Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

WASIIRADA ARIMAHA DIBADA IYO MAALIYADA ITOOBIYA OO HADHIMO-SHARAFEED KU MAAMUUSAY MADAXWEYNAHA SOMALILAND IYO WEFTIGIISA

Madaxweynaha Somaliland iyo weftiga uu hoggaaminayo oo ku sugan caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, ayaa waxa hadhimo-sharafeed ku casuumay wasiirrada wasaaradaha arrimaha dibadda iyo maaliyadda dalka Itoobiya Dr. Workneh Gebeyehu iyo Mudane. Axmed Shide.


Madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah ee wehelinaya, ayaa waxa kulanka hadhimo-sharafeedka ah ee ay la qaateen wasiirrada arrimaha dibadda iyo maaliyadda ee dalkaas Itoobiya oo ay wehelinayaan Safiirka Dawladda Itoobiya u fadhiya Dalka Somaliland, Mudane Shamsudiin Axmed Rooble iyo diblomaasiyiin ka tirsan dawladda Federal-ka Itoobiya waxa ay ku wadaageen is xog-waraysi muddo qaatay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com