Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Golaha Guurtidda oo la iskugu Yeedhay si ay Waajibkooda uga Gutaan dib u Dhaca Doorashada

Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtidda Somaliland Garyaqaan Cabdinaasir Aadan Beegsi ayaa shaaciyey in Golaha Guurtiddu fadhi aan caadi ahayn iskugu iman doono maalinta Sabtida ee taariikhdu tahay 12ka Bishan January.

Siday faafisay Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA, waxa Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtidu uu Mudaneyaasha ku wargeliyey in aanay ka baaqsan fadhigaas oo muhiim ah isla markaana lagaga hadli doono arrimo danaha Qaranka JSL, Sidaas darteed, inkasta oo aanu shaacinin waxyaabaha uu la xidhiidho ee lagaga hadli doono fadhigan aan caadiga ahayn.

Geesta kalena Siday ilo looga xog ogaal ahi u xaqiijiyeen Wakaallada Wararka Somaliland, waxa fadhigan Golaha Guurtidda la iskugu yeedhay ka dambeeyey waraaq uu Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu u qoray Golaha Guurtidda inay waajibaadkooda ka gutaan doorashadii isku lammaaneyd ee Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka ee dib u dhacday.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com