Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ceel-afwayn:- Nin Hubaysan Oo Toogasho Xalay Ku Dhaawacay Nin Kale Iyo Ciidamada Qaranka Oo La Wareegay Amaanka Degmada

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Ceel-afwayn oo ka tirsan gobolka Sanaag soona gaadhaya maantasomaliland.com ayaa waxay sheegayaan in xalay nin hubaysani uu toogasho ku dhaawacay nin kale oo ku nool degmada Ceel-afwayn.
Ninkan Hubaysan ayaa xabad uu qaarka sare kaga dhuftay waxa ay sababtay inuu dhaawac culus soo gaadho ninkaasi.
Waxaana markiiba goobta ka baxsaday ninkii toogashada sameeyey ee hubaysnaa,iyada oo ninkii dhaawaca ahaana la sheegay in loo soo qaaday cusbitaalka magaalada Burco.
CIidamada Qaranka oo iyagu markii horeba ilaalinta nabadgaliyada ugu sugnaa deegaanadaasi ayaa markiiba xalay bandow kusoo rogay degmada Ceel-afwayn,waxaana ay ku daba jiraan soo qabashada ninkaasi dhaawac ninka kale u gaystay.
Lama garanayo sababta rasmiga ah ee ka danbaysay ee uu xalay ninkani iskugu dayay inuu dilo ninka kale,balse xogaha soo baxaya ayaa waxay tibaaxayaan in ay dabada ku hayso aano qabiil.
gabagabadiina Muddo laba todobaadd ku siman ayaa kasoo wareegtay xilligii xaliyay shaqaqadii ka taagnayd Ceel-afwayn lagana soo saaray go’aamo adag.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com