Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Dadweynaha ku nool Magaalada caasimada u ah Somaliland ee Hargeysa, ayaa aragtiyo kala duwan ka muujiyay xilka ka qaadistii uu maalintii shalay awooda kaga qaaday Madaxweyne Siilaanyo taliyihii hore ee ciidanka Milatariga Somaliland Maxamed Cabdilaahi Xasan (Jidhif) , waxaana ay u sababeeyeen siyaabo kala gedisan,

 

 

Hargeysa (maantasomaliland)Dadweynaha ku nool Magaalada caasimada u ah Somaliland ee Hargeysa, ayaa  aragtiyo kala duwan ka muujiyay xilka ka qaadistii uu maalintii shalay awooda kaga qaaday Madaxweyne Siilaanyo  taliyihii hore ee ciidanka Milatariga Somaliland Maxamed Cabdilaahi Xasan (Jidhif) , waxaana ay  u sababeeyeen siyaabo kala gedisan,

Qaar ka mida dadweynaha reer Hargeysa oo maanta shabakeda wararka ee Ramaasnews wax ka  waydiisay  aragtidooda la xidhiidha xilka ka qaadiistii  taliyaha, ayaa intooda badan oo ay arrintaas ku tilmaameen tallaabo guracan oo maamulka talada  hayaa  uu ku wiiqayo awooda ciidamada oo mushkilado ka haystaan sidii ay u gaadhi lahaayeen xuduuda dalka.

“ Haddaan ka hadlo xilka laga qaaday  taliyaha , anigu shakhsi ahaan waxa aan u arkaa in tahay wax laga xumaado , oo aan loo baahnayn,  waayo dee marka ciidan dagaal ku jiro haddii saraakiisha ciidankaas xilalka laga qaado, taasoo micnaheedu waxa weeyaan in aad guuldaraysatay oo lagu jabiyay, walaahi xam-xam yarna suuqa waa ku jirtay oo warbaahinta nimankaas ciidankeena la dagaalamayaa waa kuwii lahaa Somaliland ciidankeeda waanu laynay, saw taas isku cadaynay maaha , Allow ayaa ogaada waxa ay maanta qorayaan” ayuu yidhi Siciid Axmed Nuur.

“ Jidhifka uu yidhi Siilaanyo (Madaxweynuhu) waan eryay, waa ninkii maalintii Daahir Rayaale  lagu mudaharaadayay  dirayska u  xidhay in uu  u dagaalamo, maalintii ciidanka loo dhiibayna weerarka ku qaaday Buhoodle ee weliba seexday habeen geesinimadiisa, garan waayay wadanka halka lagu wado , tollow miyaa la ina rogayaa? Waxani wax ka wayne wixii ninka Xirsi la yidhaahdaa uu soo jeediyo ayuunbaa shaqaynaya, taasina waa wixii Siyaad Barre oo ka wood badan Axmed Siilaanyo riday” sidaas waxa tidhi Sahra Maxamuud Ismaaciil.

“ Ninka la caydhiyay hadduu dadka raiydka laynayay dee looma baahnayn , hore ayay reer Buhoodle u yidhaadheen waa lana xasuuqay, waxaan qabaa in ay sax ahayd in shaqada laga qaadoo cid kale loo dhiibo, Madaxweynuhu isagaa go’aanka leh” ayuu yidhi  Cabisamad Axmed.

“ Maxaa loo   odhan taliyuu shaqada ka eryay odaygu isagaaba  khalaasee oo shaqada in uu ka , fadhiisto u baahane, talana gacanta uguma jirto , oo waa ka sidaas samaynaya. Fahma dadoow waxa sidan yeelayaa  waa dumar Madaxtooyada ka taliya  iyo Xirsi ( wasiirka Madaxtooyada). Ilaahay ha badbaadiyo Somaliland jarbay ka lulataaye” ayay tidhi Khadan Cali Maxamed.

“Maalin walba yaan la odhan Siilaanyo sidan wada ee walaalayaal aynu dalkeena jeclaano oo haddii xukuumadu khaldanto, yaan la is wada daba yaacin oo bahasha cagta ha loo dhigo dalkan yari waa  dhaako dhaako , oo si yar baa loo burburin karaa Madaxweynuhu wuu khaldan yahay oo la arkaa waxa uu ku dhaqaaqayo mar  kasta” ayuu yidhi Cabdalle  Khadar Jaamac.

Tallaabada uu Madaxweyne Siilaanyo shaqada kaga caydhiyay  Maxamed Cabdilaahi Jidhif, ayaan war-saaxafeedkii shalay galab Madaxtooyada laga soo saaray lagu cadayn, iyada oo  Madaxwenynaha  ay shaki ku abuurtay awooda iyo saamayna taliyuhu ku yeeshay ciidamada muddadii gaabnayd oo uu xilka hayay oo ka yar laba bilood.

xuseen xarbi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com