u dhigay mid ka mid ah ciyaartoyda Deportivo, balse geesta ayuu mariyay.Javier Mascherano (left), Jordi Alba (second right) and Sergio Busquets watch on as Alex Bergantinos celebrates his winner

Sergi Roberto ayaa qasaariyay fursad qaali ah oo uu helay daqiiqadii 36-aad ee ciyaarta markii uu ka hortagay goolhayaha Deportivo balse si fiican ayaa looga badbaadiyay.Suarez (left) and his Barcelona team-mates congratulate each-other after making the perfect start after the break

Andre ter Stegen ayaa noqday geesi fiiacn daqiiqadii 39-aad markii uu kubad aan caadi aheyn oo “Volley” aheyd oo uu Joselu goolka Barcelona aadiyay, waxey aheyd badbaadin cajiib ah.

GOAL! Joselu ayaa hogaanka u dhiibay Depotivo La Coruna daqiiqad kadib markii laga badbaadiyay kuabdii halista aheyd, waxaana markaan uu ka faa’ideystay qalad ay si wadajir ah u sameeyeen Stegen iyo Masherano daqiiqadii 41-aad.

Stoke loanee Joselu (right) shoots to score after Marc-Andre ter Stegen (centre) had spilled the ball into his path

Qeybta hore ciyaarta ayaa so dhamaaday iyadoo Deportivo ay ku hogaamineyso 1-0, iyadoo Barcelona ay ku guuldareysatay iney shabaqa soo taabtaan.

Qeybtii labaad ayaa la isku soo laabtay iyadoo labada kooxood aysan wa isbadal ah sameynin, Barcelona ayaana si dar-dar leh ku bilaabatay.Joselu (centre) wheels away after breaking the deadlock as Javier Mascherano sits dejected following his poor clearance

GOAL! Luis Suarez ayaa barbaro u keenay Barcelona daqiiqadii 47-aad ee ciyaarta isagoo ka faa’ideystay kubad loo soo dhigay meel wanaagsan isagoo ku sugan xerada ganaaxa, daafaca Deportivo ayaana ku fashilmay iney fashiliyaan isku dayga wiilka reer Uruguay.

Ciyaartoyda Deportivo ayaa jawaab ka bixiyay goolkii Suarez – Joselu ayaana kubad banaanka soo dhigay inkastoo uusan waqtigii la rabay ku imaan Gil, hadana Gama ayaa si aan caadi aheyn kubadda goosha u aadiyay inkastoo ay xidig Barceona kusii dhacday hadana garsoorka wuxuu dhigay goolka daqiiqadii 52-aad.

GOAL! Alex Bergantinos ayaa hogaanka u dhiibay Depirtuvo La Corun wuxuuna si awood leh uga dul booday Jordi Alba ka hor inta uusan kubada shabaqa dhex dhigin daqiiqadi 74-aad.

Luis Suarez ayaa ku dhawaaday inuu barbaro u keeno Barcelona daqiiqadii 79-aad ee ciyaarta balse isku daygiisii waxaa gabgabeeyay oo si aan caadi aheyn u badbaadiyay goolhaye Lux.

Deportivo ayaa u dhawaatay waqtigii dhimashada iney gool sadexaad dhaliyaan markii sadex ka mid ah ciyaartoyda ay yimaadeen xariiqda ganaaxa balse Stegen ayaa si fiican u badbaadiyay ka hor inta uusan mar kale soo badbaadin Jordi Alba.

Natiijada ciyaarta ayaana ugu dambeyn kusoo dhamaatay 2-1 oo ay ku adkaadeen Deportivo La Coruna, kadib soo noqoshadii Camp Nou – Barcelona haatan waxey qarka u saaran tahay iney lumiso hogaanka La Liga – waxeyna lumin doontaa hadii Real Madrid ay caawa garaacdo Real Betis iyadoo waliba sii heysata kulan baaqi ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com