Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka wasaaradda arimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo maanta hortagay golaha wakiiladda Somaliland ayaa mid mid uga sheekeeyay Marxaladaha adag ee wasaaradiisa soo waajahay inta uu xilka wasaaraddaasi hayey. Wasiirka Wasaaradda arimaha guduhu waxa uu sheegay in dhibaatooyinka dalka ka dhacay tan iyo intii uu xilka hayey ay ugu waaweynaayeen shaqaaqadii dadku ku dhinteen ee ka dhacday gudaha Magaaladda Ceerigaabo iyo dagaalka sokeeye ee hadda ka taagan deegaanada Buuhoodle, taasi oo uu sheegay in wada hadal lagu xalinayo.

Hargeysa (maantasomaliland.com)  – Wasiirka wasaaradda arimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo maanta hortagay golaha wakiiladda Somaliland ayaa mid mid uga sheekeeyay Marxaladaha adag ee wasaaradiisa soo waajahay inta uu xilka wasaaraddaasi hayey.

Wasiirka Wasaaradda arimaha guduhu waxa uu sheegay in dhibaatooyinka dalka ka dhacay tan iyo intii uu xilka hayey ay ugu waaweynaayeen shaqaaqadii dadku ku dhinteen ee ka dhacday gudaha Magaaladda Ceerigaabo iyo dagaalka sokeeye ee hadda ka taagan deegaanada Buuhoodle, taasi oo uu sheegay in wada hadal lagu xalinayo.

Maxamed Nuur Carraale (Duur) waxa uu sheegay inaanu jirin dal adduunka ah oo nabadgalyadiisu boqolkiiba boqol tahay, shaqaaqooyinka hadda dalka ka taagana ay yihiin kuwo fudud oo dhawaan la soo afjari doono “Markaan ka hadlo shaqaaqooyinkii ka dhacay dalka tan iyo intii aan xilka hayay waxa ka mid ahaa magaaladda Ceerigaabo oo ay ka dhaceen xoogaa is ka hor imaadyo ah taasi oo ay sababeen xaaladdo mudooyin badan soo rafanayay,  balse waxa aanu ku guulaysanay inaanu ka galno dhex dhexaadin sidii loo dhamayn lahaa waxyaabaha ay kala tabanayaan deegaankaasi” ayuu yidhi Md Duur waxaanu intaa ku daray “Deegaanka Seemaal oo iyana ay ka dhaceen xoogaa shaqaaqooyin ah taasi oo keentay in beelaha deeegaankaasi ay isku hub urursadaan,  balse xukuumaddu ay ka hawl gashay sidii xal looga gaadhi lahaa waxaana laga gaadhay xal nabadeed oo dadkii lagu aanaynayay falkii ka dhacay deegaankaasi waxay isugu jiraan dad la qabtay iyo dad maqan.”

Wasiirku waxa uu sheegay in dadkii ka dambeeyay dadkii lagu laayey Seemaal sharciga la horgeyn doono “Waxaanu ku rajo weynahay inaanu horkeeno maxkamadda dadkii falkaa loo aanaynayay ee deegaanka Seemaal.”ayuu yidhi Wasiirka Daakhligu waxaanu intaa ku daray isaga oo ka faaloonaya xaalada guud dalku wakhtigan marayo “Xaaladda guud ee dalka marka aynu maanta eegno waxaan odhan karaa dalku waxa uu ku sugan yahay nabad marka laga reebo deegaanka Buuhoodle oo xoogaa shaqaaqo ahi ka taagan tahay, Taasna waxaan odhan karaa ma jiro wadan caalamka boqolkiiba boqol nabad ah”

Wasiirka Daakhiligu waxa shaqaaqooyinka deegaanada Buuhoodle ku tilmaamay inay yihiin kuwii ugu cuslaa ee soo mara dalka intii uu xilka Wasaaaradaasi hayey “Deegaanadda Sool iyo Buuhoodle oo ay iminka ka taagan tahay xaaladda ugu culus ee iska hor imaadka sababay, una dhaxeeyay ciidmadda qaranka iyo maleeshiyo deegaankaas ka soo jeeda waxaanu rajeynaynaa in ay xaaladaasi ku dhamaan doonto wada hadal oo aanu jirin wax qori caaraddii lagu dhamaynaayaa” ayuu yidhi Dr Duur waxaanu intaasi sii raaciyey inay doonayaan inay 500 oo dhalinyaro ah qoraan boolisnimo, isaga oo tilmaamay in hubkooda, direyskooda iyo guud ahaan agabkooda ciidan-nimo ay dawladu damaanad qaadayso “Waxa aanu ku rajo-weynahay inaanu 500 oo dhalinyaro ah aanu Ciidan Boolis ah qorno,  kuwaas oo aanu ku xidhayn shuruudaha askariga cusub lagu xidho, kuwaas oo ah inuu keeno qori,  direys iyo wax la mid ah, balse anagu xukuumad ahaan aanu ka bixin doono jeebkayga”

Wasiirka guduhu waxa uu sheegay in dhalinyarada boolisnimada la qorayaa ay noqon doonaan kuwo qaban doono shaqadii askarinimo iyo kuwo sarkaalnimo loo tababari doono “500 ee  dhalinyaradda ahi ee booliska loo qaadanayaa waxay u kala bixi doonaan qaar qabta shaqaddii askaranimo iyo qaar loo tababaro saraaakiil.” Ayuu yidhi waxaanu intaa sii raaciyey “Waxaana jirra inaan qoray waraaqo aan ku codsanayo tobabar saraakiilnimo ah inala siiyo kuwaas oo aan jawaabtoodii sugayo”

Wasiirka oo Mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland waydiiyeen su’aalo badan oo la xidhiidha hawlaha uu qaranka u hayo, ayaa sheegay in sanadkan uu wax badan ka bedali doono qorshe hawleedkiisa.

rasna maxamed faarax

maantasomaliland.com/hargaysa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com