Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

-Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo Ku-simaha guddoomiyaha Xisbiga UDUB ahna guddoomiye Xisbigeenka Xisbigaasi Md. Axmed Yuusuf Yaasin ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyey Tuulada Karin oo ku taala Afka Buurta Daallo ee Magaalada Ceerigaabo.iyada oo loo galbiyey Xafiiska Xisbiga.sida uu warkan noogu soo diray Weriye Mustafe Cabdi Maxamed (Janaale) oo la socda weftigaasi daawo sawirda waftiga .

Ceerigaabo (maantSomaliland.com):-Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo Ku-simaha guddoomiyaha Xisbiga UDUB ahna guddoomiye Xisbigeenka Xisbigaasi Md. Axmed Yuusuf Yaasin ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyey Tuulada Karin oo ku taala Afka Buurta Daallo ee Magaalada Ceerigaabo.iyada oo loo galbiyey Xafiiska Xisbiga.sida uu warkan noogu soo diray Weriye Mustafe Cabdi Maxamed (Janaale) oo la socda weftigaasi.

Weftigan oo ka kooban,Wasiirkii hore ee Wasaarada Waxbarashada Somaliland Md.Xasan Xaaji Cabdilaahi (Xasan Gadhweyne),Wasiirkii hore ee Wasaarada Ciyaaraha Md.Maxamuud Siciid Maxamed,Badhasaabkii hore ee Gobolka Maroodijeex Maxamuud Cabdi Daa’ud,Guddoomiyaha Abaabulka iyo wacyigelinta Xisbiga UDUB Maxamuud Cabdi Mallow,Xubno ka mid ah Golaha dhexe ee Xisbiga UDUB,iyo guddida fulinta ee Xisbigaasi,kumanaan ka mid ah taageerayaasha Xisbiga UDUB ee Gobolka Ceerigaabo, Haween hidaha iyo dhaqanka iyo marti sharaf kale.

Weftigan ayaa waxa kaga hortagay duleedka Karin kumanaan ka mid ah taageerayaasha Xisbiga UDUB oo ku dhawaaqayey ereyo ay ka mid yihiin “Soo dhawoow waanu ku tabnaye, iyo ereyo kale oo soo dhaweyna iyo noocyada kala duwan ee gadiidka,kuwaas oo calaamada Xisbiga UDUB ku hareeraha kaga dhajisan tahay.
Guddoomiyaha abaabulka iyo Wacyigelinta ee Xisbiga UDUB Maxamuud Cabdi Mallow oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu uga mahadceliyey taageerayaasha Xisbiga UDUB sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen,isla markaana waxa uu ku dooday inay weftigoodu u socdeen sidii ay Xisbigooda boodhka uga tumi lahaayeen,oo ay isugu diyaarin lahaayeen doorashada Golayaasha Deegaanka ee fooda inagu soo haysa.”
< Guddoomiyaha Xisbiga UDUB ee Gobolka Sanaag Md.Cabdiraxmaan Ismaaciil Maxamed (Naruuro) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Md. Axmed Yuusuf Yaasin waxaan ku leeyahay ku soo dhawoow Magaalada Ceerigaabo oo ay diyaar kugu yihiin dadkii aad horeba ugu ahayd Madaxweyne Kuxigeenka, way ku soo dhaweynayaan, waxaana idiin markhaati ah indhihiina sida la idiin soo dhaweeyey
Wasiirkii hore ee Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Md.Maxamuud Siciid Maxamed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu u mahad-celiyey taageerayaasha Xisbiga UDUB iyo dadweynaha sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen.

“Aad iyo aad ayaan idinka mahad-celinaynaa sida qiimaha iyo milgaha leh ee aad noo soo dhaweyseen, waxaan leenahay ILAAHAY ha idinka abaal-mariyo.”.Ayuu yidhi Maxamuud Siciid Maxamed.
Ku-simaha guddoomiyaha Xisbiga UDUB ahna guddoomiye kuxigeenka Xisbiga Md.Axmed Yuusuf Yaasin ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi“UDUB ha noolaato, ha jirto,ILAAHAY ha soo celiyo, dabcan markaanu olole UDUB qaadayno waxay ka bilaabanta Ceerigaabo, sababta o ah waa dhulkii awoowyaasha sidaasanan u dooranay,haday UDUB kacayso inay ka soo kacdo sanaag oo ay u socoto Galbeed, taasna waxaad dheertihiin gobolada kale.Aadna waan idinka mahad-celinaynaa soo dhaweyntiina diiraan ee aan lagu aqoonin gobolada kale.”

“Haddaan ka waramo safarkan aan u soo kicitimay waa laba arrimood,waad og-tihiin in la furey ururo fara baddan, waad og tihiin inay doorashadii Golayaasha deegaanku soo gashay, labada shay ayaanu ololaha ugu jirnaa,inuu Xisbigii (UDUB) dib u soo noqdo oo uu noqdo Xisbi bahweyna oo tamariya boqolaal sanadood, inuu doorto Xildhibaanadii deegaanka oo ah kuwa soo saaraya Xisbiga,…Waxaan doonaynaa xubnaha deegaanka ee Xisbiga UDUB soo xulanayso inay noqdaan niman hormooda oo ah hormoodkii Sanaag waana kuwa qaadaya Xisbiga sheekada u weyni waa intaas ee aan maanta u soo baxnay in Xisbigii la qabyo tiro, in golihiisi dhexe la qabyo tiro in la qabyo tiro wixii ka dhiman oodhan oo hore loo waddo,”.Ayuu yidhi Madaxweyne Kuxigeenkii hore ee Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasin.

“Sadexdii Xisbi waxa lagu furey 15-Urur,waxaan leeyahay reer Ceerigaabo sanadkan waxba ha iska hagranina, sidii ay UDUB ugu soo noqon lahayd Saxaada ee ay uga qeybgeli lahayd tartanka dambe.Xisbiga UDUB Muddo dheer ayuu soo hogaaminayey waddanka,wakhtigaas laguma hungoobin gasiinkuna ma go’in,.Xisbiga UDUB waxa uu ahaa kii nabadgelyada waddanka soo celiyey,waxa uu ahaa kii beelaha heshiisiiyey, xisbiga UDUB waxa uu rajeynayaa inuu dib u soo noqdo, waxa uu rajeynayaa inuu mar danbe hogaamiyo dalka”.Ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasin.

Md.Axmed Yuusuf Yaasin waxa uu ku dooday inuu Xisbiga UDUB Ka kooban yahay Galbeed ilaa Barri, isaga oo ku tilmaamay inaanu ahayn Xisbi uu qof sameystey,balse Xisbi loo dhan yahay oo ay bahweynta UDUB wada leedahay.“Waa Xisbi ka kooban umaddaha bahoobay ee waddanka oodhan,Xisbiga UDUB waakii ciidanka qaranka halka uu imika taagan yahay gaadhsiiyey, Xisbiga UDUB waakii Somaliland adduunyada kale kala mid dhigay, Inshaa Allaahu wuu soo noqon doona oo waxa uu Aayi doona kuwa dhabarkiina ku jira,waana Xisbi loo siman-yahay oo uu kolba ninkii jooga uu hagayo, shalay waxa hagayey Samaroon,maanta waxa hagi doona Bariga ama ciddii loo doorto.”

Ku-simaha guddoomiyaha Xisbiga UDUB ahna Guddoomiye Kuxigeenkii hore ee Xisbigaasi Md. Axmed Yuusuf Yaasin oo ka hadlayey masuuliyiintoodi hore ee Xilalka hayey ayaa waxa uu yidhi “Haddii aanu muddo soo hagaynay inaanu dib u fadhiisano,oo aan noqono nus-danbeedka…Tusaale ahaan haddii kubad la ciyaaro oo ay jiraan naadiyo fara baddan oo qaar ka mid ahi guul-dareysto waxa uu soo qaata hormood dhalinyaro ah oo kubadda ku hubsada goolka waa la hayaa waanu imanayaa”
“Hadaba maxaa laga rabaa ceerigaabo?Waxaanu idinkana idinka rabnaa dhalinyaro adag, dhalinyaro aqoon leh, dhalinyaro wax soo saari karta, dhalinyaro la dooran karo oo wax yaqaana oo karaamo leh oo ay dadku wataan”.Ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasin.

Xisbiga UDUB ayaa waxa uu hore u soo marey Gobolka Saaxil ee Magaalada Berbera isaga oo uga sii gudbi doona Gobolada kale.

wariye musdafe janaale

ceerigaabo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com