Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka DALSAN Ismaaciil Aadan Cismaan ( Ismaaciil Yare) ayaa si kulul u weeraray Guddoomiyaha urur siyaasadeedka UMMADDA Dr. Maxamed Cabdi Yuusuf (Gaboose) oo uu ku tilmaamay nin dhaqan kale wata oo aan reer Mudug ah+sawir.

Ismaaciil Yare oo si kulul u weeraray shakhsiyadda Dr. Gaboose

February 10th, 2012 Comments Off

Hargeysa (maantSomaliland.com)- Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka DALSAN Ismaaciil Aadan Cismaan ( Ismaaciil Yare) ayaa si kulul u weeraray Guddoomiyaha urur siyaasadeedka UMMADDA Dr. Maxamed Cabdi Yuusuf (Gaboose) oo uu ku tilmaamay nin dhaqan kale wata oo aan reer Mudug ah.

Ismaaciil Yare waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi uu siiyay weriye C/Casiis Maydhax, waxa kale oo uu ka hadlay dagaalka Buuhoodle.

Ismaaciil Aadan Cismaan oo ka hadlayay Dr. Gaboose wuxuu yidhi “Horta Gaboose Isku Luuqad ma nihin Somaligana waanu ku wada hadalaa,oo waa Nin Reer Mudug ah isku dhaqana ma nihin waayo halka aanu ku soo kala koray iyo dabeecada ayaanaan shaqaba iskaga lahayn. anigu malihi maaha Muwadin reer Somaliland ah ee wuu yahay. laakiin meel kale ayuu ku soo koray oo uu ku barbaaray oo dhaqankeenii mid aan ahayn meel kale ka soo qaatay.”

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxa ugu weyn ee aan ku kala duwan nahay waxa weeyaan, Anigu waxaan jooga halkii aan ku dhashay ee aan ku barbaaray oo anigu dadka iyo dalkaba waan uga aqoon badan nahay,waayo haddii aad halkaad ku dhalatay Ilaa maanta ka shaqayso iyo qofka isagu yimid ee meel kale ku barbaaray isku mid maaha.”

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inuu ka xun yahay midhihii shirkii Taleex waxaanu yidhi “Waxaan leeyahay Shirkii Taleex ee xukuumaddu ogolaatay Caano daatayba Dabadood la qabay ayay Soomaalidu tidhaah-daaye Madaxwayne Arrintasi si khalad ah ayay u dhacday haddii markii horeba aad ogolaateen oo aad islahaydeen waxa ka soo bixi wax Somaliland taageera oo gacansiinaya ayaa ka soo bixi hadii aad islahaydeen wax ka duwan ayaa ka soo baxay.”

Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka DALSAN wuxuu sheegay inuu ka xun yahay dagaalada ka dhacay jiida Buuhoodle, waxaanu tilmaamay inay labada dhinacba yihiin reer Somaliland, waxaanu yidhi “Dhibaatada iyo dagaalada ka dhacay Buuhoodleh waxay dadku iswaydiiyan Ismisaa xagana iyo misaa xagaas ah waxaan leeyahay labada dhinacba waa reer Somaliland. Waxaan tacsiyadeynayaa ciidanka qaranka askartii ka dhimatay. Dhinaca reer Buuhoodlena waan tacsiyadeynayaa.”

xuseen xarbi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com