Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Gudida Diiwaan-gelinta Ururada Oo socdaalo qiimayn ah ugu kicitimaya gobolada dalka daawo sawirada xubnaha gudida

 

SHargeysa (maantasomaliland.com)- Gudoomiyaha Gudida diiwaangelinta iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka Mudane C/risaaq Jaamac Cumar ayaa maanta sheegay in laba wefti oo ka tirsan gudidani ay maalinta beri ah socdaal shaqo ugu ambo bixi doonaan Gobolada Galbeedka iyo Bariga dalka.

Gudoomiyaha Gudida Diiwaan-gelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka oo maanta u waramayay qaar ka mid ah warbaahinta waxa uu ujeedada kormeerka labadan wefti ku sheegay inay qiimayn buuxda ku soo samayn doonaan sida ay ururadii is diiwaan-geliyay ay xafiisyadoodii uga furteen gobolada iyo degmooyinka dalka.

Waxa kale oo uu gudoomiyuhu xusay inay u dhabo geli doonaan qaabka uu urur kastaa laamihiisa heer gobol iyo mid degmo u shaqaynayo.

Mudane C/risaaq Jaamac Cumar waxa uu ka dalbaday mas’uuliyiinta ururada siyaasada ee gobolada in laga helo xafiisyadooda mudada ay kormeerka ku jiraan si ay xog warano ula yeeshaan kuwaas oo dhamaantood ku xusan xeerka nidaamka furashada ururada siyaasada.

Socdaalkan ayaa noqonaya kii kowaad ee gudida diiwaangelinta ururada siyaasada iyo ansixinta xisbiyada qaranku ay ugu ambo baxaan gobolada dalka tan iyo intii loo magacaabay xilka iyo waajibaadka culus ee ay qarankan u hayaan.

xuseen xarbi

maantasomaliland.com/hargaysa

25224052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com