Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Eng Maxamed Xaashi Cilmi ayaa la sheegay inuu ka cadhooday Talaabo golaha wasiiraddu qaadeen, taasi oo ay ku dalbadeen in Mushaharka loogu kordhiyo.

Hargeysa (maantasomaliland.com)  Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Eng Maxamed Xaashi Cilmi ayaa la sheegay inuu ka cadhooday Talaabo golaha wasiiraddu qaadeen, taasi oo ay ku dalbadeen in Mushaharka loogu kordhiyo.

Talaabadan golaha wasiiradu qaaday ayaa lagu sheegay inay ahayd qoraal ay u gudbiyeen Shir-guddoonka golaha wakiilada Somaliland, taasi oo ku doonayeen in loo ansixiyo cadadka ay doonayaan in mushahaharka looga dhigo, iyadda oo imika wasiir walba bishii Mushahar ahaan u qaato $ 553- doolar.

Sidoo kale, qoraalka golaha wasiiraddu u gudbiyeen shir-guddoonka wakiilad ayaa la sheegay inay sidoo kale ku xuseen in Mushaharka loo kordhiyo Guddoomiyaha Maxkamada sare iyo ku xigeenadiisa, kuwaasi oo la sheegay inay hadda qaataan lacago lagu qadaray $ 1000 doolar.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda oo isaga iyo Guddi wasiiro ahi jaangooyeen siyaasada guud ee miisaaniyadda 2012-ka, taasi oo saamayn ku yeelatay Mushahaaraadka Wasiirada, agaasimayaasha iyo Garsoorayaasha Maxkamada sare, ayaa la sheegay inuu ka cadhooday qoraalkaasi ay u gudbiyeen golaha wakiilada Somaliland, iyadda oo la tilmaamay in Wasiir Maxamed Xaashi Cilmi uu Madaxwayne Axmed Siilaanyo u gudbiyey cabasho la xidhiidha talaabada wasiiradani qaadeen.

Warku waxa uu intaa ku daray in Wasiir Maxamed Xaashi Cilmi uu Madaxwaynaha u soo bandhigay tabashooyin badan oo la xidhiidha dhinaca Wasiiradda ay xukuumadda ka wada tirsan yihiin, isaga oo tilmaamay in inta badan wasiiradu aanay wax wada shaqayn la lahayn wasaaradiisa Maaliyadda, taasi oo la sheegay inuu ku sababeeyay inay kula coloobeen arimaha la xidhiidha ururinta iyo xisaabinta kharashaadka looga baahan yahay in Wasaaraduhu soo xereeyaan.

Dhanka kale, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ayaa golaha wasiirada ee ay xukuumadda Somaliland ku wada jiraan intooda badan gooni socod ka ah tan iyo markii ay wasiirka isa seegeen Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo biyaha Eng Xuseen Cabdi Ducaale oo arintoodu gaadhay in shirka golaha wasiirada lagu soo qaado, iyadda oo wakhtigaasi Wasiirka Maaliyadda dhinac laga wada maray, iyadda oo taasi keentay inuu Wasiir Maxamed Xaashi ku hanjabay inuu iscasilayo.

xuseen xarbi

maantasomaliland.com/hargaysa

tel/25224052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com