Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Maxaa Faraq Ah Ee U Dhaxeeya Astaanka Rasmiga Ah Ee Qaranka Iyo Mid Madaxweyne Muuse Biixi Ka Dul Khudbadeeyey Maanta?

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo maanta xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka somaliland ayaa goobtii uu ka khudbadaynayey lagu soo dhajiyey calaamad aan ahayn ta rasmiga ah ee qaranka.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa goobtii uu ka jeedinayey khudbada waxa lagu soo dhajiyey sawir loo eekaysiiyey astaanka qaranka somaliland balse isbadal badan iyo khaladaad lagu sameeyey ay ka muuqdaan.



Meelaha uu khaladku ka muuqday ee lagu muujiyey calaamadii lagu soo dhajiyey goobtii uu madaxweynuhu khudbada ka jeedinayey waxa ka mid ahaa Miisaanka, Bisinka lagu xardhay, Shimbirta ku sawiran iyo gacmaha is haysta ee astaanka rasmiga ah ee qaranku ay caan ku tahay.

Dhinaca kale astaanka qaranka oo uu sameeyey siyaasiga Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar(Jawaan) ayaa ilaa hada la sugayaa in madaxweynaha somaliland uu soo saaro digreeto rasmi ah oo loogu aqoonsanayo lahaanshaha xuquuqeed ee uu siyaasigaasi u leeyahay Astaanka qaranka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com