Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

SHIRKADDA INDHA BIRTA OO CABASHO XOOGAN KA MUUJISAY WASIIRKA MACDANTA IYO TAMARTA, KUNA EEDEEYAY INAANU WASIIRKU DHEX U AHAYN SHIRKADAHA LAYDHKA EE UU DHINAC U XAGLINAYO

Warsaxaafadeed ay soo saartay Shirkadda INDHO-BIRTA qaybteeda laydhka ayaa cabasho xoogan iyo jariimado dhinaca awooda fulinta ah ka tirsanaysa Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland, waxay Warsaxaafadeed ay shirkaddu jawaab uga dhigtay waraysigii u dambeeyay ee Wasiirka oo ay ku socodsiisay Madaxweynaha, ku xigeenka iyo Goleyaasha Qaranka kaga hadashay dhacdooyin uurkutaalo dhinaca maamulka ah oo uu Wasiirka Macdantu tan iyo markii uu Gudoomiyaha Shirkadda Sompower ahaa ku hayay shirkada NATIONAL POWER ee Magaalada Hargeysa.

Warsaxaafadeedka Shirkaddu soo saartay oo Warbaahinta loo qaybiyay ayaa waxa uu u dhignaa sidan”Shirkadda Adeegga Korontada ee Indho-birta oo ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn dalku iyada oo mar walba u hogaansan hannaanka dawladnimo iyo nidaamka dalka u yaalla haddana waxa ay walaaac weyn ka qabtaa oo ka cabanaysaa hab-dhaqanka Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Jaamac Maxamuud Cigaal oo tacadi iyo awood sheegasho maamul u adeegsanaya shirkadda Indho-birta oo wasiirkaasi ka tabanaysa caddaalad darro iyo in uu dhinaca saarayo shirkad uu hore maamulkeeda u joogay ka hor intii aan xilka loo magacaabin. Waxaanan cabashadan gaadhsiinaynaa dhammaanba cidda ay khusayso.

Shirkadda INDHO-BIRTA (National Group of Companies) oo la aasaasay horraantii sagaashameeyihii markii dalka lagu soo laabtay waxa ay ka qayb qaadatay kobcinta ganacsiga, fursadaha shaqo abuur iyo guud ahaan dhismaha dalka waxaanay mar walba u taagan tahay ixtiraamka iyo mabaadii’da ganacsiga xorta ah iyada oo dhawraysa dhammaan shuruucda dalka u taalla gara ahaan xeerka tamarta balse waxa aanay marnaba ogolaan doonin tacadiga iyo waxyeellada uu shirkadda ku hayo Wasiirka Macdanta iyo Tamartu isaga oo mar walba dhinac kale oo shirkadaha tartan ka dhaxeeyo dhinaca saaraya oo sifo qaldan ugu garab joogsanaya taa baddalkeedana shirkaddan tacadi kula kacaya.

Wasiir Jamaac, ka hor intaan loo magacaabin Xilkan uu hadda Xukuumadda ka hayo waxa uu ahaa hoggaankii ama Guddoomiyihii Shirkadda SOMPOWER oo uu tartan dhinaca Ganacsiga ahi ka dhexeeyo Shirkadda Indho-birta (NATIONAL Power), waxaanu wakhtigaasi kula kacay shirkadda ficilo abuuri karayay fawdo iyo kala dambayn la’aan, balse aanu kula soo tacaalnay deganaansho iyo dulqaad anagoo u arkaynay kaliya inuu tartankii naga dhexeeyay uu dariiq qaldan u maray.

Haddaba sida uu dhigayo Xeerka Tamarka ee xeer Number Lr.81/2018 ee doorka muhiimka ah ee tamartu kaga jirto horumarka Somaliland, National Power (Indho Birta) mar walba waxay diyaar u tahay ka midho dhalinta iyo inay helaan bulshada Somaliland tamar tayo iyo qiime Jaban ah. Waxaanay diyaar u tahay inay la shaqayso cid walba oo ku hawlan horumarinta Tamarta, Haddaba anagoo tixraacayna waraysigii u dambeeyay ee uu Wasiirka Tamarta Somaliland Jaamaca siiyey Warbaahinta isla markaana uu ku daadafeeyay shirkadda

Arimaha layaableh ee ay Shirkadda NATIONAL POWER ka tabanayso Wasiirka Macdanta iyo Tamarta ee aanu kala kulanay ayaa waxaa ka mid ah in July 2018-kii oo ah sannadkan aan kujirno ah ay shirkaddu Wasiirka u gudbisay “Codsi Ogolaanshiyo iyo Samayn Xarun Cusub”, iyo sidoo kale jiidis xadhig 6-Goobood oo dab Xoojin ah. Waxa uu Wasiirkii isagoo arrintaasi ka hortagaya uu kaga jawaabay qoraal fajiciso ku noqday shirkadda kaasi oo uu u sheegay inuu gabi ahaanba joojiyay dhamaan shirkadaha Laydhka samaysashada xarumo cusub, xoojin koronto iyo sidoo kale dab-galintii xiitaa Guryaha taasi oo ujeedadeeda aan la fahmin oo aanu aad ula yaabnay sida aanay macquul u ahayn Joojinta Galinta laydhka Guryaha .si joogta ah ayuu wasiirku codsiyaddii muxtarimka ahaa ee aanu ugu binaynay uu kaga jawaabayay arrimo aanay ka muuqan masuuliyadda uu qaranka u hayo balse laga dheehan karo inuu wali yahay Guddoomiyihii Shirkadda SOMPOWER. Waxa aanu si cad ula soconaa dhaq dhaqaaqa Shaqada Wasiirka iyo hannaanka uu ula macaamilo shirkadaha tartanka kula jira Shirkaddayada, sidoo kale waxaanu daah naga saarnayn inuu si badheedha wax kasta oo uu shirkaddayada ka hor istaago uu ugu fuliyo shirkaddaha kale

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com