Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

FAAHFAAHINTA KHASAARAHA KA DHASHAY GAADHI JIIDHAY DAD SALAADII CIIDA KA SOO DAREERAY DALKA INGIRIISKA

 

 

 

 

 

 

 

Lix qof oo ay ku jiraan saddex caruur ahi ayaa dhaawacmay ka dib markii baabuur jiidhay dad badan oo ka soo baxayey garoon ku yaal magaalada Newcastle ee dalka Ingiriiska.

warkii-ugu-dambeeyay

Shilkani wuxu dhacay qiyaastii 09:14 subaxnimo saacadda London waxaanay goobta dadka baabuurku ku jiidhay tahay garoonka Westgate oo ay ka soo dareereen salaaddii Ciidda oo ay halkaa ku tukadeen ka dib.

 

Caruurta dhaawacmay midkood ayaa la sheegayaa in dhaawa gaadhay culusyahay. Booliska Northumbria ayaa sheegay in shilkaas aan loo malaynayn inuu wax xidhiidh la leeyahay argagixisonimo.

Booliska ayaa sheegay in ay haweenay 42 jir xidheen oo ay gacanta ku hayaan.

Qof goob joog ahaa ayaa

BBC-da u sheegay in haweenayd waday baabuurku ay xakamayn kari wayday gaadhiga, taasina ay tahay sababta shilka dadku ku dhaawacmeen keentay.

Boqolaal qof ayaa goobtaa iskugu yimid si ay ugu oogaan salaadda Ciidda Soonfureed oo ay Muslimiintu u dabaal dagaan dhamaadka bisha Ramadaan.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com