Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Arrimaha Dibada Oo Ku Soo Laabtay Dalka

Wasiirka Arrimaha Dibada Oo Ku Soo Laabtay Dalka

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu socdaal qaatay muddo 4 cisho ah ugu maqnaa wadanka Itoobiya.
Wasiirka arrimaha dibadu wuxuu kulamo kala duwan la yeeshay Masuuliyiinta dalka Itoobiya, sidaasna waxa lagu sheegay warsaxaafadeed caawa laga soo saaray xafiiska Wasiirka oo u dhignaa sidan:-
“Waxaa maanta dalka dib ugu soo laabtay Wasiirka Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyada Somaliland Dr. Maxamed C/laahi Cumar oo muddo afar cisho ah socdaal shaqo u joogay Magaalada Adis-abeba ee Caasimadda Dalka Ethiopia.
Muddadii uu Wasiirku ku sugnaa magaalada Adis-abeba, wuxuu kulamo la yeeshay Ra’iisal Wasaare-xigeenka, isla markaana ah Wasiirka Arrimaha Dibada ee Ethiopia Mudane Hailemariam Desalegn, iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha dibeda Mudane Semiyu Mesfin oo dhawaan loo magacaabay Safiirka Dalka Ethiopia u Fadhiyi doona Dalka Shiinaha.
Masuuliyinta Labada Dal kulamadooda waxay ku lafa-gureen oo ay isla jeex-jeexeen ka midho dhalinta iyo hirgalinta Qodobadii Wada-hadalkii Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Ra’iisal Wasaaraha dalka Ethiopia ku gaadheen dhawaaan Magaalada Adis-abeba.
Wadahadalkan Wasiirada Arrimaha Dibada ee Somaliland iyo Ethiopia waxay si wada-jir ah u diyaariyeen Jadwal Shaqo oo lagu Meel-marinayo lagagana Midho-dhalinayo Xidhiidhkan Cusub ee dhinacyada Siyaasada, Ganacsiga iyo Nabadgalyada.
Labada Wasiir Arrimo Dibadeed Dr. Maxamed iyo Mudane Hailemariam Waxa kale oo ay wada-hadalkooda ku soo qaadeen Arrimaha Geeska Afrika Guud ahaan iyo Cod-bixinta gooni isu-taaga koonfurta Sudan.
Wasiirka Arrimaha dibadu Dr. Maxamed mudadii uu joogay waxaa casho sharaf si wada jir ah ugu sooryeeyey Ra’iisal Wasaare xigeenka isla markaana ah Wasiirka Arrimaha Dibeda Mudane Hailemariam Desalegn iyo Wasiirkii hore ee Ethiopia Mudane Semiyu Mesfin.
Socdaalkan waxaa uu qayb ka yahay dadaalka Xukuumada cusub ku horumarinayso xidhiidhka ay shacbiga reer Somaliland la leeyihiin dalalka aynu jaarka nahay gaar ahaana Dalka Ethiopia, kaasi oo maalinba maalinta ka dambaysa sii xoogaysanaya.”

Xuseen Cabdi Muxumed Xarbi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com