Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

WAARI MAYSIDE WAR HA KAA HADHO ABWAAN CABDI IIDAAN FAARAX ( AHN )

WAARI MAYSIDE WAR HA KAA HADHO
==============================

ABWAAN CABDI IIDAAN FAARAX ( AHN )

Cabdi Iidaan Faarax (Hanqadh)-Eebe ha u naxariistee- oo ka mid ah/ahaa Abwaanada ugu magaca dheer dhanka fanka iyo suugaanta Soomaaliyed, ayaa waxa markii ugu horeysay la soo bandhigay sawir taariikhi /dhif ah oo uu galay.

Cabdi Iidaan waxa lagu xasuustaa:
1-Halgankii gobonimo doonka isaga oo ahaa dawankii iyo guubaabshihii ururkii NUF iyo S/lan ba.

2-Suugaantii uu ka curiyay madashii madaxbanaanida , habeenkii calansaarka sida geeraarkii ‘CALANSAAR’ oo uu kaalinta koowaad ku galay.

Ilaahow Oodda dhexdeenana
Soomaaloo idilkeeda
Midday uurka ku hayso
Mid Ilaah ka daweeyoo
La Illoobo ka yeel

Ilaahow udubkeenna
Istiqlaalka la siiyey
Afarteenna bahoodee
Hareeraa kaga oodan
Isu keen wada keenoo
Mid adkaada ka yeel

3-Suugaantii waddaniyadda ee xilgii dawladnimada, sida gabaygii caanka ahaa ee Qushi-socod oo uu xabashida ugu quusgoynayay. Meerisyada gabayga waxa ka mid ah

Baryo waxay qubnaataba markii, lays qadarin waayey
Axmed guray jihaadkuu qabsaday, qulabaduu laayey
Qasaarihii la baday waa waxay, qaydhinkaw cuniye
Isagoo dhulkii uu qabsaday, qaydka marinaaya
Wuxuu boqorku qayladii u tagay, qaar u hiil galaye
Halkaasey hubkii loo quturey, kaga qamaadeene
Kolkayse qiiroqiiraha gashaba, qoom jinaw baxa’e
Qalalaasihii xigey kolkii, qabaxdu waynaatey
Sayid maxamed qoolkuu la kacay, ama hubkuu qaatey
Waakii gumeysiga qudh jarey, qaarna gawracaye
Hayeeshee dantii uma qabsamin, looqalqaal tagaye
Qacdii kalana waakii bashiir , qiiradaw kacaye

4-Kaalintii foolaadnimo ee uu ka qaatay Silsiladdii ”Deelley” isaga oo ku lahaa laba maanso oo ka mid ah kuwa ugu miisaanka iyo macnaha sarreeya silsiladaas-meerisyo ka mid ah maansadii -Habartii docdeediyo- ee halhayska noqday waxa ka mid ah:

Habartii docdeediyo
Degelkay ku noolayd
Daruuruhu ku hooreen
Dadka wada hel mooddoo
Daad-wararac bay tidhi
Misna talada kuma darin
Inu duud abaariyo
Degel lagu harraadiyo
Gobol lagu darleefiyo
Darxumooyin muuqdaan
Dirqi-ku-nool u badan tahay
Danyartiyo shaqaaluu
Daasad garawa goyn karin
Inuu Duhur-Dalawgii
Debedaha u suudalay
Dibjirkii ku maqan yahay
Waase Dumare yeelkeed

5-Cabdi Iidaaan markii ay silsiladdii Deelley dabarada goosatay ee cid kastaa soo gashay waxa uu ku soo xidhay gabaygii ‘Shiinley’ ee halxidhaalaha la furi waayay noqday illaa hadda.
Shibba waxa dibnii looga dhigay shar iyo khayr daayey
Abwaan wuxu murtidi uga shakiyey sheeg haddaad garato
Runtii shimiqda waxa looga dhigay una shareernaatay
Ee ay beentu shaaraca ku timi sheeg haddaad garato

6-Cabdi Iidaan Faarax (ihun) waxa uu leeyahay heeso ka mid ah kuwa ugu caansan fanka Soomaaliyeed badankana waxa ku luuqeeya -Maxamed Axmed Kuluc sida Jacayl biri ma goyso,Xurmo daran,Curub 16 jira ……ikk

7-Cabdi Iidaan Faarax (ihun) waxa shirqool lagu dilay badhtamihii 1980kii iyada oo isaga iyo hoobalkii la quudhi waayay Axmed Gacayte (Ihun) aan illaa hadda la garanayn sababtii loo dilay-balse loo aanaynayo kaalintii uu ku lahaa Deelley iyo Shiinley in loo diley.

#BOQORKAYOW
============

Abwaan:: Cabdi Iidaan Faarax Nuur,

Cabdi Iidaan wuxuu Alla ha u naxariistee rishey tixdan
mar si xaqdarro ah ay u xidhadhay Dawladii Musuqmaasuqa
ahayd ee Doxorkii Afweyne ka horreysey. Waxa Cabdi la yidhi
waa inaad soo qorataa arki si la idiin cafiyo. Cabdi wuxu
go’aansaday inuu Arji qorto balse aanu aadane ku hagaajine
Eebbe kaga dalbado waxa uu doonayo.Waa gabay aad ka dhadhansanayso
Muwaxidnimada Cabdi iidaan iyo islaamnimadiisa qotoda dheer.
Ilaahay u naxariisaygu wuxu yiri;

Ilaahaan baahannee loo baahanyow Boqorkayow Hee Dheh
Ilaaha weligi baaqiga noqdoow Boqorkayoow Hee Dheh
Iaaha Deeqsinnimo loo baxshoow Boqorkayoow Hee Dheh

Ilaahi Waaxidnimo loo bartoow Boqorkayoow Hee Dheh
Ilaahaan xaq lagu beeninnoow Boqorkayoow Hee Dheh
Ilaaha dunida baaraxa khalqoow Boqorkayoow Hee Dheh

Ilaahii inu burburin sheegayoow Boqorkayoow Hee Dheh
Bini’Aadmi waa meel sokee Boqorkayoow Hee Dheh
Bismillaahi waa culustahee Boqorkayoow Hee Dheh

Ilaahii Dartii lagu beryoow Boqorkayoow Hee Dheh
Kolka Bacadka yoomkiyo la tago belel Qiyaamaa
Ninkastoo Badraanihi markuu biidna tari waayo
Ilaaha Xukunka keligii bogtoow Boqorkayoow Hee Dheh

Bar Janno iyo Cadaabtuu khalqiga ugu bushaareeyey
Badhba meelu geeyoba markuu kala boqoolsiiyo
Ilaahii laba u kala baydhiyoow Boqorkayoow Hee Dheh

Bidhaantii kastaba kii arkoow Boqorkayoow Hee Dheh
Bad wax mara berriga waxa jiriyo buuro dabadooda
In bogliyo in baabaca dhigtiyo baalka lagu duulo
Bushimo nool Allaha quudiyoow Boqorkayoow Heedhe

Biyo Oday intuu iga khalqiyo biliq yaroo Dhiiga
Bilcan Dumara uurkeed intuu igu barwaaqeeyey
Barna aniga oon qabin isagaan igu bukaysiinnin
Ilaaha Nolosha igu soo baxshoow Boqorkayoow Hee Dheh

Baabaca addoon baan dhigtee Boqorkayoow Heedhe
Boqolkaaga magac ee mid la’ yaan baaqa maqashiinne
Allow xadhiga sahal iiga bixi kuu baryootamaye

Markii la sii daayey Cabdi iidaan ayaa ninkii Xabsiyada
haystay oo Xasan Cabdi Khayre la yidhaahdaa ” Waataa lagu
sii daayey ee maantana maxaad odhan lahayd”. Markaas ayuu
gabaygan kale ee qotoda dheer tiriyey;

Mar wax-bixiye bini-aadmibaa lagu maleeyaaye
Adigaan qasnadahaagu madhan oo mahade buuxaane
Adiguu ku soo magan-galaa ruux madluum ahiye

Kol haddii Miciinoow la yidhi meel kalaan jirinne
Maqribkay cadceedu u dhacdiyo muuqashada Waaga
Madowgiyo Iftiinka is beddela maalin iyo habeenka

Madhabti Quraankaan bartiyo Maxamed Jaahiisa???
Iyo magaca weynee Carshiga yaan miskaansadaye
Haddana sacabbadaydii madhnaa meesha soo dhigaye
Maantana ilaahow i furo kuu martaan ahaye

BILAWGII SILSILADII SHIINLEYDA

#Sheeg_Hadaad_Garato

Cabdi Iidaan Faarax Nuur
Wuxu yidhi Cabdi Iidaan Faarax Alla ha u naxariistee.

Kolkii Midhayarii wada shuq yidhi shidantay Deelley’e
Shinbir_Dharabtu meel Aar fadhiyo shuuqa kama deynne
Sha’diibaan hayaanka u rarnay iyo shaanbis geeddiga’e
Shaabuugga nadigaa tix-yare sheexa ka lahaanne

Affarrey ha lala soo shirtago Shoolla Booliyahe
Halkaasaa Sengaha noo sharraxan shaalka loo sudhaye
Shafshafaha duxda ah leefihii cid u shaqaynaayey

Iyo SHurunshur malaggiisu galay haysa soo shubo’e
Shilmaqabe tixdaan Gaarriyoow shiinka ka asteeyey
Ama Geenyadaan xalay shirrabay shalaw abraarkeeda
Meeshaan Shakamaddawgu xidhay sheeg haddaad garato

Shafarta iyo dabaylaha jiraa shaamareerka lehe
Shifo waxan lahaynoo la cuno sheeg haddaad garato
Shubaal quruxsan Gaawaha shaxshaxa Shuqul gobaadeedka
Shinni dhagax sideedii markuu noogu shiro geelu

Sharaan duhurki sharad kuugu galay, Laaska shacabkaasa
Inaan maantadani kuugu shubo ee shifo u hooda
Markay shaaxin ugu heesayaan kama shiddoodaane
Sharba uga ducee inaanu helin shil iyo qayrkiiye

Misana Sheekhyadii iyo u qabay Weliyo sheellaaye
Misna sharax Kitaab kama akhriyin Shed ay ku yaallaane
Waxa badawgu SHa’allaah u yidhi sheeg haddaad garato
Shibba waxa dibnii looga dhigay shar iyo khayr daayey

Abwaan wuxu murtidi uga shakiyey sheeg haddaad garato
Runtii shimiqda waxa looga dhigay una shareernaatay
Ee ay beentu shaaraca ku timi sheeg haddaad garato
Shirkii lagu ballamay faalladii shaaca laga qaaday

Shalmadi Koore raacdoo waxbaan sheedda ka arkaaye
Shishe u aragnay haasaawihii shaadirka lahaaye
Shaf-dhiggiisu meeshuu hirdiyey sheeg haddaad garato
Belaayada shinkeed galay fidmada laga shaqaynaayo

Shoocaalligeedaa hirmacay waase sheen ga’anne
Halka shalaxda lala maaggan yahay sheeg haddaad garato
Cadceedduba Dayaxa shiiqiisee waana laba shay’e
Wuxu Shamacba taaggii u huray sheeg haddaad garato

Shafartii qabiilkiyo Wiglada lagu shanlaynaayo
Waxa qaranka shuushkii ka baxay dib ugu shaasheeyey
Duqdii oo Shakaalkii qabriga iyo shebeggi hayn waayey

Shaaruba Libaax iyo hadday Shaadh ammaan tolatay
Sharcigi lagu qaban lahaa meelu jiro sheeg haddaad garato
Ninku kibirku shaanshaan ka ridey waaya shaxartaanye
Misna waxanu sheekada ku darin shiishka soo maqane

Inta Shaqalka gaabani u jiro sheeg haddaad garato
Shif u dhimo nin ragi waa geyaa sharafna nooloow’e
Waxay Sharadi meesheed u tahay sheeg haddaad garato
Shilalka lagu qal neefkii la cuni Shidhada xoolaaye

Shanqadhiyo Shariiryaha digsiga shagagaxdii weelka
Sidii Wananka loo kala shishlaa Shiillimaad noqoye
Shansho kama dhadhamin reerku waa shey cajaa’ibahe
Waxay sheeka-baraleeydu tahay sheeg haddaad garato

Shabeelkiyo Orgigu waa heshiis Shiibba?? dhega yaabka
Shilalkay isugu dhuumatay ee nabaddu shuuxshuuxa
Shullo maran la dhigaybaa jirtee sheeg haddaad garato
Shaxda niman aqoon lama degeen mana shu’aysteene

Shan Soomali oo wada socdoo Calan ku sheekeeya
Shinmaa la arkayaa waa su’aal sharad ka yaallaaye

Muhamed Dhimbiil

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com