Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Abwaanno ka soo Jawaabay Sinsilada shiilayda ee Facebooka uu ka Bilaabay Sadiiq Maxamed Burmad

Saddex abwaan oo  4-5 March ka soo kala jawaabay silsilad uu dhawaan Sadiiq Burmad ka bilaabay barta Facebook, isla markaana abwaanno tiro badan ka qaybgaleen.

SADIIQ FAYSAL FAARAX (CARABAYTO)

SADIIQ FAYSAL FAARAX

Maansadan sha’laydee

Shudhubayaan abwaanadu

Dareen baan ku shiiloo

Maskaxdaan la shawroo

Shacabkaan waraystoo

Sheekadan dhagaystee

Inta shaaciriintee

Hal abuur ku shirayoow

Shifo aan idhaahdoo

Aragtida ku shiishee

Xasankii shakama furiyo

Sidiiq shoodhahaygiyo

Inta shiin ku kulantee

Shirka loogu wacayoow

Doonidan shiraaqani

Ma shul baa

Ma shal baa?

Ma sixirka shilinkee

Cirka isku shareeray

Shawahaad u keenaa?

Mise sheekhii adimi jiree

Iska badalay shadhkee

Siyaadu shidaysaad

Sharka uga digaysaan?

Ma baab shirqooloo

intaad shiishka saarteen

umadiyo shacbiga

aad u sheegaysaan baa?

Sheekadiinu durugtaye

U jeedadiin sheelan

Bog dooxeda shiiloo

Ubucdeeda ii sheeg

shaxduna inoo furan.

 ================

Abwaan Xamse Riiraash

 

shiinlayda maan garan,

maansadan waxay wax iska waydiinaysaa silsilada shiinlayda ee dhawaan facebooka ka biilaabmatay sidan ku biaabmaysa inkastoo ay gaababntahay

shibanaheeda oo dhan iyo

meesha ay ku shuqul tahay

shiinkeeda maan galin

 

su’aal aan ka sheegee

shaanbadeedu maxay tahay?

ma kuwan shaqaystee,

shaarbanaha xiirtoo,

shirarkoodu badanyahoo

shicibkii walaaqeey

shaandaysaysaaba

 

ma abaarta shaawirtoo

shaahid cayaanka u nahay

shaashadaha dunidiyo

u sharaxaysaa gedigood

 

 

mise sixir bararka shaamuroo

shukaantiisu dheertahoo

hadba shaadka loo xidhay

shaarica hor keenasaayoo

shaanbuug la dhacasaa?

 

waanigaa shidee wada

shakaalada usii daa

 

shiinlaydu ma shayba

ma sugaan shakaalanoo

lasii wada shareeroo

lasii shaacninaayaa?

ma wax shaadhadh badanoo

shaqalalkeedu dheeryahoo

loo shiray ayaamaa?

abwaaniyoow shaacoo

magacoogu shuuroo

laga yiqaanaa sheedaa

shaan shaanshaanbinaayee

tallow maxaan ku sheegnaa?

eega aan ku sharaxnaa?

shicibka ugu fasirnaa?

ma kuwan shaqaystee

shilimaadka eegtoo

shandadadu u buuxdoo

sharaftii xayuubshay

shiinley ku socotaa?

ma sixirka bararka shaamuroo

shaahid cayaanka u nahoo

shicibkii dhamaysoo

shufta beelka reebtay

shiiska ay ku haysaa?

garan mayna sheekadee

shakalada u sii daa

laab saalaxoow bal soo daa

batuuunoow bal shaandhee

burmadoow bal sii shid.

==================

Abwaan Cabdiraxmaan (Caynba-cayn)

Maansadan shiinkaa

Tixahan shindhaladkaa

Shaamareerka keenee

Ninba shakiguu qabay

Shaadhka u galiyee

Shaydaanku duufsadey

Shaaciradan gabyaayee

Shareerada tumaayee

Lagu yidhi shirqooloo

Shiishku yaanu dhaafin

Dalka ninkii u shaqeeyee

Sharaftiisa dhawree

Shilinkiyo lacagteena

Ku shaqaysta yidhiyee

Shilintiyo gofanaha

Ka shareeray maatida

Dadkii shaniyba meel

Dawlada sheegatee

Shuushku kala galee

Isku shuurinaayay

Sharkii laga shifowoo

Shanbogsiiyuu mariyoo

Shabaabkiyo dhalintuna

Shirib bay ciyaaraan

Ninkan shidhka fuulee

Shookaanta haystaa

Shoofeer wacan inuu yahay

Shaki kama taagnoo

Waxaan shaamareernoo

Sheedaa ka eegnaba

Ictiraafkiina shindhaley

Shidaalkiina inoo baadh

Nimankii shinida kicin jirey

Shisheeyaha ahaa

Warkoodii shiikhyoo

Wuu shaashoobey cadawguna

Sheekada gunteedana

Sharka inaga dhawroo

Shaydaanka naaroo

Shubaalka iyo heestana

Ka saara shuushkoo

Kala shiila murtida.

==========

Abwaan Sakariye Jaamac Muuse “Maansadii labaad”
Horta shamac inoo daara
Inagoo shanteenaasa
Sheekada inoo daaya
Shaah iyo bunkii keena
Shaadaliga dhiib dhiiba
Shaydaanka wada naara
Shida meesha dabadeedna
Shakigoo dhan faadhfaadha
Shaaraca u soo saara Beenta
shaadhka loo galiyay
Shacabkana warku ha gaadho
Afartaa sha’diyo wowga
Shucuurtayda ii gaara
Aan idiinku yara sheego
Afar kalana aan shiisho
Waxaan sheeda ka arkaayay
Aan shacabka gaadhsiiyo
Odaygaynu shalaytoole
Shidhka gaadhiga u saarnay
Shookaanti laga qaaday
Dadkalaa ka shoofeera
Oo buur ka shalaw siiyay
Waa lagu dul shirayaaye
Waxan laysku shubanayo
Ee la kala shu shubanaaayo
Isba shilin kamuu qaadan
Shaah maalin lama siinin
Shaadh looga gadi maaayo
Igawala anaa shaahid
Sheekadaa u soo joogay
Shalay maran shidhkii
aaday Shacabkii mar aan
booqday Gurigii shuftadu
joogtay Waxaan sheeda
ka arkaayay Mid ka mida
shadaadiinta Madaxtooyadu
u shidantay Oo dahab
la kalashiilay Shandad
wayn ku guranaaya
Odayguna shibuu haaba
Waxaan sheeda ka arkaayay
Dubaaay shilimo laga
keenay Doolar iyo sharaab
miidhan Qaar kala shu shubanaaya
Odayguna shibuu haaba
Waxaan sheeda ka arkaayay
Odayaal shiraayoo leh
Hadaan shaah naloo dhiibin
Sheekada barbara diidnay
Odayguna shibuu haaba
Waxaan sheeda ka arkaayay
Shacabkoo la boobaayo
Odayguna shibuu haaba
Waxaan sheeda ka arkaayay
Sheekh gaadhigoo maraya
Qaaar shaaga furanaaya
Odayguna shibuu haaba
Waxaan sheeda ka arkaayay
Dhagta qaar isugu sheegay
Qofkii sheega arinteena
Shacabkana ogaysiiya
Shan bilood u soo gooya
Odayguna shibuu haaba
Waxaan sheeda ka arkaayay
Qaar shariiryo dubanayaa
Adhi shilisna qalanaaya
Oo wada shalaadaaya
Farxad wada shirbaynaaya
Odayguna shibuu haaba
Waxaan sheeda ka arkaayay
Carab shaadhadh waawaynleh
Oo la wada shaxaadaayo
Odayguna shibuu haaba
Waxaan sheeda ka arkaayay
Barbaroo la shiilaayo
Odayguna shibuu haaba
Waxaan sheeda ka arkaayay
Sheekhyadii dalkeenoo leh
Markii shilimo loo dhiibay
Sheekadii barbara yeelay
Sharciguna ma diidaayo
Shakiguna xaraan weeye
Odayguna shibuu haaba
Waxaan sheeda ka arkaayay
Isagoo shax loo dagayo
Waxaan sheeda ka arkaayay
Wada sheegi kari maayo
Waxaasoo shar hoos jiifa
Shido iyo shirqool aasan
Qoladiinan shiinlaydu
Kolay shaacin maysaane
Waxaad ii yar sheegtaanun
Iyadoo dadkii shoogay
Shuf haraad ka wada siiyay
Yurub shalay wuxu u aaday? ….
Sidiiq Burmad sheekadu Haduunbay isku duba dhacday Iyo Silsiladii wuxu yidhi

=====================================

ABWAAN MUKHTAAR CABDILLAHI DUCAALE(INA SELEF)

Cumarow shar iyo khayr
Indhawaydba shiinkiyo
Gabaygii shakaaloo
Uma shubo sidaydii
Kol hadaan la shaandhayn
Sheegatoodhan laga qoro
Waxa ay shushubayaan
Oo shaalka maansada
Shido li’i rag loo tolay
Alaylehe shab caabow
Shibb ka dhaan idhaahdaa
Shil haddaanu taagnay
Xil markaa i shidayaa
Geenyadayda shaaximan
Shishe aan usii wado
Shanshadeeda xaajada
Barta ay u shilistahay
Shanfarood ma saaraa?
Kol haddaabay shiintahay
Shaqalkeedu adagyahah
Maansadu shigshigantahay
Bayd gaab shib weeyee
Shaxda wiilka soodhigay
Alaylehe salaan sharaf
Iyo sheegis baw wacan
Shuwasneeg bogiisiyo
Shalaadkiisa face book
Shanbilood ma eegine
Sida shoodhe igu yidhi
Ninba shiishka meel saar
Shandadaha rag baadhbaadh
Ragna shiid islaamaha
Shalmad iyo malkhabad diid
Ragna sheekhyadii cay
Rag shirkii sarbeebiyo
Ku shuqaali maaweel
Iyo sheeko loo daday
Shebeglaha ka sii maag
Shookiga coldoon xidhay
Ana sheegay taydii
Qofka aanay shaafiyin
Ka shuaysta yeelkii
Inkastuu shindhaafyahay
Xilka sheekha loo diray
Shantii uu waxdheeryahay
Shicibkani u foodeen
Shaybe weeye odayguye
Dad haduu la shiro badan
Taladana ka shawraan
Ma shilbuu arlada dhigay?
Miyaan diintu sheegayn
Shuura iyo is waydiin?
Shirkad buu dorraad diray
Shiidaalka baadhoo
Shangahaida bari iyo
Shiinaha u dira oo
Shilimaad ka qaadoo
Xisaab shiilan keenoo
Dadka shaafiyuu yidhi
Intaan soolar loo shidin.
Shaqo adag ka dabadaw
Sahankii shu’aystee
wax ii sheega buu yidhi
Shirkadii waxay tidhi
Oo maxaanu sheegnaa
Shilke iyo barooniyo
Shiidbaa na haystoo
Shufto weeye duulkiyo
Ka shallaaye hawshii
Shalay nabad galyay tidhi

Shirkad buu haddana diray
Macdanbaa la sheegee
Dhagax shiilabui yidhi
Laamiyaal shixnadanoo

Sida shiikh u leexdoo

Wada shoogag badan iyo
Aan shamiito qooshnoo
Shagshag weeeye godadkuye
Baabuur shil badanbaa
Shacabkii dhameeyee
Shaarac aan samaynee
Iyagiina sheekhow
Shalaw iyo god dheer qode
Shabaabaa ragii helay
Laye ina sharmaarkow
Adoon shaahba noo qorin
Ka shaqaysay meeshee
Sheekhii kusoo diray
Waxa aad u sheegtaa
Sharcigaba inaan qabo
Iyaduna shag bay tidhi
Shilin ruuxa haystow
Shamiitada dhisbuu yidhi
Shir jaraaid qabashiyo
Shuuqbaa ku xigay taa
iyo murrano shaac baxay
“She is wrong walaasheen”
“Waa shuqullo beeleed”

“Shaqlaanaan is kaga daa”
“Shaarubaha ma galin karo”
Iyo sheeko beralay Kuye
shaariqaan tagay Dekadaan
shuraakiyo Sheer aan ka siiyo
Shan labaatan sanadood
Carab baa shidaysee
Sharci baarlamaankow
Ka soo shawra buu yidhi
Shabadaha sidoodii
Shaarubo cadiirkii
Shube cayda naagaha
“Shut up your big mouth hoy”
“Adiguba shidhaab dee”
“Aar bal shaadhka ii qabo”
“Wale inan shukuli kaas”
Qaar sida shinnida ciye
Shaqaaqada badhkiisii
Shirgudoonki baaqbaaq
Intaan zaadka loo shubin
Doollar kaa shaqeeyee
shukran baa la wada yidhi
Wuxu yidhi bal shiicada
Sunnigii sharaysaa
Shiddadeedi badatee
Carrab shillimo haystoo
Shulugwayn siddsiddataan
Shan malyuun ka qaadee
Shankaroontan teena ah
Shiishkaa ka toosane
Hala shiddo khumayniye
Sharba malaha nimankuye
Shacaabiga berbera yaal
Gantaalaha shucaacaleh
Shido uma arkaaye
Ha yimaado sheyshaan
Shuqulkaa ku tala gala
Iyadana shib laga yidhi
Intaan sheegaybaa kuna Intaan
sheellay badanaa
Shacabkuna siddiiqow
Iyagaa shilkaba dhigay
shaagba laand tan aan rogin
Shabaabkeedi baa gabay
Sharcigeediba jaban
Dad qabiilku shidayoo
Shamsadii timaadaba
Shirinaaya beelaha
Qaranimona sheegtaa
Shilka dhacay aloosoo
Sunta waxa la shiilaa
Shuf ka siisa samahee
Toban iyo shan wiil jiray
Ee sheegtay reer hebel
Waxba yuu shuruud li’i
Ka barooran shaalkiyo
Madaxnimo nin sheegtee
Shaabuuga kugu yaal
Askarta iyo shookiga
Kugu xidha shido la aan
Shaqo li’ida muush ka ah
Nolol aan shacniba wadan
Adigaa shaqaysee
Shaamareerku waamxay?….

================

Abwaan Siciid Ibraahim dool (Gurey)

shabadii laguursaday
shamirkiyo arooskii
shaadirkiyo xijaabkii
minxiiskii shareernaa
shuqulkiisii weeyan
runta aynu sheegnee
shaydaan maroolaha
shaadhkii danaystaha
yaaku yidhi shulaha gali
yaa u sheegay kaartada
batuunow shilkaa dhacay
mashirqool siyaasaa u eegaa
shareeradu kuwii shilinka
maatada markay kala shushubayaan
shawahada  dhigijiray
shacbi jeedin toodii
shekeha nogu weynoow
sheeda nooga baaqdeye
fahfaahi sheekada
Wuxuu is waafajiyey
Silsilada Shiinleyda
iyo Sheekadii Wiilkii
Malxiisada iska dhigay….
Wuxuu is waafajiyey Silsilda Shiinleyda iyo Sheekadii Wiilkii Malxiisada iska dhigay

=================
Abwaan Talasame

shaxda jeexanee dhigan
shirka baahsan ee furan
waa sharad abwaan iyo
laga naaryay shaydaan
golihiyo sha.layduna
shaaciraysu keenoo
sidiiq shabaga sii daa
ina dhuxul shuruud yidhi
batuun shaaci tuducyoo
xaaji shiinka tiriyoo
cabdiwelina shiilyoo
fartaag sharafti hadalyoo
gaas shiishka meel saar
ana faraska shaaximay
shilku wuu jiraa koow
shilin baahday waa laba
shuuxu tiixyay waa saddex
shakiguna abuurane
sheelid waa si doonkiin
shalwiskuna si doonkood
shadna wuu ku ladhanyay
waxseen shiin ku leeyahay
sheekada ujeedka le
anigoon shiraaqayn
shaadhkana ka saarayn
abwaan waa sharfoonoo
shaandho miirta weeyaan
sharka iyo xumaantee
saqigiyo shoofeerkiyo
shanta jiibta ugu filan
shalay kii amaanee
shilimada ka gurayee
waa sheekhyo dhahayee
shirka joogay welliyoow
magac iigu soo sheeg!!!

===================

SHAN BOGSIIYE (Maansadii 2aad ee silsiladda Shiinley) AXMED CISMAAN BATUUN

Mar hadii shidaalkiyo
Lagu shubay batroolkii
Maansadiina shaamshaam
Ay kasii shalwanaysoo
Shuuqshuuq sidiisii
Dadku shururug soo yidhi
Shookaanta nimankii
Ku shakaray ujeedadu
shinniyeeya mooyee
Shuqla may axadhinoo
Shoodhka uu sidiiq helay
cid ugama shanqadhinnoo
Xasan dhuxul shuwaal iyo
Muu sheegin ramadaan
Mid uu yahay shinkeeduye
Wuxu qalinku shaaximay
Shardigeenna guudee
Sheegayaa qodobadda
Dhawraaya sharaftiyo
Shar la,aanta maansada
Ha fahmaan shirwaynuhu
Shaqsi weerar gaariyo
Cidna shiish ma saarnee
Hal abuur qof sheegtoow
waa shaal xariiree
Sharrax aragtidaadoo
Shax hadaad u fahantiyo
Hadii ay shandarad tahay
Waa mubaax shirkeenuye
Kaftan oo ha shaashayn
Aniguna shakuuroow
Hadaan sheekadeeniyo
Tixahani shinkood galay
Ka shamiro dhankaygoon
Shiddadiyo amuuraha
Dadku sheegayaan garo
Waligay ma sheeline
Shicibkaan dantoodiyo
Kala miyan sharkoodoo
Waxay shaadh u galiyaan
Hadba kii shidhaystee
Kaga daran shisheeyaha
Waxay sheegayaan koox
Sharci jabin sameeyoo
shilimaad ku leexdiyo
Mid siyaasi sheegtee
Shaadhkii madoobaa
wax ka shilis ogaadaye
Kuuma yaal shamiis cadi
Shabeel iyo waxaa jira
Is bahaysi shaac baxay
Oo magacyo sheegtoo
Qunyar shaanbinaayoon
Laga filan shirqool badan
Waa shuraako waawayn
Socodka iyo sheekada
Waxaad sheedda mooddaa
Shakhsiyado wanaag tara
Xaqiiqduna ma sheelnee
Duul shaqaysanaayoo
Culimada shabbahayaa
ka shaaheeya keligood
Ganacsina u sheer badan
Fatwo sheegisteediyo
Danta waa isugu sheekh
kala shube culuuntii
Kutubtii la shaandhee
manhajyada shisheeyaha
Lagu shubay dadkeenii
Shan caruura kii dhalay
Hadaan dollar laga shubin
Xaraf looma sheegoo
Aqoontii la shaashee
Hal qofkii ka sheegana
Xumaa loogu shawraa
Naxariista shoogtiyo
Sheegatada an kuu saray
Hadii aan la shaandhayn
Oo aan shuruudaha
Qorshe lagu shakaaliyo
Lagu darin shuruuc adag
Xaqiiqduna shaqaynayn
Bulshayahay shuruud li,i
Shalawbaad dul taallaa
Shan bogsiiye laga guur
Ha shallaaddo maansadu…..

Mukhtaar Cabdiraxmaan Ismaaciil: Maansadii Labaad “Shaybaadh”

Sidiiq shaarub yaha miiq
batuun shiinkii dayn waa
waxbay sheeda ka arkaan
ana waxan shin tiriyaa
shaxda maansadoodaa
sidii sheekh cilmigu degey
u sharexe duruustii
wuxu shiinku leeyahay
abaharan shinkod galey
ishinkii dhamaysee
ku shufbeelay adhigii
shibka dhehe dadki kalee
waase odey kasheekee
dolar shilinkii leefiyo
shirkado duulimad wada
danyar shaah qadhaadh iyo
shuuro raadisbaa dilay
wa dabaqyo shicibkiii
sheekhyadan wacdinaye
wa’shamsida akhrinayaa
qaarba sharaystaba
ana waxan shintiriyaa
inu shuushku naga baxo
wuxu shiinku leeyahay
sharoobooyin dhacayoo
keena shuban biyood iyo
tigtoor aan wax shaa fiyin
uma baahnin sheekhow
bariis caaglashiilay ah
waxay sheegayeen balo
shaki baaba iga galay
shixnadahan marsada yaal
shaybaadh baan udirayaa
shardibaan ku xidhay adag
wuxu shiinku leeyahay
shirarkaa dhacdhacayana
ama beel hasheegteen
ama gobol hasheegtee
shanmarduuf kol aytahay
shaxaadba kujira badan
iyo shaaha yoomkii
waxba yaanay sheedaa
koofiyada sholaha wayn
shaki culusi kaagalin
wuxu sheeku leeyahay.
horta shulug imaaraad
waligay maxidhan sheekh
caagay yementu shiishaan
la ahaa macmiishee
mabadalay shaxdii hore
hadii ay sharleedahay
idinkaa kasheekayn
wuxu shiinku leeyshay
shankun oo saxaafada
shirjaraa id xabadii
shabah warfidintood
shaybaadhban udirayaa ….

======================

BARRE MAHAD XASAN
Abwaanada shareeree
kala shubay siinlaydii
Nasiibaa shinkeediyo
Gaadhsiiyay sharaftay
Siinlayda ku sheegaan
Waana shaac iftiimoo
shamacii ilayskiyo
Shaaciraa abuuroo
Burmad BAA shakaalkii

Shardi adag ku kala jaray
Abwaanadii shalaytiyo
Xasan genay shaxdiisii
Murtidii shiracnayd
Dhaxaay shuruudiyo
Sharad ayay ku aasnayd
Sheegaa la waayoo
abwaanadu shirayee

shar laan alaylahe
Siinlay ma sheegteen
Abwaanadu ma showreen
Xumahii shalaytee
Shalan bood ku ridi jiray
abwaankii wax sheega
Alaylahe sharkoodii
Shaydaankii laga guur

Taariikhda la sheegiyo
Shaxshaxdii sugaantaa
Burmadow shindhalatoo
Shax ninkii yaqaanaa
Jaraheega sheegee
Nin shalaaday muu garan
Wali way shiraban tahay
Geenyadii la shaaxibay
Dhaaxay nin kala shuba
Siinlay tabaysoo
Shib abwaanku wada yidhi
Hambalyan shir hoosiyo
Marna sare u sheegoo
Maan saluug shaadhkay
Abwaan is sharafliyo
Murtidii maal u shiriyeen
Hal abuurku kala shuban
Mid walba shiishkuu
Shan sho adag ku hayaa…

======================

Nimcaan Axmed Dagaal, Maansadii Labaad: ‘Shucaac’

Shiinley war suganley
Shaal iyo go wacanley
Caqligana shanbooley
Shicib daadeheeyaay
Inta shidaysa maansada
Abwaanadu ku shoomeen
Shidhka fuulay ee wada
Mar labaad shaxdoodii
Ana sheerka soo galay
Midaan shaacinaayiyo
Shuucaac ku soo durug
Shiinley warkaa helay
Shuubaaliyoo shubay
Shixnadaha waraystoo
Sharka yaala ceelkee
Shuqlayaan intii ogi
Ku sheegay garashada
Gayigana shaxdii helay
Dadka shaamareerkii
Jiboodee shuqleeyoow
Shuqulkiina xumaha,a qado
ay ku sheegeen Madaxduna
ka shiixeyn Sheekhuna
horseedkiyo Sharcigiisu
meel yahay Shilin uu ku baayaco
Diintuna sharkuumaleh
Ha shidaysan ay tahay
Ku shaqaysa ay tahay
shuruud galay kitaabkii
Shaki galiyey dhaqankii
Sharcigoogu maal yahay
Shaqadoodu lacag tahay
Sharaftoodu been tahy
casriguna u yahay sheekh
intay shoofeer inaayaan
shidhka hore istaadhaan
shicibkuna sidaa yahay
lama helo shaxdii roob
ma Shuxaan daruuruhu
Mayeyguna ma soo shubo
Shalaqleynta daadkoo
Shulacleeya kaymaha
Lama sheego weeyaan
Shiinley wax saarley
Shalmad malkhamadley
Shaqlan oogo saraley
Bulsho shaamareeraay
Shafka dhiga inaad tahay
Abwaanadu ku sheegeen
Murti shaadir xidhanoo
Shaadh iyo dhar weynoo
Shaqalkeedu adag yahay
Madkeedu shadan yahay
shaal loo hagoogoo
Sharaftooda guud iyo
Ka shaqaysa gaadhkoo
Shaqsi aan wax siineyn
Shicibkuu muraadsado
Shiinley warkaa helay
Bulsho shaamoreeraay
Shar gudban inaad tidhi
Shiinku uu xajiin wadan
Ka shaqeeyey malahoo
Shakaalkeeda hoosiyo
Shakamaha markaa sudhay
Shibanaha warkiis helay
Shuushkaa baxaayee
Shaashada ka dhawroo
Shuuqiyo qarsoodiga
Halka shidan ku buuqoo
Shaashadaha mushaaxoo
Shaaciroow dhamaantiin
Gabayada ku shawroo
Shicibkaa ilaashada
Sharaftooda dhawroo
U shaqeeya maatida
Sharcigaa sidaa yidhi…..

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com