Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Dawlada Jabuuti ayaa Muddooyinkan danbe ku hawlan Qorshe ay ku Wiiqayso Wadajirka iyo Madaxbanaanida Qaranimada Somaliland taasi oo doonaysa in ay kala qoqobto Beelaha Somaliland ku dhaqan guud ahaanba, Madaxwaynaha Dawlada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Gogol u fidiyay Beelaha Somaliland ee ku dhaqan Gobolka Awdal Guud ahaaba kuwaasi oo la doonayo in ogolaadaan Heshiis dhex mara Beelihii khilaafku ku dhex maray Caleemo saarka Ugaaska Beeshaasi Ugaas Cabdirashid Ugaas Rooble Ugaas Doodi. +sawir

 
Jabuuti (maantasomaliland)- Dawlada Jabuuti ayaa Muddooyinkan danbe ku hawlan Qorshe ay ku Wiiqayso Wadajirka iyo Madaxbanaanida Qaranimada Somaliland taasi oo doonaysa in ay kala qoqobto Beelaha Somaliland ku dhaqan guud ahaanba, Madaxwaynaha Dawlada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Gogol u fidiyay Beelaha Somaliland ee ku dhaqan Gobolka Awdal Guud ahaaba kuwaasi oo la doonayo in ogolaadaan Heshiis dhex mara Beelihii khilaafku ku dhex maray Caleemo saarka Ugaaska Beeshaasi Ugaas Cabdirashid Ugaas Rooble Ugaas Doodi.

Ilo Xogogaal ah oo Wargeyska Caalami ka helay Dalka jabuuti ayaa Sheegay in Heshiiskaasi ay goobjoog ka ahaan doonaan Garaadaddii soo dhisay Khaatumo State kuwaasi oo Casuumad Rasmi ah ka helay Madaxwaynaha jabuuti ka dib markii ay ka soo guryo noqdeen Magaalada Dhagax-buur oo ay kaga qayb galeen Caleemo-Saarkii Ugaaska Beesha Absame ee Dalka itoobiya.
Wararku waxay intaasi ku Darayaa in Dawlada jabuuti Dhiiri galinayso sidii loo Midayn lahaa Maamul Goboleedyo Somaliland Dhexdeeda ka dhisan oo ay ku jiraan Maamulkii dhawaan lagaga Dhawaaqay Degmada Taleex ee Khaatumo Seeg iyo Maamulka Dibada Wareega ah ee Awdal State oo la doonayo in la balaadhiyo isla markaana laga Maal galiyo Gudaha Dalka jabuuti iyada la samaynayo iskaashi balaadhan oo ay ku midoobaan Beelaha Gobolladda Awdal iyo Salal, isla markaana dib u habayn loogu sameeyo Maamulka Awdal state oo Ay Awood qaybsi midaysan yeeshaan Beelahaasi.
Xukuumada Jabuuti ayaa Qorshaysay in Dhawaan dib loogu Caleemo saaro Magaalada Jabuuti Ugaas Cabdirashid Ugaas Rooble Ugaas Doodi iyada oo ay u dhanyihiin Dhamaan Beelaha Samaroon, Warku waxa uu intaasi ku darayaa in Ugaas Doodi lagu Caleemo Saari doono mar kale Xaafada Xaaji Diide ee Karteega labaad ee Magaalada Jabuuti.
Ismaaciil Cumar Geelle ayaa La sheegay in Qorshani uu Muddo Badan ka soo Shaqaynayay taasi oo maanta uu doonayo inuu kaga Faa,iidaysto Shaqaaqiynka ka jira Gudaha Somaliland iyo Maamulada Somaliland diidka ah ee garabka Raadinaya, Madaxwayne Geelle ayaa la sheegay in Caleemo saarka Ugaaska ku Casuumi doono Maamulka Awdal state oo uu Doonayo in Beeshiisu Awood qaybsi la yeelato.
Dhinaca kale Madaxwaynaha Jabuuti ayaa taariikhdu maray ahayd 06-02-2012 kulan khaas ah ku Qaabilay Ra,iisal Wasaaraha Dawlada ku meelgaadhka ah ee somaliya Cabdi Wali Maxamed Cali, kulankaasi oo uu goob joog ka haa Safiirka Jabuuti uqaabilsan Dalka Somaliya Dayib dubad Rooble, Warar xogogaal ah Wargeyska Caalami ka helay shirkaasi ayaa Sheegay in Madawayne Geelle ku dhiiri galiyay Raysal wasaaraha somaliya inay ku fara adaygaan Midnimada Somali Wayn, Cadaadis Xooganna Saaraan Dawlada Somaliland si,aanay jaanis faa,iido uleh uga helin Shirka Dhawaan lagu Qabanayo Magaalada London ee Dalka ingiriiska, wararku waxa ay intaasi ku darayaan in Mr.Geelle kulan la yeeshay Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Galmudug iyo Wafti uu hogaaminayay kuwaasi oo wararku sheegayaan in ay ka wada hadleen sidii Somaliland Cadaadis xoogan loo saari lahaa marka la tago Shirka London, si,aanay Qadiyada madax banaanideeda usoo bandhigin.
Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa U Xuub siibtay sidii loo Wiiqi lahaa Qaranimada iyo jirintaanka Somaliland isla markaana Siyaasad Dadban kula dhaqmaya Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo oo inta Badan ku Andacoota inay Saaxiibtinimo dhaw leeyihiin balse ay taasi dhawaan soo afjarmi doonto marka ay si cad u soo shaacbaxdo Cadaawada Dawalda jabuuti kula dhaqmayso Somaliland.

Maaha markii ugu horaysay ee Xukuumada Jabuuti Heshiis kaga Baxdo Somaliland balse waxaa iyana Dhawaan la diiday in Dalka jabuuti lagu Galo Baasaaboorka Somaliland isla markaana lagu dhufto Shaabada Galitaanka Dalkaasi iyadda oo Dadka ku taga Baasaaboorka Somaliland dalka jabuuti lagaga Reebo Madaarka illaa iyo inta uu ka soo laabanayo, Heshiiskaasi ay hore iskula meel dhigeen Xukuumadii daahir rayaale iyo Xukuumada Geelle, Waxaa kale oo iyana jiray Safiir ay sheegeen inay usoo magacaabi doonaan Dalka Somaliland oo iyana beenawday isla markiibana Dawlada Taagta Daran ay umagacaabeen Dawlada Taagta daran ee Sh.Shariif Danjire u gaar ah.

muuse jaamac

jabuuti

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com