Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

M/Ku xigeenka oo Lacag Guddoon siiyay dhaawacyadii ciidanka qaranka iyo maleeshiyada Buuhoodle ee dhawaan dagaalku dhex maray+sawiradii

Hargeysa (maantaSomaliland.com)- Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylicii) ayaa maanta Booqday dhaawacyadii ku dhaawacmay dagaalkii Arbacadii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Sool-joogto oo ku yaala duleedka magaalada Buuhoodle. kaasi oo u dhaxeeyay ciidammadda qaranka iyo maleeshiyo Nabad diid ah.

Madaxweyne ku xigeenku wuxuu cisbitaalka magaalada Burco ku Booqday 37 askari oo ah dhaafacyadii dhaawacyadii ciidamadda qaranka iyo 3 maxbuus oo dhaawacan oo laga soo qabtay maleeshiyada Buuhoodle.

Madaxweyne Ku xigeenku wuxuu 37ka askari gudoon siiyay min 100 milyan oo shilin oo u dhiganta 150 Dollar, halka uu sadex maxbuus ee dhaawacana gudoon siiyay 500 oo kun oo shilin oo u dhiganta 90 dolar.

Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) wuxuu dhaawacyadii uu booqday ILAAHAY uga baryay inuu shaafiyo, waxaanu tilmaamay in dhaawacyada dalka waxba loogu qaban kari waayo loo diri doono meeshii la geyn karaba isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Waxa Ugu muhiimsanaa ee aan maanta u imiday inaan Soo Dul joogsado dhaawaca ciidanka qaranka Hadaanu nahay masuuliyiinta Qaranka si aan u tusno in dalkan iyo dadkan ay u dhaawacmeen oo dhibtuna ay iyag u gaadhay difaaca iyo heeganka ay qaranka u ahaayeen.”

Madaxweyne Ku xigeenka oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “ILAAHAY ma hadii waan soo wada maray dhaawacdooduna inta badan waa uu sahlan yahay marka laga reebo sadex afar ay dhaawacyadoodu halis yihiin. kuwaasi oo haddii xaaladooda caafimaad waxba lagaga qabankari waayo gudaha dalka aan diyaar u nahay inana geyno wadamadda jaarka ah iyo meel kasta oo adeeg caafimaad loogu fidinayo.”

“Waxaanan ciidanka qaranka u sheegaynaa waxay hayaan waa hawl qaran hadaanu madaxdii qaranka nahayna waxaanu u sheegaynaa in mar walbana aan daba joogno dhibta soo gaadhana ay tahay qaranimadda u soo gaadhay,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku xigeenku.
Md. C/Raxmaan Saylici waxa kale oo uu ka hadlay shirka London waxaanu yidhi “Madaxweynaha Somaliland wuxuu todobaadka soo socda u ambo-bixi doonaa ka qeyb galka shirka London waxaanu hoggaamin doonaa wefti balaadhan oo Goleyaasha qaranka iyo xisbiyada ka kooban kuwaasi oo ka qeyb galaya shirkaasi si ay qadiyadeena iyo garnaqsigeena u taageeraan.”

Madaxweyne Ku xigeenku wuxuu sheegay inuu ka xun yahay dagaalka ay koox qurbo-joog ah ka wadaan deegaanka Buuhoodle, waxaanu tilmaamay in dadkii dhintay iyo kuwa dhaawacmayba ay ka soo wada jeedaan Somaliland. Madaxweyne Ku xigeenku wuxuu xusay in xukuumadiisu ay mar kale ku celinayso baaq nabadeed iyo in wada hadal xal lagaga gaadho shaqaaqada ka aloosan Buuhoodle.

xuseen xarbi

hargaysa

maantasomaliland.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com