Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Badhasaabka Gobolka Saaxil Oo Lagu Xidhay Maraykanka Ka Dib Markii Looga Shakiyay Inuu Xidhiidh Toosa La Leeyahay Alshabaab, Laguna Qabtay Lacag Dhan $75,000 Iyo Jeeg Ay Ku Qoran Tahay $430,000 haatana uu ku xidhanyahay mudo laba malmood ah

 

maantasomaliland) Waxa bishan anynu ku jirno Saddexdeedii ka soo dagay magalada Toleedo ee gobolkan Ohaayo ee carigan mareykanka Gudoomiyaha amaba badhasaabka Gobolka Saaxil ee somaliland Maxamuud Cali hayste oo lagu magacaabo Ramaax. Ka dib markuu soo galay kastamka garoonka diyaaradaha ee magalada toleedo oo ah magaaladuu ku noolaa intaanu noqon Gudoomiyaha, walina ay ku nool yihiin reerkiisu ayaa baadhis lagu sameeyay ka dib isagoo looga shakiyaya in uu xidhiidh qarsoodiya la leeyahay kooxda xad jirka ah ee ka dagaalanta somaliya ee la yidhaahdo al-shabaab.

Markii su´aalo badan la waydiiyay, ayaa waxa laga helay lacag dhan 75,000 kun oo ah doolarka mareykanak iyo jeeg ay ku qorantahay lacag dhan 430,000 oo ah doolarka mareykanaka jeegaas oo ka yimi xawaalada Dahabshiil kuna qoran in loo soo qoray Gudoomiye ramaax isagoo u sheegay kastamkii mareykanka kolkii la waydiiyay xageed lacagta ka keentay oo yidhi dhul aan ku lahaa magalada la yidhaahdo berbera ee somalia ayaan ka iibiyay mulkiilaha dahabshiil.

Ilo wareedyo aanu warkan ka helnay ayaa noo xajiijiyay in Gudoomiye Maxmuud cali hayste loo kaxeeyey boolis station halkaana uu ku xidhnaa mudo gaadhaysa laba malmood oo la soo daayay maalintii isniinta ee ay bishu ahayd 6da. warkaasi waxaa uu intaas ku darayaa in Gudoomiye ramaax uu soo damiinatay xawaalada dahabshiil ee magaladan columbus ee gobolkan oohaayo, halkaas oo laga dhigay lacag badan oo aan xadigeeda la sheegin , lacagtii uu watay Gudoomiye ramaaxna laga reebay oo ay gacanta ugu jirto waxda kustamka iyo home land secuuritiga oo laga yaabo in ay lacagtaasi ku danbeyso gacanta dawlada mareykanaka.

Wararku waxay intaasi ku daranyaan in Gudoomiye ramaax loo qabtay maxkamad.. Wax kaloo wararku intaasi ku darayaan in ay dhaawac wayn u soo jiidan doonto reerkiisa oo ku nool magalada toleedo oo halkaas ku jooga qaxootinimo, dawalda mareykankuna ay ka bixiso aqalka iyo lacagta caydha oo ay halkaasi ka qaataan ayaa laga yaabaa in laga joojiyo lacagta caydha aqalkana la saaro.

Ilo wareedaydaasi waxay intaasi ku darayaan in uu ahaa Gudoomiye Maxamuud cali hayste kuwa ugu cadcad badhisaabada somaliliand gaar ahaan isagoo la sheegay in uu awood buuxda ka haysto Marwada kowaad oo uu si fiican uga shaqeeyay kala qaybinta reerka uu ka soo jeedo oo dhowaan shir ku qabsaday meesha la yidhaahdo dubur oo uu isagu diidanaa in reerku shir qabsado oo uu mid doc wareen ah ka agfuray.

warkan waxaan ku soo xidhayaa colkiina wadankii u tagay in ay soo boobaan ee ka tagay dibadaha ogaada cadkaad ka soo qaadaan waa mid xaaran ah oo aan meel ku gaadhsiinayn ee shicibka baahan ama wax u qabo amaba adigoo mahadsan dadka ka daaya dhicida aad soo qaadanaysaan xoolahoodii ee ula soo baxaysaan dibadaha waxaa iyana dhowaan ayanu maqlaynay wasiirka macadantiyo biyaha ayaa lacag ku shubtay akaan uu iska leeyahay ilaayo uu soo qabtay mujaahid maxamed xaashi , waxaan leeyahay mujaahid maxamed xaashi iyo hanti dhowrkaba waa in lala xisaabtamaa kolka uu soo noqdo gudoomiye maxamuud cali haytste, waa haddii uu soo noqdee.
waxaan leeyahay guul iyo gobanimo waxa iska leh somaliland.

rasna maxamed faarax

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com