Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa sheegay in Masuuliyiin Dawladda Somaliland ka tirsani ku lug-leeyihiin, isla markaana ay qayb ka yihiin Shabakadaha ku Shaqaysta Tahriibinta Dhalinyarada Dalka ee marba marka ka dambaysa saamaynteedu sii badanayso.

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa sheegay in Masuuliyiin Dawladda Somaliland ka tirsani ku lug-leeyihiin, isla markaana ay qayb ka yihiin Shabakadaha ku Shaqaysta Tahriibinta Dhalinyarada Dalka ee marba marka ka dambaysa saamaynteedu sii badanayso.

Sheekh Aadan-Siiro, ayaa arrimahaas iyo kuwo kaleba Maanta ka hadlay, waxaanu Khudbaddii Jimcaha ee Shalay uu ka jeediyey Masjidka Xawaadle ee uu sida qaalibka ah Jimcayaasha ka Khudbadeeyey, kaga hadlay Fadliga ku jira Tobanka Maalmood ee u horreeya Bishan Dul-xaj, waxaanu ka warramay in Nebiyullaahi Muxamed (CSW) laga soo weriyey in Camalka wanaagsan ee la sameeyo Tobankan Maalmood aanay jirin wax ILAAHAY Agtiisa looga Kalgacayl badan yahay.

500px”>

Sheekh Aadan-Siiro waxa kale oo uu khudbaddiisa kaga hadlay Dhallinyarada Dalka Tahriibiya, isagoo Sheegay inay Tahriibka door muuqda ku leeyihiin Masuuliyiin ka mid ah Dawladda Somaliland oo la garanayo. Sheekha oo ugu horreyn ka warramaya Fadliga Tobanka hore ee Bisha Dul-xaj.

“Camalka Saalixa ah ee la sameeyo Tobanka Cisho ee Xajku socdo ayaynu kaga warramaynaa khudbaddeenna Jimcaha. Rasuulku (CSW) wuxuu yidhi ma jiraan Maalmo ILAAHAY agtiisa looga Kalkacayl badan yahay Camalka Saalixa ah ee la sameeyo Maalmahan (Tobanka hore ee Bisha Dul-Xaj), Soonka la soomaa wuu ka khayr badan yahay Soonkii kale ee Sunnaha ahaa, Sadaqada la bixiyaa way ka fadli badan tahay Sadaqada la bixiyo wakhtiyada kale, Qur’aanka la akhriyaa wuu ka fadli badan yahay Qur’aanka la akhriyo Maalmaha kale, Camal wanaagsan oo Maalmahan la qabto oo ka fadli badan ma jiro, marka laga reebo Nin Jihaad galay oo Maalkiisiina aanu soo noqon, isagiina ku dhintay mooyaane, ayuu Rasuulku yidhi (CSW).” Sidaa ayuu yidhi Sheekh Aadan.

Sheekh Aadan-Siiro wuxuu sharraxaad ka bixiyey Odxiyada, waxaanu yidhi; “Maalmahan Camalka ugu fadliga badan ee aynu qabanaynaa waa in Qofku Qalo Neefkii Odxiyada hadduu Awoodayo ama uu helayo. Sida Axaadiistu tilmaamayso Rasuulku (CSW) wuxuu ahaa Mid Qala laba Wan oo Geesihoodii leh inta uu Magaca ILAAHAY ku bilaabo. Markaa Qofka iyo inta Nafaqadoodu ku waajibtay hadduu neef dheer yahay waa inoo Odxiyada sameeyaa, waana Sunne la adkeeyay. Culimadu waxay yidhaahdeen Qofka Qalaya Neefka Odxiyadu waa inuu Qaan-gaadhay, waa in Caqligiisu dhamaystiran yahay, waana inuu yahay Qof Muslim ah.”

“Waxaana la Qali karaa Geela, Adhiga oo u qaybsan Ido, Riyo iyo Lo’da. Wakhtiga la qalayo waa marka Salaadda Ciida laga soo baxo, waana wakhtiga ugu fadliga badan, haddaad Maalintaa ka gaadhsiin waydo, Saddexda Maalmood ee Ciidda way taagan tahay (Waad samayn kartaa Odxiyada). Odxiyada Shardigeedu waxa weeyaan inaan Neefku noqon Neef ceeb leh ama Iin leh, sida Neef Indhaha la’, dhinaca buko ama dhibaato kale qaba.” ayuu yidhi Sheekh Aadan.

Waxa Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud uu sheegay in Waalidka oo loo samo-falo ay ay wanaagsan tahay Maalmahan oo kale. “Calamallada waaweyn ee Maalmahan la qabto waxa ka mid ah inaad Waalidka u samo-fasho.” ayuu yidhi Sheekhu, waxaanu intaa ku daray; “53 Dambi ee ugu waaweyn 10-ka ugu horreeya ayay ka mid taahy Waalidka oo laga nixiyo ama la dhibo. Qofkii Waalid leh inuu Marka uu Guriga ka baxayo uu Waalidkiisa Madaxa ka dhunkado, marka uu soo galana Madaxa ka dhunkado waa waxa Jannada laga helayo.”

Sheekhu waxa kale oo uu khudbaddiisa Jimcaha kaga hadlay Dhallinyarada reer Somaliland ee Tahriiba, isagoo waanana u soo jeediyey oo uu yidhi; “Shaqadii Qaranka (Xilligii Soomaaliya) waxaan joogay Iskuulka Faarax oomaar, 9 Fasal oo Fasallada 3-aad ee Dugsiga sare ah ayaa joogay halkaa, 180 Wiil, oo ka ugu weyni yahay 17 Jir ayaa Maalin keliya tallaabay (ku biiray SNM), waxaan uga jeedaa Dalkan waxa xorreeyay 16 Jirro oo ku lugo beelay, kuna Dhego-beelay. Maanta oo wax walba isa saaran yihiin, Dhibna aanay jirin inaad Tahriibtaan oo aad Gaalo isku dhiibtaan waa arrin aad u layaab badan, markaa Dhallinyarada waxaannu ku waanineynaa (in aanay Tahriibin).”

Waxaanu Sheekh Aadan-Siiro intaa sii raaciyey in Dad Dawladda ka mid ahi ku lug leeyihiin Tahriibka Dhallinyarada, waxaanu yidhi; “Waxa ka sii layaab badan kuwa Maamulka haya ee kuwa Carruurta Tahriibiya ah ee Hargeysa jooga, Xarumahooda Gobollada, Telefoonnadooda iyo Magacyadooda la hayo, halka Lacagtooda lagu shubo iyo Saacadaha ay Carruurta kexeeyaanna la garanayo.”

Sheekh Aadan-Siiro wuxuu dhallinyarada ka waaniyey inay Tahriibaan isla-markaana aanay Hooyooyinkood ku khasbin inay inay ka hor ooyaan Dad kale, si ay uga helaan Lacag ay iyaga ku soo bedbaadiyaan, iyagoo awalba ku soo koriyey Daasad daasad Tamaandho ah oo ay suuqa la fadhiisteen.

Sheekh Aadan-Siiro Khudbaddiisa uu arrimahaas kala duwan kaga hadlay Maanta, waxananu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wanaagsan:-

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com