Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xasan Ciise Oo Cadeeyay Inay Furteen Dacwad Ay Kaga Ashkatoonayaan Riiqdii Doorashada Deegaanka Iyo Dadkii Boolisku Dhaawacyada Gaadhsiiyay. Hargeysa (msl) Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedkii hadhay ee Xaqsoor Xasan Ciise Jaamac ayaa shaaca ka qaaday in Ururkiisu Dacwad ka dhana Guddida Doorashooyinka iyo Xukuumadda Somaliland ka furtay Maxkamad ku taala wadanka Ingiriiska, taasoo ay kaga ashkatoonayaan Natiijadii Doorashada iyo Dilkii lagula kacay Taageerayaasha Ururkaasi ee Degmada Axmed Dhagax iyo Magaalada Saylac. Xasan Ciise Jaamac oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar uu ugu maqnaa Dalka Jabuuti oo uu kaga qayb galay Aaskii Guddoomiyihii Baanka Jabuuti Marxuum Jaamac Maxamuud Xayd, ayaa dacwada ay Ingiriiska ka furteen ka cadeeyay Warbixin kooban uu Warbaahinta ku siiyay Gurigiisa Magaalada Hargeysa,

gudoomiyaha ururka xaqsoor ahna gudoomiyaha snm ayaa maanta cadeeyay inay dacwad furteen waxaanu yidhi “haa way jirtaa Ashkatadaasi, waxaanan kaga ashkatoonaynaa dhibaatadii Ururka Xaqsoor loo geystay iyo Carruurtii Xabadda Qoorta lagala dhacay ee aanay ilaa hadda Xukuumaddu waxba ka soo qaadin, waxaana nagu kalifay Dacwada inaanu halkaa ka furano, waatii Maxkamadihii dalka xataa loo diiday inay qabtaan Dacwada Ururka Xaqsoor”ayuu yidhi.

Xasan Ciise isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Ururka Xaqsoor wixii lagula kacay marna ka hadhi mayno, dacwadaasina waa bilow oo wali waxay ku jirtaa diyaarin, arimaha kale ee Qarankana waanu ka shaqaynaynaa oo labadaasi wax isdiidaya maaha”ayuu yidhi.

Mujaahid Xasan Ciise Jaamac ayaa dhinaca kale ka waramayay Xaalada dadkii dhawaan Ciidamada Milateriga Somaliland ku dhaawaceen Magaalada Saylac iyo qof kale oo isagana Ciidamada Bilaysku dhawaan ku dhaawaceen Magaalada Laascaanood oo uu Cisbitaalka Jabuuti ku booqday “Waxaan Cisbitaalka ku booqday Shan qof oo ka mid ah Dadkii saylac ku dhaawacmaya iyo Nin Ciidamada Amnigu dhawaan ku dhaawaceen Laascaanood oo isaga xaaladiisu yara culus tahay, Ninkaasoo Afka iyo meelo kale dhaawacyo ka qabay oo yara culus mooyaane inta kale way ladnaayeen, waanan u ducaynaynaa in Ilaahay dhibaatadaa soo gaadhay ka dul qaado, Urur ahaana waanu ka xunahay in Ciidamadii amaanku dadkii laayaan oo Xabad la dhacaan”ayuu yidhi.

Sidoo kale Xasan Ciise waxa uu markii ugu horaysay ka hadlay Caqabada Gooni-isu taaga Somaliland kaga iman karta Aqoonsiga Dawlada Maraykanku siisay Somaliya, taasoo uu ku tilmaamay mushkilad hor leh oo wiiqi karta Madaxbanaanida Somaliland hadaan laga hor tegin ama dedaal diblo-maasiyadeed iyo mid gudaha ahba lagu waajihin “arintaasi waxa weeyaan wixii aanu labaatankii sanadood ee aynu jirnayba aan lahaa halaga hor tago oo meel adag ha layska taago, iminkana waxaan qabaa in laga daba tegi karo hadii Xukuumad dalka iyo dadka metelaysa oo ta xaqsoor doonayo ahi talada qabato”ayuu yidhi.
xuseen xarbi
maanta somaliland
hargaysa
harbi_31@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com